๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ
๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐๐๐ซ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐จ ๐ค๐ฎ ๐ญ๐๐ ๐๐ฒ ๐ฑ๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐ญ๐๐ฅ๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐ฌ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐๐ญ๐
Hargeysa,(Qarannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta taliska guud ee ciidanka Asluubta ee badhtamaha caasimadda Hargeysa.
Madaxweynuhu markii uu halkaas tegay waxa soo dhaweeyey oo qaabilay taliyaha ciidanka Asluubta sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), waxana uu salaam Sharaf ka qaatay cutubyo katirsan ciidanka Asluubta, isaga oo kormeer iyo indho indhayn ku sameeyey qaybaha kala duwan ee talisku ka kooban yahay.
Ugu horrayn, taliyaha ciidanka Asluubta sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha soo dhaweeyey, waxana uu warbixin kooban ka siiyey hawlaha muhiimka ah ee ciidanka qaranku u hayaan bulshada iyo sida ay u daryeelaan maxaabiista ay gacanta ku hayaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo halkaas ka jeediyey hadal dhinacyo kala duwan taabanaya, ayaa ugu horrayn bogaadiyey ciidamada Asluubta, waxana uu sharraxay muhiimadda ay qaranka ugu fadhiyaan, waxana uu yidhi,
โCiidamada Asluubtu waa hayโad muhiimad gaar ah u leh ilaalinta badqabka iyo amniga dadweynaha, xilgudashadiina ayaana udub-dhexaad u ah adkaynta sharciga iyo kala dambaynta, Waan idinku bogaadinayaa inaad waajibkaas kasoo baxdeen, shaqadiina iyo waajibka aad qaranka u haysaanna haynta maxbuuska oo kaliya ma aha, waxana uu Dastuurku idiin xilsaaray toosinta akhlaaqda iyo dhaqan-celinta maxbuuska.โ
Madaxweynuhu waxa uu sharraxay sida ay xukuumadda uu hoggaamiyaa muhiimadda u siinayso ciidanka Asluubta, waxana uu caddeeyey in mushahar-kordhinta iyo daryeelka ee ciidamada loo samayn doonaba ay qayb ka noqon doonaan,โsi ay hawshaasi idiinku suuragasho waxa aannu idiin dhisi doonnaa aqoonta, waayo aragnimada iyo qalabka ciidanka asluubta, sida oo kale waxa aad ciidamada kale ee dalka kala mid noqon doontaan mushahar kodhinta iyo daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada,โ ayuu yidhi madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu shaaciyey in la xoojin doono waxbarashada maxaabiista, lana bilaabi doono manhaj gaar u ah waxbarashada maxaabiista, waxana uu yidhi, โSidoo kale waxa aannu xoojin doonaa waxbarashada ay maxaabiistu ku helaan xabsiyada dhexdooda iyada oo dhawaan la bilaabi doono dejinta manhaj u gaar ah waxbarashada maxaabiista, waana hindise aynu doonayno inaynu ku wanaajinno mustaqbalka maxbuuska.โ
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in la dhisi doono xabsiyo gaar ah u ah haweenka iyo carruurta maxaabiista ah, taas oo baahi weyn loo qabo, si loo yareeyo dhibka haweenka iyo carruurtu ku qabaan xabsiyada.
Kormeerka uu sameeyey madaxweynaha qaranku waxa ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhigga, arrimaha gudaha, caddaaladda, la taliyaha madaxweynaha ee Amniga qaranka iyo badhasaabka gobolka Maroodi-jeex.