๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฅ๐ ๐ช๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฒ’๐๐๐๐ก๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ ๐๐๐ง๐ง๐๐๐ง ๐๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ .








Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta kulan xog-warran iyo dar-dargelin shaqo ah la yeeshay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa bannaan ee Qaranka JSL.
Kulankan oo saddex-biloodle ah, waxa diiradda lagu saaray hab-sami-u-socodka hawlaha ay Agaasimeyaasha Guud uga masuulka yihiin Qaranka xag shaqo, xag shaqaale, xag adeeg-bixin iyo xagga ilaalinta saacadaha shaqadaba.
Madaxweynuhu waxa uu kulanka hoosta ka xarriiqay in ay lagama maarmaan tahay in ay Wasaarad iyo Hay’ad kastaba si dhab ah u dul is taagto waxa muddadaa u Qabsoomay, waxa ka Qabyoobay, waxa u Qorshaysan iyo arrimaha u baahan in wax lagala Qabto.
Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu Agaasimeyaasha Guud ee Hayโadaha Qaranka u sheegay in ay lagama maarmaan tahay in ay xoojiyaan wada shaqaynta xagga maamulka iyo is-aaminaada dhexdooda, si loo xaqiijiyo tayeynta adeeg bixinta, hufnaanta maamul, isla-xisaabtanka, iyo is waafajinta barnaamijyada horumarinta bulshada oo ku sar-go’an hawlaha mudnaanta u leh Qaranka JSL.
Dhinaca kale, waxa iyaguna kulanka hadallo mug leh ka soo jeediyey Guddoomiyaha Golaha Agaasimayaasha Guud oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista, Hawada & Horumarinta Madaarada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Agaasimaha Guud ee Komishinka Maamul Wanaagga iyo ugu dambeyn Guddoomiyaha Hayโadda Shaqaalaha Dawladda.
Mas’uuliyiintani waxa ay dhammaantood Madaxweynaha uga mahad naqeen fursadda iyo kalsoonida uu siiyey, waxana ay ballan qaadeen in ay si dhab ah u dabbaqi doonaan uguna shaqayn doonaan siyaasadda, himilada, hadafka iyo hiigsiga uu Madaxweynuhu ku hoggaaminayo Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad. Waxa ay sheegeen in ay mudnaan gaar ah siinayaan maamul daadejinta Gobollada iyo Degmooyinka, tayaynta iyo fidinta adeegyada bulshada iyo xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya bulshada iyo Xukuumadda, si loo kobciyo kalsoonida ay muwaadiniinta JSL ku qabaan Xukuumaddooda.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Agaasimeyaasha Guud ee Hayโadaha Qaranka kula dardaarmay in looga fadhiyo xil gudasho daacad ah, u-xaq-sooridda shaqaalaha ay masuulka ka yihiin, iyo kor-joogtaynta gudashada saacadaha shaqada.
Madaxweynuhu waxa uu Agaasimeyaasha Guud ee Hayโadaha Qaranka ku boorriyay in ay mudnaanta siiyaan bixinta adeegyo ku salaysan baahiyaha
muwaadiniinta, xaqiijinta Masโuuliyadaha Maaliyadeed, iyo in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xaqiijinta hadafka guud ee Siyaasadda Xukuumadda.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐





