๐๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐๐จ ๐๐๐๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ซ๐๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐๐ฒ ๐๐๐ฒ๐๐ญ๐ข๐ข ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ก๐จ๐ซ๐๐ฒ๐ฌ๐๐ฒ ๐๐ข๐ข๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ง๐ข๐ ๐ ๐๐ก .
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayey ee maal-mihii u dambeeyey safarka shaqo ku joogay Gobolka Sanaag oo ay wehelinayaan Wasiirka Gaashandhiga, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Gudaha, W/K/X Maalgashiga, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Xildhibaano, ayaa maanta ka qayb galay, goob-joogna ka ahaa munaasabad ballaadhan oo lagu Qaramaynaayey qaybtii u horraysay ee Ciidanka Madaniga ay iyo gadiidkoodii dagaalka.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Somaliland ayaa Ciidamada u qaabiley si kal furran, waxanay u sheegaan in ay ka mid yihiin saacada laga bilaabo Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Xukuumadda WADDAJIR iyo WAX-QABAD iyada oo fullinaysa ballan-qaadkii hore ee ahaa in ay qaramayn doonto Ciidamada Madaniga ah, ayaa waxaa ay maanta qaramaysay wajigii koowaad ee ciidamadaasi, iyada oo maal-maha soo socdana la qarameyan doono cutub-yo kale oo kamid noqon doona Ciidanka Qaranka JSL.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐, ,
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐