๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐—จ๐—ด๐˜‚ ๐—–๐—ผ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐——๐—ฟ ๐—–๐—ฎ๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐˜…๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—–๐—ถ๐—ฟ๐—ฟ๐—ผ?

Iyadoo Somaliland ay isu diyaarinayso doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa 13-ka November 2024-ka, waxaynu taaganahay marxalad taariikheed oo muhiim ah. Mustaqbalka dalkeenu waxa uu ku xidhan yahay, goโ€™aamada aynu qaadanayno todobaadyadan socda kuwaas oo qaabayn doona masiirka umaddeena sanadaha soo socda.
Xilligan oo lagu jiro hubanti-laโ€™aan dhaqaale, kala qaybsanaan bulsho, iyo gobolladii dalka oo qaar maqanyihiin, waxa ay shacabka Somaliland u baahan yihiin hoggaamiye leh aragti fog, xirfadle la hubo oo taxaddar badan, isla markaana ummadda midayn kara. Hoggaamiyahaasi waa Dr. Cabdiraxmaan Cirro oo ah murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani.

Dr. Cirro waxa uu Somaliland u soo bandhigay aragti cusub oo horu-socod ah oo si weyn uga duwan siyaasaddii fashilantay iyo ballan-qaadyadii beenoobay ee xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.

Hannaanka hoggaamineed ee Dr. Cirro waxa uu ku dhisan yahay hufnaanta, isku-duubnida, iyo fahamka qotada-dheer ee baahida shacabka, waxa cad in hoggaaminta Dr. Cirro si weyn oo aan shaki ku jirin loogaga raysan doono karti-darrada iyo hoggaan-xumada ragaadisay maamulka hadda jira.

Dhacdooyinka u dambeeyay ee ay ka mid yihiin xubno wasiirro ah, xuldhibaanno iyo masuuliyiin sarsare oo iska casilay xisbiga talada haya ee Kulmiye, ayaa waxay hoosta ka xariiqeen in madaxda iyo shacabkaba ay kusii kordhayaan xaqiiqada ah in Madaxweyne Muuse Biixi aanu ahayn hoggaamiyaha Somaliland maanta ka saari kara dhibka faraha badan ee xukuumaddiisu gaadhsiisay. Waddani lama yaabin in masuuliyiintii Kulmiye ka baxeen xisbiga; waxa ay si fudud u xaqiijinaysaa wax ay in badan oo reer Somaliland ahi hore u ogaayeen oo ah in la joogo xiligii isbedelka. Dadku hadda waxay garteen inay awood u leeyihiin inay hoggaanka xun ku beddelaan cid ay hubsadeen oo karti iyo aragti fog leh. Dr. Cirro waa hoggaamiyaha keeni kara isbeddelkaas.

๐——๐—ถ๐—ฏ ๐˜‚ ๐— ๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ: ๐—›๐—ผ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฒ ๐— ๐—ถ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฒ ๐—ฎ๐—ต ๐—ผ๐—ผ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—™๐—ถ๐—ฟ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐˜†๐—ฒ ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜†๐—ป

Dr. Cabdiraxmaan Cirro waa shakhsi mideeya ah oo dadku isugu mid yahay horena ugu huray waqtigiisa iyo shaqadiisa isku soo dhawaynta dadkiisa.
Waddan kala qaybsanaantu ay khatar gelin karto xasiloonida- ha noqoto mid siyaasadeed, mid gobol iyo mid beeleedbaโ€” Dr. Cirro hoggaankiisu wuxuu u taagan yahay ifafaale rajo, midnimo iyo badbaadinta qaranka. Waxa uu leeyahay karti la xaqiijiyay in uu wax ku dhegeysto, dhiso is-afgarad, iyo kala qayb galka dhammaan qaybaha bulshada wada hadal wax ku ool ah. Hannaanka hogaamineed ee loo dhan yahay waxa uu xaqiijiyaa in cod kasta la maqlo iyo in siyaasadu ay ka turjunto baahida dadka reer Somaliland oo dhan, oo aanay noqon mid dhawr qof oo keliya mudnaanta leeyihiin.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxay sii xoogaysay kala qaybsanaantii, waxana meesha ka baxay kalsoonidii shacabka iyo madaxdooda u dhexaysay. Maamulkiisu waxa uu ku guul daraystay in uu kobciyo isku-xidhnaantii qaranka, isaga oo inta badan ku dhaqaaqa tallaabooyin kali-talis ah oo kala fogaynaya qaybo badan oo shacabka ah. Dhinaca kale Dr. Cirro waxa uu fahamsan yahay in hoggaaminta dhabta ahi ay ku jirto awood siinta shacabka iyo abuurista jawi uu qof kastaa kaga qayb qaadan karo guusha qaranka.

โ€œ๐ป๐‘œ๐‘”๐‘”๐‘Ž๐‘Ž๐‘š๐‘–๐‘ฆ๐‘Žโ„Ž๐‘Ž ๐‘‘โ„Ž๐‘Ž๐‘๐‘ก๐‘Ž ๐‘Žโ„Ž๐‘– ๐‘ค๐‘Ž๐‘Ž ๐‘˜๐‘Ž ๐‘–๐‘ ๐‘ข ๐‘˜๐‘’๐‘’๐‘›๐‘Ž๐‘Ž ๐‘˜๐‘ข๐‘ค๐‘Ž ๐‘˜๐‘Ž๐‘™๐‘Ž ๐‘ž๐‘Ž๐‘ฆ๐‘๐‘ ๐‘Ž๐‘›, ๐‘ค๐‘Ž๐‘Ž๐‘ฆ๐‘œ ๐‘ž๐‘ข๐‘ค๐‘Ž๐‘‘๐‘Ž ๐‘ข๐‘š๐‘š๐‘Ž๐‘‘๐‘‘๐‘ข ๐‘ค๐‘Ž๐‘ฅ๐‘Ž ๐‘Ž๐‘ฆ ๐‘˜๐‘ข ๐‘—๐‘–๐‘Ÿ๐‘ก๐‘Ž๐‘Ž ๐‘š๐‘–๐‘‘๐‘›๐‘–๐‘š๐‘Ž๐‘‘๐‘’๐‘’๐‘‘๐‘Žโ€.

๐—›๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ: ๐—ž๐—ผ๐—ฏ๐—ผ๐—ฐ ๐—Ÿ๐—ผ๐—ผ ๐——๐—ต๐—ฎ๐—ป ๐—ฌ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜†

Somaliland dhaqaalaheedii meel isgoys ah oo khatar ah ayuu marayaa, maamulka maanta jirana waxa uu ku fashilmay maareyntii guud ahaanba dhaqaalaha. Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi waxa ay ku sifowday dib u dhac dhaqaale, shaqo la’aan baahsan, iyo kor u kaca kharashkii nolosha, iyo inuu dhammaan ku guuldareysatay inay maalgaliyaan kaabayaasha lagama maarmaanka u ah kobaca muddada dheer. Xisbiga Waddani waxa uu soo bandhigay qorshe ballaadhan oo dib loogu soo noolaynayo dhaqaalaha, shaqo abuur lagu samaynayo, laguna hubinayo in faaโ€™iidada kobaca ay wada dareemaan muwaadiniinta oo dhan.

Aragtida dhaqaale ee Dr. Cirro waxa ay diiradda saaraysaa horumarinta qaybaha muhiimka ah sida beeraha, xoolaha, kalluumaysiga iyo tamarta la cusboonaysiin karo. Xukuumaddiisu waxay maalgelin doontaa casriyaynta kaabayaasha dhaqaalaha, abuurista shaqooyin iyada oo loo marayo mashaariicda hawlaha guud, iyo taageeridda shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah (SMEs). Dr. Cirro oo si weyn uga duwan maamulka madaxweyne Biixi oo door biday macaash muddo gaaban ah in ay helaan dadka kooban oo ehelkiisa ah, waxa Dr. Cirro ka goโ€™an in uu keeno horumar waara oo uu ka faaโ€™iidaysto muwaadin kasta oo reer Somaliland ah.

Waxa si gaar ah muhiim u ah sida ay uga goโ€™an tahay horumarinta dekedaha dalka oo ay ka mid yihiin Berbera, Saylac, Lughaya, Bullaxaar, Xiis, Maydh, Laasqoray iyo goobo kale oo muhiim ah. Kor u qaadida dekedahani kaliya maaha mid kor u qaadaya ganacsiga iyo iskaashiga gobolka ee waxa kale oo ay abuuri doontaa kumanaan shaqo iyo in Somaliland noqoto xudunta saadka iyo ganacsiga ee Geeska Afrika.

โ€œ๐‘ˆ๐‘š๐‘š๐‘Ž๐‘‘ โ„Ž๐‘œ๐‘‘๐‘Ž๐‘›๐‘ก๐‘–๐‘›๐‘–๐‘š๐‘Ž๐‘‘๐‘’๐‘’๐‘‘๐‘ข ๐‘š๐‘Ž๐‘Ž๐‘™๐‘˜๐‘’๐‘’๐‘‘๐‘Ž ๐‘˜๐‘ข๐‘š๐‘Ž ๐‘—๐‘–๐‘Ÿ๐‘œ, ๐‘’๐‘’ ๐‘ค๐‘Ž๐‘Ž ๐‘๐‘Ž๐‘Ÿ๐‘ค๐‘Ž๐‘Ž๐‘ž๐‘Ž๐‘ฆ๐‘›๐‘ก๐‘Ž ๐‘‘๐‘Ž๐‘‘๐‘˜๐‘’๐‘’๐‘‘๐‘Žโ€.

Sidoo kale, Dr. Cirro waxa u qorshaysan inuu wax ka qabto dhibaatooyinka guriyeynta, isagoo fulinaya siyaasadda guriyeynta qaranka, taasoo mudnaanta koowaad siin doonta guryaha la awoodi karo ee dhammaan shacabka Somaliland gaar ahaan shaqaalaha dawladda. Waxa kale oo ay xukuumadiisu dhamaystiri doontaa biyo-qaybinta magaalada Hargeysa, si loo hubiyo in dhamaan xaafadaha xitaa kuwa ugu liita ay helaan biyo nadiif ah. Waxaa la dhisi doonaa barkad weyn oo lagu keydiyo biyaha roobka, taasoo xaqiijinaysa sugnaanshaha biyaha ee muddada dheer ee caasimadda iyo nawaaxigeeda.

โ€œ๐‘ˆ๐‘š๐‘š๐‘Ž๐‘‘ โ„Ž๐‘œ๐‘Ÿ๐‘ข๐‘š๐‘Ž๐‘Ÿ๐‘˜๐‘’๐‘’๐‘‘๐‘ข ๐‘ค๐‘ข๐‘ฅ๐‘ข๐‘ข ๐‘˜๐‘Ž ๐‘๐‘–๐‘™๐‘Ž๐‘Ž๐‘๐‘š๐‘Ž๐‘Ž ๐‘๐‘Ž๐‘Ÿ๐‘ค๐‘Ž๐‘Ž๐‘ž๐‘Ž๐‘ฆ๐‘›๐‘ก๐‘Ž ๐‘‘๐‘Ž๐‘‘๐‘˜๐‘’๐‘’๐‘‘๐‘Ž ๐‘–๐‘ฆ๐‘œ ๐‘ ๐‘–๐‘‘๐‘Ž ๐‘Ž๐‘ฆ ๐‘ข โ„Ž๐‘’๐‘™๐‘– ๐‘™๐‘Žโ„Ž๐‘Ž๐‘Ž๐‘ฆ๐‘’๐‘’๐‘› ๐‘ค๐‘Ž๐‘ฅ๐‘ฆ๐‘Ž๐‘Ž๐‘๐‘Žโ„Ž๐‘Ž ๐‘™๐‘Ž๐‘”๐‘Ž๐‘š๐‘Ž ๐‘š๐‘Ž๐‘Ž๐‘Ÿ๐‘š๐‘Ž๐‘Ž๐‘›๐‘˜๐‘Ž ๐‘ข ๐‘Žโ„Ž ๐‘›๐‘œ๐‘™๐‘œ๐‘ โ„Ž๐‘Žโ€.

๐——๐—ถ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ: ๐—œ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ

Dhinaca difaaca qaranka Dr. Cirro waxa uu fahansan yahay muhiimada ay leedahay in la helo ciidan si fiican u tababaran oo qalabaysan, si loo ilaaliyo qaranimada Somaliland, nabaddana loo sugo.

Maamulka Madaxweyne Biixi ayaa dayacay baahida ciidamada, taas oo keentay niyad jabka iyo mooral xumada ciidamada qalabka sida iyo inay qaar ka mid ah gobolladii dalka hoggaan xumadiisu gacanta Somaliland ka saartay.
Dr. Cirro waxa uu balan qaaday in uu wax ka badali doono dhaqaalihii, tabobarkii iyo taakulaynta raga iyo dumarka difaacaya dalkeena.
Waxqabadkiisa ugu muhiimsanna waxaa ka mid ah in uu mushaharka ciidamada u kordhin doono 250% iyo inuu guryo u sameeyo Ciidanka Qaranka isaga oo u dhisaya 15,000 oo guri oo loogu talagalay ciidamada. Tani kaliya ma hagaajin doonto xaaladaha nololeed laakiin waxay sidoo kale dejin doontaa halbeeg loogu talagalay horumarinta guriyeynta dalka oo dhan. Xukuumadda Dr. Cirro waxay xaqiijin doontaa in ciidamada loola dhaqmo si sharaf iyo karaamo leh, iyadoo dib loo soo celinayo hankii iyo hufnaantii ciidamada qalabka sida.

โ€œ๐‘„๐‘Ž๐‘Ÿ๐‘Ž๐‘› ๐‘Ž๐‘ค๐‘œ๐‘œ๐‘‘๐‘–๐‘–๐‘ ๐‘Ž ๐‘™๐‘Ž๐‘”๐‘ข๐‘š๐‘Ž ๐‘ž๐‘–๐‘ฆ๐‘Ž๐‘Ž๐‘ ๐‘œ ๐‘–๐‘›๐‘ก๐‘Ž ๐‘Ž๐‘ฆ ๐‘™๐‘’โ€™๐‘’๐‘” ๐‘ก๐‘Žโ„Ž๐‘Ž๐‘ฆ ๐‘๐‘–๐‘–๐‘‘๐‘Ž๐‘›๐‘˜๐‘–๐‘–๐‘ ๐‘ข, ๐‘๐‘Ž๐‘™๐‘ ๐‘’ ๐‘ค๐‘Ž๐‘ฅ๐‘Ž ๐‘™๐‘Ž๐‘”๐‘ข ๐‘ž๐‘–๐‘ฆ๐‘Ž๐‘Ž๐‘ ๐‘Ž๐‘Ž ๐‘ ๐‘–๐‘‘๐‘Ž ๐‘ค๐‘Ž๐‘›๐‘Ž๐‘Ž๐‘”๐‘ ๐‘Ž๐‘› ๐‘’๐‘’ ๐‘Ž๐‘ฆ ๐‘ข ๐‘‘๐‘Ž๐‘›๐‘Ž๐‘ฆ๐‘›๐‘Ž๐‘ฆ๐‘ ๐‘œ ๐‘๐‘–๐‘‘๐‘‘๐‘Ž ๐‘ข ๐‘Ž๐‘‘๐‘’๐‘’๐‘”๐‘Ž๐‘ฆ๐‘ ๐‘Žโ€.

๐—ซ๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ถ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—”๐—พ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ: ๐—›๐—ฎ๐—ฏ ๐——๐—ถ๐—ฏ๐—น๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐—ผ๐—ผ ๐—–๐˜‚๐˜€๐˜‚๐—ฏ

Aqoonsiga caalamiga ah ayaa Somaliland u ahaa muhiimadda iyo riyada ugu weyn in muddo ah, haddana xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi wax yar oo horumar ahna kama sameyn. Dr. Cirro waxa uu leeyahay istiraatijiyad cad oo geesinimo leh, waaqici ah oo uu ku horumarinayo qadiyadda Somaliland ee aqoonsiga ee masraxa caalamiga ah. Habka uu u dhaqmayo ayaa diiradda saaraya sidii uu xidhiidh diblomaasiyadeed oo xooggan ula yeelan lahaa jilayaasha muhiimka ah ee caalamiga ah, oo ay ku jiraan Midowga Afrika, Midowga Yurub, iyo Mareykanka, iyadoo la xoojinayo iskaashiga gobolka ee dalalka deriska ah.

Dr. Cirro waxa uu fahamsan yahay in aqoonsigu aanu habeen qudha ku imanayn, balse la helo xidhiidh diblomaasiyadeed oo joogto ah iyo muujinta xasiloonida, dimuqraadiyadda iyo dhaqaalaha Somaliland, waxa uu aaminsan yahay in ictiraafka dariiqaa lagu gaadhi karo. Xukuumaddiisu waxa kale oo ay ka faaโ€™iidaysan doontaa goobta istaraatajiyadeed ee Somaliland ku taalo iyo muhiimadda dhaqaale ee sii kordhaysa si ay u samayso kiis adag oo aqoonsi rasmi ah lagu gaadho.

“๐ด๐‘ž๐‘œ๐‘œ๐‘›๐‘ ๐‘–๐‘”๐‘ข ๐‘˜๐‘ข๐‘š๐‘Ž ๐‘ฆ๐‘–๐‘š๐‘Ž๐‘Ž๐‘‘๐‘œ ๐‘๐‘Ž๐‘Žโ„Ž๐‘–๐‘‘๐‘Ž ๐‘–๐‘ฆ๐‘œ ๐‘‘๐‘œ๐‘œ๐‘›๐‘–๐‘  ๐‘˜๐‘Ž๐‘™๐‘–๐‘ฆ๐‘Ž, ๐‘™๐‘Ž๐‘Ž๐‘˜๐‘–๐‘–๐‘› ๐‘ค๐‘ข๐‘ฅ๐‘ข๐‘ข ๐‘˜๐‘ข ๐‘ฆ๐‘–๐‘š๐‘Ž๐‘Ž๐‘‘๐‘Ž๐‘Ž ๐‘š๐‘ข๐‘ข๐‘—๐‘–๐‘›๐‘ก๐‘Ž ๐‘ž๐‘–๐‘–๐‘š๐‘Žโ„Ž๐‘Ž๐‘Ž๐‘”๐‘Ž ๐‘–๐‘ฆ๐‘œ ๐‘ข โ„Ž๐‘’๐‘’๐‘™๐‘™๐‘Ž๐‘›๐‘Ž๐‘Ž๐‘›๐‘ก๐‘Ž โ„Ž๐‘œ๐‘Ÿ๐‘ข๐‘š๐‘Ž๐‘Ÿ๐‘˜๐‘Ž ๐‘๐‘Ž๐‘Ž๐‘™๐‘Ž๐‘š๐‘–๐‘”๐‘Ž ๐‘Žโ„Ž.”

๐—”๐—ฟ๐—ฟ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—•๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ: ๐——๐—ต๐—ถ๐˜€๐—ถ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ผ ๐—ก๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐˜€ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป

Aragtida Dr. Cirro ee arrimaha bulshada waa mid ku dhisan naxariis, cadaalad iyo sinnaan. Waxa uu garwaaqsaday in maamulka hadda jira uu dayacay baahiyaha dadka tabaalaysan ee danyarta ah, waayeelka, dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo qaxootiga. Xukuumadda Madaxweyne Biixi waxa ay ku guul-darraysatay in ay bixiso adeeg bulsho oo ku filan, taas oo keentay in dad badan oo reer Somaliland ahi aanay helin taageeradii ay u baahnaayeen si ay ugu noolaadaan nolol sharaf leh.

Dr. Cirro waxa ka goโ€™an inuu balaadhiyo barnaamijyada bulshada ee bixiya shabakada badbaadada dadka danyarta ah (Safety Nets for the disadvantaged), hagaajinta helitaanka daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada, iyo hubinta in muwaadin kastaa helo fursad uu ku horumariyo. Dawladdiisu waxay mudnaan siin doontaa kooxaha la hayb-sooco, iyadoo siinaysa agabka iyo fursadaha ay uga baahan yihiin inay si buuxda uga qayb qaataan bulshada.

“๐‘‡๐‘–๐‘—๐‘Ž๐‘Ž๐‘๐‘Ž๐‘‘๐‘Ž ๐‘‘โ„Ž๐‘Ž๐‘๐‘ก๐‘Ž ๐‘Žโ„Ž ๐‘’๐‘’ ๐‘ž๐‘Ž๐‘Ÿ๐‘Ž๐‘›๐‘›๐‘–๐‘š๐‘Ž๐‘‘๐‘ข ๐‘ค๐‘Ž๐‘ฅ๐‘Ž๐‘ฆ ๐‘˜๐‘ข ๐‘—๐‘–๐‘Ÿ๐‘ก๐‘Ž๐‘Ž ๐‘ ๐‘–๐‘‘๐‘Ž ๐‘Ž๐‘ฆ ๐‘ข๐‘™๐‘Ž ๐‘‘โ„Ž๐‘Ž๐‘ž๐‘š๐‘Ž๐‘Ž๐‘› ๐‘˜๐‘ข๐‘ค๐‘Ž ๐‘ข๐‘”๐‘ข ๐‘›๐‘ข๐‘”๐‘ข๐‘™”.

๐——๐—ถ๐—ฏ-๐˜‚-๐—ต๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ด๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—š๐—ฎ๐—ฟ๐˜€๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ: ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ ๐—ฐ๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐˜€๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐˜†โ€™๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ

Muddadii madaxweyne Biixi xilka hayey, musuq-maasuqu wuu xad-dhaafay, waxaana meesha ka baxay kalsoonidii lagu qabay hayโ€™adaha dawladda. Garsoorkii ayaa madax-banaanidiisii lumiyey, dad badan oo reer Somaliland ahina ma rumaysna in nidaamkeenna sharcigu cadaalad ku dhisan yahay. Hoggaanka Dr. Cirro wuxuu ballan-qaadayaa inuu dib u soo celin doono kalsoonidii dawladnimo isagoo fulinaya tallaabooyin adag oo ka dhan ah musuqmaasuqa, horumarinta hufnaanta iyo isla xisaabtanka, iyo xoojinta madax-bannaanida garsoorka.

Xukuumaddiisu waxay samayn doontaa dib u habayn lagu hubinayo in lala xisaabtami karo masโ€™uuliyiinta dawladda, iyo in caddaaladdu tahay mid ay heli karaan dhammaan shacabka Somaliland, iyadoon loo eegayn xaaladdooda bulsho iyo mid dhaqaale. Dr. Cirro oo dib u soo celin doona kalsoonida garsoorka iyo hayโ€™adaha dawladda, waxa uu abuuri doonaa bulsho cadaalad iyo sinnaan ku dhisan.

โ€œ๐ถ๐‘Ž๐‘‘๐‘‘๐‘Ž๐‘Ž๐‘™๐‘Ž๐‘‘๐‘‘๐‘ข ๐‘ค๐‘Ž๐‘Ž ๐‘Ž๐‘Ž๐‘ ๐‘Ž๐‘Ž๐‘ ๐‘˜๐‘Ž ๐‘›๐‘Ž๐‘๐‘Ž๐‘‘๐‘‘๐‘Ž, โ„Ž๐‘Ž๐‘‘๐‘‘๐‘–๐‘– ๐‘Ž๐‘Ž๐‘› ๐‘๐‘Ž๐‘‘๐‘‘๐‘Ž๐‘Ž๐‘™๐‘Ž๐‘‘๐‘‘๐‘Ž ๐‘™๐‘Ž๐‘”๐‘ข ๐‘˜๐‘Ž๐‘™๐‘ ๐‘œ๐‘œ๐‘›๐‘Ž๐‘Ž๐‘›, ๐‘›๐‘Ž๐‘๐‘Ž๐‘‘ ๐‘š๐‘Ž ๐‘—๐‘–๐‘Ÿ๐‘– ๐‘˜๐‘Ž๐‘Ÿ๐‘ก๐‘œโ€.

๐—”๐˜„๐—ผ๐—ผ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜€๐—ฏ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฒ๐—น๐—ธ๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐˜‚ ๐—ท๐—ถ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐—ฎ ๐—ด๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ

Doorashada 13-ka November ee fooda inagu soo haysa, shacabka Somaliland waxa ay haystaan kala doorasho cad. Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi waxa ay ku fashilantay wax-qabadkii ay u ballan-qaadday, taas oo keentay in ummaddu kala qaybsanto, dhaqaale fadhiid ah, cidlo diblomaasiyadeed iyo in gobolladii dalka qaar maamul xumadiisa inagaga maqanyihiin. Taas bedelkeeda, Dr. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu bixinayaa aragti rajo leh, midnimo iyo barwaaqo. Hoggaamintiisa oo ku dhisan hufnaan, isku-duubni iyo u heellanaanta shacabka, waa waxa ay Somaliland u baahan tahay xilligan adag.

Cod-siinta Dr. Cirro iyo Amb. Maxamed Cali waa u codeynta guryo la awoodi karo, kaabayaasha oo la casriyeeyo, maaraynta kheyraadka si mas’uuliyad leh, iyo dhaqaale xoog leh oo adkeysi badan. Waa cod lagu taageerayo hogaamiye ilaalin kara qaranimadeena, qadiyada Somaliland u soo bandhigaya si ictiraaf caalami ah dhakhso loogu gaadho, dhisi doona bulsho naxariis badan oo aan cidna la reebin.

November 13, 2024, reer Somaliland waxay awood u leeyihiin inay keenaan isbedel dhab ah. Haddii aan u codeyno Dr. Cirro iyo Xisbiga Waddani, waxaynu ku xaqiijin karnaa mustaqbal ifaya oo barwaaqo iyo badhaadhe u ah ummaddeenna.

โ€œ๐‘€๐‘ข๐‘ ๐‘ก๐‘Ž๐‘ž๐‘๐‘Ž๐‘™๐‘˜๐‘ข ๐‘”๐‘Ž๐‘๐‘Ž๐‘›๐‘ก๐‘–๐‘–๐‘›๐‘Ž ๐‘Ž๐‘ฆ๐‘ข๐‘ข ๐‘˜๐‘ข ๐‘—๐‘–๐‘Ÿ๐‘Ž๐‘Ž ๐‘’๐‘’ ๐‘ข ๐‘๐‘œ๐‘‘๐‘’๐‘’ โ„Ž๐‘œ๐‘Ÿ๐‘ข๐‘š๐‘Ž๐‘Ÿ๐‘˜๐‘Ž, ๐‘ข ๐‘๐‘œ๐‘‘๐‘’๐‘’ ๐‘š๐‘–๐‘‘๐‘›๐‘–๐‘š๐‘Ž๐‘‘๐‘Ž, ๐‘ข๐‘›๐‘Ž ๐‘๐‘œ๐‘‘๐‘’๐‘’ ๐ท๐‘Ÿ. ๐ถ๐‘Ž๐‘๐‘‘๐‘–๐‘Ÿ๐‘Ž๐‘ฅ๐‘š๐‘Ž๐‘Ž๐‘› ๐ถ๐‘–๐‘Ÿ๐‘Ÿ๐‘œโ€.

๐—•๐˜† ๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ ๐—›๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—บ ๐—  ๐— ๐˜‚๐˜€๐—ฎ
Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha ee Xisbiga Waddani E-mail:halimusa4@gmail.com
Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland
๐—ฆ๐—ฎ๐—ฏ๐˜๐—ถ, ๐—ข๐—ธ๐˜๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ ๐Ÿญ๐Ÿต, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฐ