๐๐๐ฑ๐ฑ๐ผ๐ผ๐บ๐ถ๐๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ซ๐ถ๐๐ฏ๐ถ๐ด๐ฎ ๐จ๐๐๐ ๐ข๐ผ ๐๐ต๐๐ฑ๐ฏ๐ฎ๐ฑ ๐จ ๐๐ฒ๐ฒ๐ฑ๐ถ๐๐ฎ๐ ๐๐ต๐ฎ๐น๐ถ๐ป๐๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐๐ผ๐ผ๐ฟ๐ฎ๐บ๐ฎ
Dhallinyarada Boorame oo Su’aalo ku Boobtay Faysal C.Waraabe
Boorame(Qaran news)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa habeenimadii xalay waxaa uu khudbad u jeediyay qaar ka mid ah dhalinyarada magaaladda Boorama.
Waxaana madashaasi ka soo qeyb-galay, qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga ee gobolka Awdal, iyo dhalinyaradda aqoon yahanka ah ee jaamacadaha ka qalin jebiyay iyo dadweyne kala duwan.
Sidoo kale waxaa madashaasi isna khudbad ka jeediyay aqoon yahan Axmed Muxumed Cumar.
Khudbadahan ay jeediyeen masuuliyiintani ayaa ku tacalluqday taariikhda Somaliland, marxaladda hadda la marayo iyo waxa shacabka Somaliland la gudboon.
Dhalinyarada ayaa su’aalo waydiiyay guddoomiyaha xisbiga UCID, iyadoo gudoomiyuhuna uu su’aalahaasi dhamaantoodba ka bixiyay jawaabo waafiya.