๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฅ๐ ๐ช๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐, ๐๐๐ซ๐๐๐๐ซ๐๐ง๐จ ๐ฆ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก๐ง๐ ๐ฌ๐ข๐ข๐ฒ๐๐ฒ
Hargeysa,(Qaran news)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan muhiim ah Qasriga Madaxtooyada kula qaatay Agaasimayaasha Guud ee Hayโadaha Dawladda, kuwaasoo uu Madaxweynuhu dhawaan u magacaabay xilal.
Kulankan oo uu Madaxweynuhu la qaatay Agaasimayaasha guud oo ay ka qaybgaleen dhammaanba Agaasimayaasha Guud ee magacaabani, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii loo dul istaagi lahaa, hoostana looga xarriiqi lahaa hawlaha mudnaanta u leh Xukuumadda ๐๐๐๐-๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐๐๐๐๐, maaddaama oo ay Agaasimayaasha Guud Tiir-dhexaad u yihiin fulinta siyaasadda Xukuumadda ee la xidhiidha in bulshada Somaliland adeeg hufan.
Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirrada Madaxtooyada iyo Diinta iyo Awqaafta.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo kulankaas ka hadlay ayaa sharraxay masuuliyadda iyo waajibaadka saaran Agaasimayaasha Guud iyo doorka lagama maarmaanka ah ee ay ku leeyihiin fulinta hawlaha mudnaanta u leh harumarinka Qaranka JSL, ayaa waxa uu yidhi: โAgaasimaha guud waxa uu ka masuul yahay fulinta siyaasadaha iyo qorshayaasha Xukuumadda ๐๐๐๐๐๐๐ & ๐๐๐-๐๐๐๐๐. Taasi waxa ay muujinaysaa culayska masโuuliyadda idin saaran, waxa ay fure u tahay guusha ama guuldarrada ay xukuumaddu ka gaadhi karto, fulinta ballanqaadyadeeda iyo gaadhista yoolasha u dejisan.โ
Madaxweynuhu waxa uu Agaasimayaasha Guud faraqa u sudhay dardaaran muhiim ah, waxana uu faray inay hubin joogta ah ku sameeyaan shaqada Wasaaradahooda iyo Hayโadahooda ka socotaa inay waafaqsan tahay qorshihii, siyaasaddii iyo ballanqaadyadii ay Xukuumadda haatan talada haysaa ay ku gashay xilligii Ololaha Doorashooyinka, waxana uu yidhi:
โ Waa in Agaasimuhu uu si xilkasnimo leh oo buuxda u qaato masโuuliyadda shaqo ee saaran. Xilka la idiin igmaday maaha shaqo maalmeedka wasaaradda oo keliya. Balse waxaa ka mid ah inaad hubisaan in waxqabadka iyo adeegga ay Wasaaraddu bixisaa uu waafaqsan yahay siyaasaddii iyo qorshihi Xukuumadda.โ
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu Agaasimayaasha Guud faray inay la jaanqaadaan isbedbeddelka xawaaraha ku socda ee dunida ka socda fahamkoodana kobciyaan, waxana uu yidhi: โSi ay shaqada u fududaato, waa in aynnu la jaan-qaadno dunidan isbeddelkeedu xawaaraha ku socdo, waa in Agaasimuhu noqdaa shakhsi curin leh oo si joogto ah u sii kobciyaa hannaanka casriga ah ee shaqada.โ
Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu xusay inuu si dhaw ula socon doono shaqooyinka ka socda Wasaaraha kala duwan ee ay Agaasimayaashu masuulka ka yihiin, shaqadooduna nodon doonto mid xisaabtan leh, waxana uu yidhi: โAniguna Madaxweyne ahaan waxa aan si dhow ula socon doonnaa horusocodka shaqada wasaarad kasta, taas ayaana la idinkula xisaabtami doonaa.โ
Dhinaca kale, kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay Agaasimayaasha Guud waxa hadallo nuxur leh ka soo jeediyey Guddoomiyaha Hayโadda Shaqaalaha Dawladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha oo isagu ah Guddoomiyaha Agaasimayaasha Guud
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐