๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฐ๐š๐๐๐š๐๐š ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ๐ฌ๐š ๐๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฆ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ค๐ข, ๐ฌ๐ก๐š๐œ๐š๐›๐ค๐š๐ง๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ

Boorama 20.02.2025( ) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo hoggaaminaya wefti ballaadhan oo safar shaqo ku jooga gobolka Awdal, ayaa maanta dhagax-dhigay waddada weyn ee isku xidhaysa Boorama iyo Baki, taas oo kamid ahayd ballanqaadyadii madaxweynaha ee xilligii ololaha doorashada madaxtooyada.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo hiirtii hore ee saaka safar shaqo kaga kallahay caasimadda Hargeysa, ayaa ka qaybgalay munaasibad lagu dhagax-dhigayo bilowga waddada isku xidhaysa Boorama iyo Baki, taas oo xukuumadda WADA-JIR iyo WAXQABAD kaga dhabaynayso ballanqaadyadii xilligii ololaha ee xisbul-xaakimka WADDANI.

Munaasibadda dhagax-dhigga oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen guddoomiyaha xisbiga WADDANI, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda hayโ€™adda horumarinta waddooyinka, badhasabaabka gobolka Awdal, maayarka degmada Boorama, madax-dhaqameedka kala duwan ee gobolka Awdal iyo marti-sharaf kale duwan, waxana halkaas lagu muujiyey muhiimadda ay waddadani u leedahay guud ahaan gobolka Awdal, waxana si weyn loo soo dhaweeyey dedaalka uu madaxweynuhu ugu jiro sidii raad muuqda oo dhinaca waxqabadka kaabayaasha dhaqaalaha ah uga fulin lahaa guud ahaan Awdal.

Ugu horrayn, badhasaabka gobolka Awdal, Mudane Muxumed Xasan Jaamac (Xodey) iyo maayarka degmada Boorama, Mudane Mustafe Faarax Qabille oo munaasibadda ka hadlay, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida lexejeclada leh ee uu ugu dhiirraday dhagax-dhigga waddadan muhiimka ah si uu u fuliyo ballanqaadkiisii.

Qaar kamid ah madaxda dhaqanka ee ugu magaca weyn gobolka Awdal oo halkaas ka hadlay, ayaa si qalbi furan usoo dhaweeyey tallaabada horumarka leh ee uu ku dhagax-dhigay waddada isku xidhaysa magaalooyinka Boorama iyo Baki, waxana ay si cad u sheegeen inay tallaabadani tahay mid taariikhi oo uu madaxweynaha qaranku ku horumarinayo gobolka Awdal.

Guddoomiyaha hayโ€™adda horumarinta waddooyinka, Mudane Maxamed Faarax oo halkaas ka hadlay, ayaa ka xogwarramay waddadan iyo muhiimadda ay leedahay, waxana uu xusay inay madaxweynaha ka goโ€™an tahay dhammaystirka waddadaasi.

Wasiirrada wasaaradaha gaadiidka iyo Jidadka, Mudane Cismaan Ibraahim Afgaab, Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdalle Maxamed Carab iyo Wasiirka warfaafinta, Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey goโ€™aanka uu kaga dhabaynayo ballanqaadyadiisii xilliga ololaha, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in waddada maanta la dhagax-dhigayaa wax badan kusoo kordhin doonto dhaqaalaha iyo horumarka gobolka Awdal.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo halkaa ka hadlay, ayaa guul ku tilmaamay in xukuumadda WADA-JIR iyo WAXQABAD mid mid u fulinayso dhammaanba ballamihii ay bulshadii codka siisay u qaadday, waxana uu bulshada ugu baaqay inay horumarka kala shaqayso xukuumadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo munaasibadda dhagax-dhigga ah soo afmeeray, ayaa xusay inay ka madaxweyne ahaan ka goโ€™an tahay fulinta wax kasta oo uu shacabka ugu ballanqaaday, waxana uu tilmaamay inay waddadani fure u noqon doonto horumar oo dhinaca kaabayaasha oo xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay ka fulin doonto gobolka Awdal, waxana uu yidhi, โ€œWaddadaasi waxa ay kordhin doontaa wax soo saarka gobolka haddii ay beero tahay iyo haddii ay macdan tahayba.โ€

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in mashruuca ugu weyn ee xukuumaddiisu muddo-xileedkeeda fulin doontaa ka qorshaysan yahay gobolka Awdal, maaddaama oo ay ballamihiisa kamid ahaayeen, โ€œmashruuca ugu balladhan mudo-xileedka xukumadda wadajir iyo waxqabad wuxuu noqon donaa mashruuc uu gobolka Awdal leeyahay oo noqon doona Boorama Fardaha ilaa iyo Lawyacaddo,โ€ ayuu yidhi madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo weftiga uu hoggaaminayaa muddadii ay ku gudo jireen safarkooda shaqo waxa weyn loogu soo dhaweeyey gudaha magaalooyinka Boorama, Dila iyo duleedka Kaantaroolka Caabdud laโ€™, halkaas oo shacab ku lebbisan astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland ku qaabileen.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡,
๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ)
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐