π–πšπ«π›π’π±π’π§π­πš π—πšπšπ₯𝐚𝐝𝐝𝐚 πƒπ‘πšπͺ𝐚𝐚π₯𝐚𝐑𝐚 πƒπšπ₯𝐀𝐚 Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha Wasiirrada warbixin guud oo la xidhiidha xaaladaha dhaqaalaha dalka iyo hab-sami-u-socodka ururinta cashuuraha Berriga, gaar ahaan Cashuurta loo yaqaan GST. Wasiirku waxa uu sheegay in dhammaan Shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalku laga bilaabo 01.07.2025 ay hirgelin doonaan in Cashuurta GTS-ta ee ku waajibtay ay si toos ah ugu dhacdo nidaamka Maaliyadda iyo Khasnadda dalka.

Wasiirku waxa kale oo uu Golaha u sheegay in Guddida Horumarinta Dhaqaalaha Qaranka (Xubno Golaha Wasiirrada ah iyo Guddoomiyaha Baanka Somaliland) ay dhammaadka bisha 6-aad Golaha Wasiirrada u soo gudbin doonaan daraasaad aqooneed oo khuseeya hababka ugu habboon ee loo kobcin karo dhaqaalaha.