๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐:๐๐๐ฐ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐๐ฅ๐๐ ๐๐๐ซ๐จ ๐๐ข๐ซ๐ฌ๐๐๐๐ฒ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ ๐ฎ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ.
Ciidamada amaanka ee Somaliland ayaa xabsiga dhigay haween cadaalad daro ka tirsaday bahda garsoorka Somaliland, oo ay kaga cawdeen inay waxba uga qaban waayeen muran ka taagan hanti ay lahaayeen.
Haweenkan oo dhawaan Warbaahinta mariyay cabasho xoogan oo la xidhiidha gudoomiyayaasha maxkamaddaha oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Maxkada Sare Aadan Xaaji Cali, Xeer ilaaliyaha Qaranka Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa shalay xabsiga dhexe lagu xidhay saddex ka mid ah.
Haweenkan oo qaarkood xaasas yihiin ayaa loo yeedhay kadibna la xidhay, waxaana qoyskooda oo aan la xidhiidhnay ay noo sheegeen in loo haysto dhaliilihii ay u jeediyeen bahda cadaalada.
Qoyska haweenkan xidhan ayaa loo diiday in ay ku booqdaan saldhiga dhexe ee ay ku xidhan yihiin.
