๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐๐ก๐๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ก๐๐ฐ๐๐๐ฒ๐๐ฒ ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐๐ข๐ฅ๐๐ฒ.



















Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo wefti ballaadhan uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu baxay Gobolada galbeedka dalka , ayaa gaadhay Gobolka Gabiley.
Dadweynaha Gobolka Gabiley oo aan u kala hadhin ayaa si ballaadhan oo ay waddaniyadi ku dheehan tahay u soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo waftiga uu hogaaminaayo
Soo dhawayntan ballaadhan ayaa ahayd mid ka tarjumaysa kalsoonida ay Shacabka Gobolka Gabiley u hayaan hoggaanka Qaranka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo geeddi-socodka horumarinta dalka ee Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad.
Madaxweynuhu markii uu soo gaadhay goobta soo dhaweynta waxa uu si kal iyo laab ah u salaamay Shacabka Gobolka Gabiley oo safaf dhaadheer saacado ugu jiray soo dhawaynta Madaxweynaha, iyaga oo calanka Qaranka JSL iyo caleemo qoyan ku soo dhaweeyey Maareeyaha.
Madaxweynuhu inta uu joogo magaalada Gabiley, waxa uu kulammo la yeelan doonaa Madaxda Gobolka iyo Degmada, wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada GobolkaGabiley, isaga oo kala hadli arrimo la xidhiidha horumarinta adeegyada bulshada, wada-shaqaynta iyo xoojinta midnimada ummadda.
Sida oo kale, Madaxweynaha ayaa xadhigga ka jari doona mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey magaalada Gabiley qaar kalena dhagax-dhigi doona, kuwaasi oo qayb ka noqonaya horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha Gobolka Gabiley.
Ugu danbeyntii Soo dhaweynta milgaha leh ee ay Shacabka reer Gabiley ku soo dhaweeyeen Madaxweynaha Qaranka ayaa dhiirri-gelin dheeraad ah u ah Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa macno weyna u leh, sababo badan awgood.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐





