𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐝𝐚 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐀𝐲𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐨𝐨𝐝𝐢𝐢 𝐊𝐨𝐨𝐰𝐚𝐚𝐝 .

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ahna Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha, ayaa maanta shir-gudoominayey kulankii ugu horreeyey ee

ay yeeshaan Xubnaha Guddida uu shalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay wax ka qabashada xaaladaha Abaaraha dalka oo dhan.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu Xubnaha Guddida u sheegay in kulankani uu yahay bar-bilowga rasmiga ah ee gudashada masuuliyadaha iyo waajibaadka Guddida loo xil saaray, taasoo ah isku-dubbaridka iyo gaadhsiinta gargaarka degdegga ah sida biyaha, cuntada, iyo daawooyinka bulshada reer Somaliland ee Abaaraha ku tabaaloobay.

Qodobbada muhiimka ah ee lagaga wada hadlay kulankan 1-aad waxa ka mid ahaa:

1. Dhammaystirka qaab-dhismeedka Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha

2. Samaynta guddiyada Gurmadka Abaaraha ee heer Gobol iyo heer Degmo (Gobollada dalka oo dhan)

3. La socodka xogaha maalinlaha ah ee xaaladaha Abaaraha dalka oo dhan

4. Samaynta Guddi-hoosaadyo Farsamo oo la shaqeeya Guddida Abaaraha ee Heer Qaran.

5. Dejinta hannaanka loo ururinayo, loona maamulayo lacagaha qaadhaanka iyo deeqaha ah, oo ay ugu mudan yihiin Ganacsatada, Qurbe-jooga iyo Dadweynaha reer Somaliland.

6. Joogtaynta kullannada maalinlaha ah ee ay Guddidu kaga arrinsanayaan socodsiinta hawlaha baaxadda leh ee Gurmadka Abaaraha.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝.