

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗛𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗵𝗮𝘄𝗿𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗧𝗮𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗝𝗦𝗟 𝗼𝗼 𝗞𝘂𝗹𝗮𝗻 𝗟𝗮 𝗬𝗲𝗲𝘀𝗵𝗮𝘆 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝗱𝗮 𝗔𝗴𝗮𝗮𝘀𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗠𝗮𝗮𝗺𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗗𝗲𝗸𝗲𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗮𝗴𝗴𝗮 𝗖𝗮𝘀𝗵𝘂𝘂𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗸𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗴𝗴𝗮𝗻 (𝗙𝗿𝗲𝗲𝘇𝗼𝗻𝗲-𝗸𝗮).
Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐊𝐚𝐲𝐬𝐞 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 oo ay wehelinayaan Guddoomiye-ku-xigeenka HDHT, Mudane 𝐃𝐫. 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜 𝐂𝐚𝐥𝐢 iyo Agaasimaha Guud ee HDHT, Mudane 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐥𝐢 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐚𝐜𝐢𝐢𝐥 ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabbiley Guddoomiyaha Agaasinka Maamulka Dekedaha iyo Aagga Cashuuraha ka Caaggan (Freezone-ka), Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐤𝐚𝐫𝐢𝐢𝐦 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐚𝐥, oo ay wehelinayeen Guddoomiye-xigeenka Freezone-ka, Mudane 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐪𝐚𝐧𝐢 𝐌𝐚𝐡𝐝𝐢 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜, iyo Maareeye-ku-xigeenka Freezone-ka Mudane 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐢𝐬𝐚𝐚𝐪 𝐘𝐮𝐮𝐬𝐮𝐟 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐑𝐮𝐮𝐬𝐡.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta iyo isku-xidhnaanta hawlaha labada hay’adood, gaar ahaan dhinacyada la xidhiidha ilaalinta tayada.
Madaxda labada dhinac ayaa sidoo kale isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii adkeeyo xidhiidhka shaqo, lana yeesho iskaashi dhow oo joogto ah.





