๐“๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐š ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฌ๐ข ๐›๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐๐š ๐ฎ ๐ก๐š๐ง๐ญ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š. ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฆ๐š๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐ ๐ฆ๐š๐๐š๐ฑ-๐›๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง, ๐ฐ๐š๐š ๐ฆ๐š๐ฑ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ ๐“๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐ฎ ๐ฅ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ. ๐–๐š๐š ๐Š๐š๐ง ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐‹๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ ๐ž๐ž๐ฒ๐ž๐ฒ ๐๐š๐š๐ซ๐ฅ๐š๐ฆ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐“๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐š.

Heshiiskii shidaalka ee u dhexeeyey dawladda Soomaaliya iyo dawladda Turkiga ayaa si rasmi ah loo shaaciyey kadib markii loo gudbiyey Baarlamaanka Turkiga. Waxaana si cad u muuqata in Turkigu helay xuquuq dhaqaale oo ballaadhan, isagoo si aan xadidneyn xaq loogu siiyey kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

๐๐จ๐๐จ๐›๐š๐๐š ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ฌ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ฃ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ฌ๐ข๐๐š ๐“๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐ฎ ๐ฎ๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š:

๐Ÿ: ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช ๐†๐š๐š๐ซ ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐€๐š๐ง ๐‹๐š๐ฅ๐š ๐“๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฆ๐ข ๐Š๐š๐ซ๐ข๐ง: Turkiga waxaa la siiyey xuquuq gaar ah oo uu keligii sahmin karo, horumarin karo, ugana soo saari karo shidaalka gudaha Soomaaliya iyo baddeeda. Ma jirto cid kale oo heli karta xuquuqdaas โ€“ waa monopoly buuxa.

๐Ÿ: ๐‹๐š๐œ๐š๐ ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ช๐ฎ๐ฅ ๐๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Š๐ก๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐š๐๐ค๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ž ๐–๐š๐š ๐‹๐š๐ ๐š ๐ƒ๐ก๐š๐š๐Ÿ๐š๐ฒ: Turkigu ma bixinaayo wax lacag ah oo la xidhiidha saxiixa heshiiska, horumarinta, ama wax-soo-saarka โ€“ khidmadahaas oo dalalka caalamku sida caadiga ah malaayiin dollar kaga helaan shirkadaha shidaalka.

๐Ÿ‘: ๐Š๐ก๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐š๐๐ค๐š ๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐–๐š๐ฑ๐š๐š ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š: Caadiyan shirkadda maalgashanaysa ayaa bixisa kharashaadka bulshada iyo tababarka, hase yeeshee heshiiskan waxa si gaar ah u dhigaya in kharashaadkaasi noqdaan kuwa โ€œla soo ceshan karoโ€ โ€“ taas macnaheedu yahay in Soomaaliya ay iyadu bixiso kharashkaas.

๐Ÿ’: ๐“๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐ฎ ๐–๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ ๐๐š๐š๐๐š๐ง๐š๐ฒ๐š๐š ๐Ÿ—๐ŸŽ% ๐’๐ก๐ข๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐Š๐š๐ก๐จ๐ซ ๐…๐š๐šโ€™๐ข๐ข๐๐จ ๐–๐š๐๐š๐š๐ : Kahor inta aan wax faaโ€™iido ah la wadaagin, Turkigu waxa uu qaadan karaa ilaa 90% wax-soo-saarka shidaalka si uu u daboolo kharashaadkiisa. Soomaaliya waxba kama helayso ilaa Turkigu uu si buuxda u soo ceshado kharashkiisa.

๐Ÿ“: ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐–๐š๐ฑ๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐š ๐Ÿ“% ๐Š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š: Marka heerka faaโ€™iido wadaagga la gaadho, Soomaaliya waxay heli doontaa ugu badnaan 5% oo khidmad ah โ€˜royaltyโ€™, taasoo si aad ah uga hooseysa heerka caalamiga ah ee u dhexeeya 10% ilaa 15%.

๐Ÿ”: ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐–๐ฎ๐ฎ ๐†๐จโ€™๐š๐ง ๐˜๐š๐ก๐š๐ฒ: Haddii Soomaaliya dejiso sharci cusub oo kordhinaya kharashaadka Turkiga, lacagtaasi si toos ah ayaa looga jari doonaa faaโ€™iidada Soomaaliya. Taas micnaheedu waa in Soomaaliya aan xitaa xor u ahayn inuu is-difaaco sharci ahaan.

๐Ÿ•: ๐“๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐ฎ ๐–๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ ๐—๐จ๐ซ ๐ฎ ๐˜๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ƒ๐ก๐จ๐จ๐Ÿ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐’๐ก๐ข๐๐š๐š๐ฅ๐ค๐š: Heshiiska waxa uu siinayaa Turkiga xorriyad buuxda oo uu shidaalka u dhoofin karo meel kasta oo uu doono, iyadoo Soomaaliya aan wax goโ€™aan ah ku lahayn maamulka ama suuq geynta shidaalkaas.

๐Ÿ–: ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ฆ๐จ ๐“๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐š ๐Š๐š ๐’๐จ๐œ๐๐š ๐€๐ฒ๐š๐š ๐ˆ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐š ๐’๐š๐ก๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š: Qodob ka mid ah heshiiska wuxuu ogolaanayaa in Turkigu ciidamo usoo diro si ay u sugaan goobaha shidaalka โ€“ waa fal xadgudub ku ah madax-bannaanida dalka.

๐Ÿ—: ๐Š๐ก๐ข๐ฅ๐š๐š๐Ÿ ๐–๐š๐ฅ๐›๐š ๐–๐š๐ฑ๐š๐š ๐‹๐š๐ ๐ฎ ๐—๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐š๐š ๐Œ๐š๐ฑ๐ค๐š๐ฆ๐š๐ ๐ˆ๐ฌ๐ญ๐š๐ง๐›๐ฎ๐ฅ ๐ค๐ฎ ๐“๐š๐š๐ฅ๐ฅ๐š: Dacwad kasta oo ka dhex dhalata labada dhinac waxa lagu goโ€™aaminayaa maxkamad Turkigu martigelinayo, taasoo meesha ka saaraysa madax-bannaanida sharciga Soomaaliyeed.

Heshiiskani wuxuu Soomaaliya gelinayaa xaalad gumeysi dhaqaale oo casri ah. Waa heshiis aan caddaalad ahayn, aan sharciyad qaran lahayn, dunida ma jirto cid heshiish noocan gashaa. Dawladda Ukraine waxay diiday heshiis macdaneed oo Mareykanku rabay 50% faaโ€™iido ah, inkasta oo Mareykanku siiyey Ukraine taageero dhaqaale iyo milatari oo ku dhow $200 bilyan, kana difaacay duullaanka Ruushka.

Turkigu xitaa Somaliya ma siin wax ka badan $2 bilyan.

Abdinasir Axmed