๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ ๐๐๐๐ก๐๐ฒ ๐ฆ๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ซ๐๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐๐๐๐๐ค๐ ๐ซ๐๐๐ซ ๐๐ฎ๐ซ๐๐จ ๐จ๐จ ๐๐๐ง ๐ฎ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ก๐๐๐ก๐ข๐ง ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ก๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ข๐ข๐ฌ๐.

























Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ku marayey qaar ka mid ah Gobollada Bariga dalka, ayaa gaadhay Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, waxana lagu qaabilay soo dhaweyn taariikhi ahoo ay ka qayb qaateen dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Togdheer.
Madaxda Gobolka Togdheer, Madaxda Degmada Burco iyo dadweyne aad u tiro badan oo ku labisan ama lulaya Calanka Qaranka JSL ayaa Madaxweynaha iyo wefgigiisa kaga hor tagay duleedka Degmada Qoyta, Madaxweynaha ayaa salaan la dhex maray bulshadii muunadda ahayd ee soo dhaweyntiisa safka dheer saacadaha u taagnaa.
Intaa kaddib, Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay gaadheen gudaha magaalada Burco oo ay shaaracyada taagnaayeen dadweyne aad u tiro badan oo farxad iyo rayn-rayn ku qaabilay Madaxweynaha.
Barxadda weyn ee ka horraysa Aqalka Madaxtooyada Burco oo ay isugu soo baxeen dadweyne aad u tiro oo u heellan soo dhaweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa hadalka waxa ibo-furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Muniir Axmed Cigaal, isaga oo ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Mudane Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdalle Maxamed Carab, iyaga oo si mug iyo milgaba leh bulshada reer Burco ugaga mahad naqay soo dhawaynta taariikhiga ah ee ay ku qaabileen Madaxweynaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maamed Cabdilaahi (Cirro) oo la hadlay bulshada reer Burco, ayaa si milge iyo maamuus leh ugaga mahadnaqay sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo weftigiisa, waxana uu tilmaamay in ay reer Burco caan ku yihiin soo dhaweynta iyo maamuuska madaxda sare ee Qaranka JSL.
Madaxweynuhu waxa uu sharraxay guulaha waaweyn ee ay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay gaadhay muddadaa kooban ee ay talada dalka haysay. Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa is dul taagay arrimaha ay Xukuumadiisu siinayso mudnaanta koowaad oo ay ugu horreeyaan midnimada iyo wadajirka ummadda Somaliland, nabadda, amniga iyo ku dhaqanka Sharciga.
Si gaar ah Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in dal ahaan iyo dad ahaanba ay guul weyn oo Qaran innoo tahay xasilinta amniga iyo kala dambaynta Gobollada Bariga iyo qaramaynta in ka badan 6,000 oo qof iyo hubkoodii taasoo aanay cidina innaga caawinin.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa farriin ammar ah oo cajiib ah faray Guddoomiyeyaasha Gobollada dalka, Madaxda Waxbarashada ee Gobollada, iyo Maamulayaasha Dugsiyada dalka oo dhan. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay mamnuuc tahay in Ardayda Dugsiyada ku jirta ee ay waxbarashadu u socoto la keeno goobaha iyo shaaracyada madaxda lagu soo dhaweynayo.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐






