𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐥𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧
𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐫-𝐚𝐝𝐚𝐠 𝐢𝐲𝐨 𝐂𝐚𝐲𝐧𝐚𝐛𝐨 𝐤𝐚𝐠𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐦𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐨 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐝𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐚𝐝𝐢𝐢𝐝𝐤𝐨𝐨𝐝𝐢𝐢 𝐃𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Waftigii u hoggaaminayo ayaa maanta deegaanka Tuurka ee Degmada Gar-Adag kaga qaybgalay munaasabad ballaadhan oo lagu qaramaynayey Ciidamo Madani ah iyo Gadiidkoodii dagaalka.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay bulshada degaanka Tuurka, maadaama ay door mihiim ah ka qaateen qaramaynta Ciidanka Madaniga.
Geesta kalena Madaxweyne Ku-xigeenka JSL iyo Weftiga uu hoggaaminayey ayaa gaadhay Xarunta Gobolka Saraar Caynaba, halkaasi oo ay kaga qayb-galeen xaflad ballaadhan oo lagu Qaramaynayey Dufcadii ugu horraysay ee Ciidanka maddaniga ah ee Gobolka Saraar iyo gadiidkoodii dagaalka, kuwaasi oo si toos ah loo qarameeyey, isla markaana lagula kala wareegay Degmada Oog.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Ku-xigeenka JSL oo halkaasi hadalo dhinacyo badan taabanaya ka soo jeediyey ayaa si weyn ugu dheeraday Qorshaha Xukumadda Waddajir iyo Wax-qabad ee Qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah, waxana uu yidhi:
“Xukumadda Waddajir iyo Wax-qabad waxa ka go’an in ay qaramayso guud ahaanba Ciidamada Maddaniga ah iyo gadiidkoodaba, arrintaasi waa qorshe culus, balse Xukumaddu iyada oo cusub waxa ay door biday in uu Qaranka JSL yeesho hal ciidan oo adag oo wakhtigan xaadirka ah ku fillan difaaca iyo amniga Qaranka JSL.”
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝