

๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐๐ฒ๐๐ ๐ฆ๐๐๐ง๐ญ๐ ๐๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐๐๐จ๐ซ๐จ๐ฌ๐ค๐ ๐๐ข๐ข๐ฌ๐๐๐ง๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐๐ง๐ง๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐-๐ค๐ .
๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
Fadhigii 43-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Marka laga tago Warbixinta Xaaladda Guud ee Amniga Dalka, oo uu ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo); Fadhigii 43-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland waxa gebi ahaanba lagaga wada hadlay Odoroska Miisaaniyadda Qaranka JSL ee 2026-ka.
๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐จ๐ซ๐จ๐ฌ๐ค๐ ๐๐ข๐ข๐ฌ๐๐๐ง๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐-๐ค๐:
Waxa Golaha Wasiirrada faahfaahin buuxda ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan.
Fadhigii 43-aad waxa iyaguna ku sugnaa Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, Agaasimaha Guud ee Maaliyadda iyo Agaasimaha iyo Ku-xigeenka Waaxda Miisaaniyadda.
Miisaaniyadda Guud ee Dawladda ee Sannadka 2026-ka oo ah Miisaaniyadii 35aad ee Qaranka JSL, isla markaana ah Miisaaniyadii ugu badnayd ee uu yeesho Qaranka JSL; Wasiirku waxa uu sheegay in ay Miisaaniyaddani mudnaanta siinayso xoojinta Adeegyada Bulshada, xoojinta Difaaaca, Ilaalinta Amniga, Dhisidda Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo ilaalinta xasilloonida Dhaqaale iyo ta Maaliyadeed ee dalka.
Wasiirku waxa uu xusay in Miisaaniyadihii hore ee Sanadihii 2022, 2023 iyo 2024 uu ku yimid dhinaansho dhan cel-celis ahaan (๐๐%) iyada oo Miisaaniyadda 2026-ka marka loo eego Miisaaniyaddii 2024 ay kordhayso dakhli ahaan ๐๐%. Taasi oo macnaheedu yahay in 11% ahaa hoos-u-dhicii (deficit) Miisaaniyaddii 2024-ka ay Wasaaradda Maaliyaddu dabooshay; halka uu jiro korodh Dakhli oo ah 11% oo la xidhiidha Odoroska Miisaaniyadda 2026-ka.
Wasiirku waxa uu sharaxay Odoroska Miisaaniyadda Dawladda Dhexe ee 2026-ka oo dhan: ๐,๐๐๐,๐๐๐,๐๐๐,๐๐๐ ๐๐ก๐๐
Halka ay Miisaaniyadda 2025 ka ahayd: ๐,๐๐๐,๐๐๐,๐๐๐,๐๐๐ ๐๐ก๐๐;
Faraqa u dhexeeya waa ๐๐๐,๐๐๐,๐๐๐,๐๐๐ ๐๐ก๐๐. Marka loo bedelo boqollay Miisaaniyadda 2026-ka waxa ka badan tahay tii 2025-ka ๐๐%)
Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu faahfaahiyey Qaybaha ay ka kooban tahay Miisaaniyadda 2026-ka ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi oo kala ah:
1. Miisaaniyadda Dawladda Dhexe (63%);
2. Miisaaniyadda Dawladaha Hoose: (12%);
3. Mashaariicda Baanka Adduunka iyo Baanka H.Africa: (17%);
4. Miisaaniyadda Hayโadaha Macaashka sameeya: (8%)
ISU GEYNTA GUUD EE MIISAANIYADDA QARANKA JSL SANNADKA 2026-KA:- ๐,๐๐๐,๐๐๐,๐๐๐,๐๐๐ ๐๐๐๐
Ugu dambayntii, Wasiirka Maaliyaddu waxa uu si Sharaf leh uga codsaday Xubnaha Golaha Wasiirrada in ay ansixiyaan Miisaaniyadda Qaranka ee 2026-ka, si Miisaaniyadda waqtigeeda loo geeyo Golaha Wakiiladda JSL.
Intaa kaddib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Xubnaha Golaha Wasiirrada JSL ka codsaday in cod gacan taag ah loogu codeeyo Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee 2026-ka.
41 Xubnood oo ka mid ah Golaha Wasiirrada ayaa joogay Fadhigii 43-aad. Waxa u codeeyey 40 Wasiir, 1 Wasiir ayaa ka codeeyey, cidina kama aamusin.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐





