Dadweynaha Somaliland waxaannu ugu bushaareyneynaa in iskuullkii ugu horreeyey ee Manhajka Ingiriiska ku baxaya laga furi doono, gobolka Togdheer, Burco.
AN-Nuur Academy wuxuu bilaabmayaa 01/08/2010, Xaafadda Maxamed-cali (Aagga Qasabka).
AN-Nuur Academy ubadkaagu waxay ka heli doonaan waxbarasho iyo tashiilaad tayo wacan leh, iyo weliba macallimiin tababar Casri ah leh.
Maaddooyinka: Xisaabta, Sayniska,ICT(computerka),Englishka iyo juquraafiga waxay ku bixxi doonaan luuqadda ingiriisida, maadooyinka kale oo dhammi waxay ku bixi doonaan luuqadda Carabiga inshaa’allaah.
Boosaska is qorista (Admissions) way kooban yihiin, yaan lagaa horreyn.
Wiilashu waa gelinka hore 7:00-12:00, habluhuna waa gelinka dambe 13:00-18:00.