๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐ฑ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ฎ๐ฎ๐ต ๐๐๐ฟ๐ป๐ฎ๐ฎ๐ป: ๐๐ฎ๐น๐น๐ฎ๐ป๐พ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐๐ฟ. ๐๐ฎ๐ฏ๐ฑ๐ถ๐ฟ๐ฎ๐ ๐บ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐๐ถ๐ฟ๐ฟ๐ผ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ถ๐ฏ-๐-๐ต๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐๐ป๐๐ฎ ๐๐ฎ๐๐น๐ฎ๐ฑ๐ป๐ถ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ
Bulsho kasta oo guulaysata, cadaalada, daah-furnaanta, iyo isla xisaabtanka ayaa ah tiirka dawladnimo. Mar haddii Somaliland ay ku sii dhawaanayso doorashadda madaxtinimo ee xasaasiga ah ee November 13, 2024, waxa lama huraan ah in la is weydiiyo hoggaamiyaha sida ugu habboon u fulin kara mabaadiโdan aasaasiga ah. Dr. Cabdiraxmaan Cirro, oo ah murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani, waxa uu u taagan yahay halyeyga waaga cusub ee Somalilandโhogaamiye qiimeeya isla xisaabtanka, maamul wanaaga, iyo sinnaanta dadka oo dhan. Aragtidiisa sida ku cad tiirka 6-aad ee barnaamijka xisbiga Waddani, waxa uu si weyn uga duwan yahay guul-darrooyinka xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, oo ay hadheeyeen hufnaan laโaan, adeegyadii bulshada oo kooban, iyo baabiโinta qiyamkii dimuqraadiyadda. Somaliland waxay u baahan tahay hoggaan si dhab ah ugu adeega shacabkeeda.
๐๐ฎ๐น๐น๐ฎ๐ป๐พ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐๐๐ณ๐ป๐ฎ๐ฎ๐ป๐๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐๐น๐ฎ ๐ซ๐ถ๐๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ
Xisbiga Waddani ee uu hoggaamiyo Dr. Cirro, waxa uu hiigsanayaa sidii loo dhisi lahaa dawlad aan muwadiniinta mugdiga lagu hayn. Daah-furnaantu maaha mudnaan ee waa xaq. Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi, waxa ay marar badan ku shaqaynaysay nidaam qarsoodi iyo tahriibin ah, isla markaana aanay jirin isla xisaabtan iyo daahfurnaan. Wax is weydaarsiga iyo xidhiidhka dawladu waa mid madmadow badan, hogaankuna wuxuu inta badan ku guuldareystaa inuu uga jawaabo dadweynaha su’uaalaha ay u baahanyihiin iyo tabashooyinka.
Dr. Cirro iyo ku xigeenkiisa Amb. Maxamed Cali waxa ay ballan qaadayaan maamul hufan oo waxqabad kasta, siyaasad kasta iyo dhaqaale kastaa uu u furan yahay in shacabka lala wadaago. Waxay hiigsanayaan dawlad ka warqabta muwaadiniinta, kobcisa dareenka masuuliyadda iyo kalsoonida la wadaago.
๐จ ๐๐ถ๐ ๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐๐ฑ๐ฒ๐ฒ๐ด๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฑ๐๐ฒ๐๐ป๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ฆ๐ถ๐ฑ๐ฎ ๐๐ด๐ ๐๐ฎ๐ฏ๐ฏ๐ผ๐ผ๐ป
Hoggaanka wax-ku-oolka ah ayaa mudnaanta siiya daryeelka bulshada. Nasiib darro, maamulka Muuse Biixi, wuxuu ragaadiyay adeegyadii bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo ay baabi’iyeen waxqabad laโaan iyo karti darro. Adeegyada muhiimka ah maaha kuwo ay heli karaan dad badan oo reer Somaliland ah, xitaa kaabayaasha aasaasiga ah ayaa xumaaday intii ay jirtay xukuumadda talada haysa.
Si kastaba ha ahaatee, Dr. Cirro, waxa uu qabaa in dawladnimadu ay u fududayso nolosha muwaadiniinta, ee aanay ku adkayn. Waxa uu ballan qaadayaa in uu dib u habayn ku samayn doono adeegyada bulshada si loo hubiyo in dadka reer Somaliland ay helaan adeegyo tayo sare leh oo wakhtigooda ku habboon. Aragtida Dr. Cirro, muwaadin kasta oo reer Somaliland ahi waa mudnaanta koowaad (In Dr. Cirroโs vision, every Somaliland citizen is a priority, not an afterthought).
๐๐-๐ฑ๐ต๐ฎ๐พ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ฆ๐ต๐ฎ๐ฟ๐ฐ๐ถ๐ด๐ฎ ๐ฒ๐ฒ ๐ ๐๐๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ถ๐ป ๐ธ๐ฎ๐๐๐ฎ
Sareynta sharciga ayaa lama huraan u ah ilaalinta wada noolaanshaha bulshada iyo cadaalada. Waxaase murugo leh in mudadii uu xilka hayay Madaxweyne Biixi nidaamka sharcigu uu ahaa mid aan is waafaqsanayn oo cid gaar ah u eexday. Ku dhaqanka caddaaladda ee noocaas ah waxay wiiqaysaa kalsoonida ay muwaadiniintu ku qabaan dawladdooda.
Dr. Cirro waxa uu aaminsan yahay in qofna aanu ka sarreyn sharciga, caddaaladdana loo wada siman yahay. Xisbiga Waddani waxa uu ku nuuxnuuxsaday nidaam sharci oo cid kasta ugu adeegaya si aan eex lahayn, isaga oo abuuraya jawi ammaan ah oo muwaadin kasta oo reer Somaliland ahi uu dareemayo in la ilaalinayo lana qiimaynayo. Sida xikmad aan waqti lahayni sheegayso,”๐ถ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐ข ๐โ๐๐๐๐๐ฆ ๐ค๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ฆ.โXukuumada Dr. Cirro waxay ku dadaalaysaa in cadaalada aan la fulin oo kaliya balse loo adeego si cadaalad ah oo aan dib loo dhigin ama dib u dhac lahayn.
๐๐ถ๐ฏ-๐-๐ต๐ฎ๐ฏ๐ฎ๐๐ป๐๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐๐ผ๐ผ๐ฟ๐ธ๐ฎ
Himilada koowaad ee xisbiga Waddani waxa ka mid ah dib u habaynta nidaamka garsoorka Somaliland. Intii uu madaxweyne Biixi talada hayay, waxa garsoorku la kulmay faragelin aan loo baahnayn iyo madax-banaani laโaan, taasoo caqabad ku noqotay in muwaadiniinta caadiga ah ay helaan dhegaysi cadaalad ah. Si caddaalad dhab ah loo helo, waa in garsoorku noqdaa mid madaxbannaan oo aan eex lahayn.
Dr. Cirro waxa uu balan qaaday in la samayn doono garsoor si madaxbanaan u shaqayn kara, isla markaana u cadaalad falaya dhamaan shacabka Somaliland. Xukuumaddiisu waxay mudnaan siin doontaa dib-u-habaynta garsoorka ee ilaalinaysa caddaaladda, taasoo u oggolaanaysa muwaadin kasta inuu helo caddaalad loo siman yahay, oo ka madax bannaan saamaynta dibadda. Dib-u-habayntaas ayaa xaqiijin doontaa in Somaliland ku sifowdo bulsho ay caddaaladi ka jirto.
๐๐ฎ ๐๐ฎ๐ด๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ ๐๐๐๐พ-๐บ๐ฎ๐ฎ๐๐๐พ๐ฎ ๐๐ถ ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ป๐ถ๐บ๐ผ ๐น๐ฒ๐ต
Musuqmaasuqu waa cudur naafeeya ummadaha, isaga oo ka gurta kheyraadka dadka aadka ugu baahan. Intii uu Muuse Biixi talada hayay waxa baahay musuq-maasuqa, kaas oo abuuray jawi lagu takri-falo hantida ummadda, danta shakhsigana laga hormariyo danta guud. Saamaynta musuqmaasuqa waxaa dareema qof walba, gaar ahaan kuwa nugul, kuwaas oo luminaya helitaanka adeegyada muhiimka ah.
Dr. Cirro waxa uu ballan-qaaday in aan loo dul-qaadan doonin musuq-maasuqa, dejinta siyaasado iyo hayโado si firfircoon ula dagaallami doona dhaqamada musuqmaasuqa. Hadafka maamulkiisu waa in uu soo dhiso xukuumad tayo leh, shacabkana ugu adeegta si daacad ah.
Xukuumadda Dr. Cirro waxay hubin doontaa in daacadnimada iyo musuq la’aantu xaga sare ka soo bilaabanto oo ay heer kasta oo dawladnimo ka muuqato.
๐๐น๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐ซ๐๐พ๐๐๐พ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ป๐ฎ๐ต๐ฎ
Dawladdu waa in ay ilaalisaa dadkeeda, iyada oo hubinaysa in dhammaan dadkeedu, iyada oo aan loo eegin meeqaamkooda, ay dareemaan qiimeyn iyo ammaan. Maamulka Madaxweyne Biixi ayaa lagu eedeeyaa inuu iska indho tiray xuquuqul insaanka, dadka jilicsan aan la ilaalin, cadaaladda bulshadana aan waxba laga qaban.
Dr. Cirro, waxa uu aaminsan yahay Somaliland oo xuquuqal insaanka la ilaaliyo, korna loo qaado. Dawladdiisu waxay diiradda saari doontaa siyaasadaha ilaalinaya sharafta iyo sinnaanta dhammaan muwaadiniinta, hubinta in la ilaaliyo xuquuqda dadka la haybsooco. Aragtida Waddani waa dawlad abuurta bulsho loo wada dhan yahay oo qof kastaa, maqaam iyo meeqaam uu doono ha noqdee, cod iyo mawqif ku dhex leh bulshada dhexdeeda.
๐ ๐ฎ๐ฎ๐บ๐๐น ๐๐ผ๐ผ ๐๐ต๐ฎ๐ป ๐ฌ๐ฎ๐ต๐ฎ๐
Dimoqraadiyadda dhabta ahi waa mid loo dhan yahay, soo dhawaynaysa dhammaan codadka iyo aragtida. Intii uu madaxweyne Biixi talada hayay, waxa ay beelo badan dareemeen in laga reebay hab-raacyada goโaan qaadashada, gaar ahaan kuwa la haybsooco iyo kuwa laga tirada badan yahay. Habkani wuxuu kobciyaa kala qaybsanaan iyo kalsooni darro.
Xisbiga Waddani waxa uu ku nuuxnuuxsaday maamul loo dhan yahay, kaas oo muwaadin kasta oo Soomaalilander ah uu qayb ku leeyahay mustaqbalka qaranka. Xukuumadda Dr. Cirro waxay xaqiijinaysaa in bulsho kastaa ay ka dhex muuqato horumarka qaranka, iyadoo awood u siinaysa shakhsiyaadka kala duwan ee ka soo jeeda inay ka qayb qaataan horumarka Somaliland.”๐บ๐ข๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐ก๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐โ waa maahmaah ingiriisi ah. Hoggaanka Dr. Cirro waxa uu ballan-qaadayaa Somaliland oo midaysan, oo muwaadin kastaa dareemayo in la maqlo, laguna qiimeeyo.
๐๐ผ๐ฟ๐๐บ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐๐ถ๐บ๐๐พ๐ฟ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ฎ-๐พ๐ฎ๐๐ฏ๐ด๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐๐๐น๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ
Xisbiga Waddani waxa uu dhisi doonaa dawlad dhawrta qiyamka dimuqraadiga ah, si ka duwan maamulka hadda jira, ee wiiqay hayโadihii dimuquraadiga ahaa, xuquuqdii siyaasadeedna duudsiyay. Dr. Cirro waxa uu soo celin doonaa mabaadi’daas, xoojinta hababka dimuqraadiyadda iyo dhiirigelinta ka qaybgalka firfircoon ee bulshada.
Mujtamaca ay dimoqraadiyadu ku horumarto, muwaadiniintu waxay wax ku leeyihiin dawladnimadooda, iyaga oo qaata go’aanno qaabeeya mustaqbalkooda. Xukuumadda Dr. Cirro waxay kobcin doontaa dhaqanka dimuquraadiyadda, iyadoo qiimaynaysa qof kasta oo muwaadin ah, isla markaana ilaalinaysa xuquuqdiisa xoriyatul-qawlka iyo isu-tagga. Hoggaaminta Dr. Cirro wuxuu xaqiijin doonaa in dimuqraadiyadda Somaliland ay ahaato mid xooggan oo adkaysi leh.
๐๐๐ด๐ฎ๐๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐๐ผ๐ฑ๐ธ๐ฎ ๐ ๐๐๐๐ฎ๐พ๐ฏ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ถ๐ป๐๐ฎ
Somaliland waxa ku soo fool leh doorashadii Madaxtooyada, doorashaduna way caddahay. Dr. Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbiga Waddani waxay u taagan yihiin mustaqbal dawladnimo ku dhisan cadaalad, hufnaan, isla xisaabtan, sida ku cad tiirka 6aad ee barnaamijkooda. Taas beddelkeeda, hoggaanka Muuse Biixi wuu ku guul-darraystay inuu dhawro mabaadiโdaas, taas oo Somaliland u baahan tahay dib-u-habayn iyo dib-u-noolayn. Dr. Cirro oo hogaanka u qabta Somaliland waxa ay sugi kartaa dawlad si dhab ah ugu adeegta shacabkeeda, abuurta bulsho cadaalad, sinnaan iyo daacadnimo ku dhisan.
Noofambar 13, 2024, dadka reer Somaliland waxay fursad u haystaan inay u codeeyaan hoggaamiye aan ka hadli doonin isbeddelka oo kaliya ee keeni doona isbeddel dhab ah. Xikmad ingiriisi ah ayaa tidhaahda “๐ท๐๐ค๐๐๐-๐ค๐๐๐๐๐๐๐ข ๐๐๐โ๐ ๐ข๐ข๐ ๐๐๐๐๐๐ โ๐; ๐ค๐๐ ๐ค๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ฆ๐ ๐๐ ๐๐๐๐ข ๐๐๐๐โ๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐ค๐๐๐๐ก๐ ๐๐ฆ๐ โ๐๐๐ข๐๐๐.โ Hoggaanka Dr. Cirro waxa uu si dhab ah u beeri doonaa midhihii dawladnimo iyo caddaaladda, si loo xaqiijiyo in Somaliland u magoosho qaran qof kasta oo muwaadin ahi ku horumaro.
Dr. Cabdiraxmaan Cirro iyo Xisbiga Waddani markaad codkaaga siisid waxaad dooranaysaa dawlad qiimaysa hufnaan, isla-xisaabtan, iyo cadaalad. Waa codka mustaqbalka oo loogu hiilinayo badbaadada iyo horumarka Somaliland.
๐๐ ๐๐ฏ๐ฑ๐ถ ๐๐ฎ๐น๐ถ๐บ ๐ ๐ ๐๐๐ฎ
Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha ee Xisbiga Waddani E-mail:halimusa4@gmail.com
Borama, Gobolka Awdal, Jamh. Somaliland
๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ก๐ผ๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฒ๐ฟ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฐ
/