๐๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐ก๐ ๐๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐ก๐๐ฑ๐ ๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐๐ฒ๐๐ ๐ฅ๐ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐๐ฒ ๐๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐ก๐๐ฑ๐ ๐๐ ๐๐๐ข๐ฐ๐๐ง (๐๐๐ง๐ญ๐ซ๐๐ฅ ๐๐๐ง๐ค ๐จ๐ ๐๐๐ข๐ฐ๐๐ง) ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฒโ๐๐๐ ๐๐จ๐ซ๐ฃ๐จ๐จ๐ ๐ญ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฒโ๐๐๐๐๐ก๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐๐ (๐
๐ข๐ง๐๐ง๐๐ข๐๐ฅ ๐๐ฎ๐ฉ๐๐ซ๐ฏ๐ข๐ฌ๐จ๐ซ๐ฒ ๐๐จ๐ฆ๐ฆ๐ข๐ฌ๐ฌ๐ข๐จ๐ง) (๐
๐๐) ๐๐ ๐๐๐ข๐ฐ๐๐ง.











Taipei, 15-September -2025 โ Guddoomiyaha Baanka Somaliland, Mudane Cabdinasir Axmed Xirsi oo Xoojinaya Wada-shaqeynta uu la leeyahay Hayโadaha Maaliyadeed ee Taiwan si loo Casriyeeyo Nidaamka Maaliyaddeed ee dalka Somaliland ayaa maanta kulan heer sare ah la yeeshay laba ka mid ah hayโadaha maaliyadeed ee ugu waaweyn Taiwan ee kala ah Baanka Dhexe ee Taiwan iyo Hayโadda Korjoogtaynta Hayโaddaha Maaliyadda (FSC). Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga labada dhinac si loo xoojiyo maamulka iyo kor ka ilaalinta hab maaliyadeedka Somaliland isla markaana loo horumariyo awoodda Baanka Dhexe ee Somaliland.
Intii lagu guda jiray kulamadan, labada dhinac ayaa dood iyo falanqayn dheer ka dib ayey labada dhinac isla qaataan hirgelinta nidaam iskaashi oo ku salaysan khibrad-wadaag iyo Taageero farsamo oo loo fidiyo dadaallada lagu casriyaynayo Baanka Dhexe ee Somaliland,
Guddoomiyaha Baanka Somaliland waxaa kulamada ku wehelinayey Safiirka Somaliland ee Taiwan, Mudane Maxamuud Aadam Jaamac Galaal, iyo Mudane Maxamuud Axmed Maxamed oo ah La-taliye Sare oo ka tirsan Baanka Dhexe ee Somaliland.
Kulanka Baanka Dhexe ee Taiwan
Kulankii uu Guddoomiyuhu la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Taiwan, Prof. Tzung Ta Yen, iyo saraakiil sare oo ka tirsan Baanka Dhexe ee Taiwan, waxaa lagu gorfeeyey sidii ay iskaashi buuxa iyo wadashaqayn dhinacyo badan ah u yeelan lahaayeen labada Bangi dhexe, gaara ahaan xoojinta doorka Baanka Dhexe ee Somaliland ee ilaalinta xasilloonida maaliyadeed. Madaxda Baanka Dhexe ee Taiwan waxa ay uu muujiyeen in ay diyaar u yihiin in ay ka taageeraan Baanka Dhexe ee Somaliland dhinacyaddan hoos ku xusan:
โข Dhismaha Awoodda iyo Aqoonta Farsamo ee Shaqaalaha Baanka Somaliland si loo horumariyo awoodda hayโadeed ee Baanka Somaliland
โข Horumarinta Kaabayaasha Farsamada Maaliyadeed sida horumarinta nidaamyada IT-ga, qaab-dhismeedka iyo horumarinta hababka lacag bixinta qaranka iyo ilaalinta bedqabkooda
โข Diyaarinta Siyaasadaha iyo Xeerarka maqan
โข Ka qayb qaadashada nidaamyadda lacag bixinta caalamiga ah
iyo nidaamka Is-dhaafsiga lacagaha caalamiga ah ee SWIFT
Guddoomiye Baanka Somaliland Cabdinaasir ayaa ammaanay guulaha Taiwan ee dhismaha Hab-maaliyadeedka xoogan ee tignoolajiyada ku dhisan iyadoo ay haysteen caqabado diblomaasiyadeed.
Kulanka Hayโadda Korjoogtaynta Hayโaddaha Maaliyaddeed (FSC) ee Taiwan
Dhinaca kale Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland waxa uu kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Hayโadda Korjoogtaynta Hayโaddaha Maaliyadda ee Taiwan (FSC), Marwo Sherri H. Y. Chuang, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Hayโaddan.
Kulankan waxa aad looga dooday xoojinta hanaanka korjoogtaynta iyo iskaasiga dhamaystirka xeerarka muhiimka ah.
Kulankan ayaa ku soo dhamaaday is afgarad buuxa iyadda oo ay masuuliyiinta hayโaddan FSC ay balanqaadeen in ay ka taageeraan Baanka dhexe ee somaliland dhinacyaddan:
โข Kor u qaadidda awooda kor-joogtaynta Kormeerka iyo dhamaystirka Xeerarka hayโaddaha maaliyadda si loo waafajiyo heerarka caalamiga ah.
โข Dhismaha Awoodda xil-gudasho iyo aqoonta shaqaalaha iyadda oo loo marayo Tababaro farsamo, is-weydaarsi aqooneed, iyo barnaamijyo horumarinta shaqaalaha ah si loo xoojiyo Waaxda Korjoogtaynta Hayโaddaha Maaliyadeed ee Baanka Dhexe ee Somaliland.
Ugu dambayntii, Guddoomiye Baanka Somaliland mudane Cabdinaasir Axmed Xirsi ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda uu leeyahay dhismaha iyo kor u qaadida aqoonta iyo xirfadda korjoogtaynta Hayโadddaha Maaliyadda si loo joogteeyo xasilloonida nidaam maaliyadeedka Somaliland isla markaana kor loogu qaado kalsoonida shacabku ku qabaan adeeg bixinta Baananka iyo Hayโaddaha Maaliyadeed ee Somaliland.





