๐๐๐๐๐ญ๐๐๐ ๐๐๐๐ฆ๐๐ฃ๐ ๐ช ๐ฌ๐๐ญ๐ ๐๐ฎ ๐ช ๐ญ๐ช๐ช๐๐จ๐๐๐๐ฉ๐๐๐ฃ ๐๐ค๐๐๐๐๐ข๐๐ฎ๐ ๐ ๐ค๐ค๐ญ๐๐๐๐ฎ๐ค.
Qore. Siyaasi Nuuradiin Diini
Madaxda dhaqanka khaas ahaan Salaadiinta, Ugaasyadda, Boqoradda, Garaadadda, waxa ay khatar ku yihiin nidaamka Dawladnimada Casrigaa, waxa ay u arkaan nidaamka dawliga ahi in uu kala wareegay awoodii maamul ee ay hayeen, reerkii ay u talinayeena ka hoos baxay, kuna tiirsanaaday nidaam dowaladeed oo ka duwan kii reerka.
Si ay u soo ceshadaan awoodii maamul waxa ay ku dhexmilmeen madaxdii dhaqanku Xisbiyadii siyaasada iyaga oo qaatay doorkii Kaambaynka “Campaignka” Xisbi kasta waxa uu ollolaha u dirsaday Salaadiintiisii sidii dhacday 2017kii ee ay gacanta isu dhiibeen Suldaanka guud ee Habar Awal iyo Suldaanka guud ee Habar-jeclo kuna heshiiyeen in ay dhisaan xisbiga Kulmiye reerahoodana halkii ay u codayn la haayeen iyagu farta ugu fiiqay sidaasina ay ku abuuran tay wixii loogu yeedhay Jeegaantu.
Madaxda dhaqanku waxa ay heleen awood ka badan tii hore ee dhaqanka, waxa ay heleen shaqo ka sal balaadhan tii ay hore u hayeen, waxa ay heleen dhaqaale ka badan kii ay hore u heli jireen, halkii ay qaadhaanka soo guri jireen imika iyagaa loo soo ururriyaa dhaqaal e ay ku matalaan Xisbiga iyo beesha, qaadhaankii magtana waxa ay ku badaleen ururrinta qaadhaanka ollolaha ee Xisbiga, waxaanay qaateen boos ah “clan party campaigners” u Olloleeyayaal Xisbi Qabiil.
Sidaasi marka xaal yahay waa in ay luuqad kasta oo qadhaadh ku hadlaan, waa in ay abuuraan si naca bulshada iyo colaada, wixii iyagu ay ka hortagi jireen ka digi jireen, iyaga huriyaan magacii Nabad doona ay ku bedeshaan gudoomiye reereed, “Hooggaamiye Kooxeed”. Xaalku wuxuu noqday in “Wixii laga xishoon jiray aan cidi ka xadhig xidhan” in la arko Suldaan aan xishoon, allayleh ‘e cumaammadi dhacday.
Xaajo marka ay muuqaalkaa sare aan ku soo xusnay leedahay waa gar in sida maanta loo wadahadlaayo loo hadlo, waa gar in Tvyada layska caayo oo layskaga jawaabo hadaba geela duqiisi kaasi yahay aarankiisana maxaad u malayn? waa in uu qoriga qaataa oo durduriyaa sidaa Laascaanood ka socota oo kale waa muuqaalka ay leedahay in Madaxdhaqameedku Siyaasada ku milmo.
๐ผ๐ ๐ข๐๐๐ง
Ugu dambayn xalka masiibada maanta taagani waa in xukuumada hadda jirtaa u fikirto sidii dawlada ee aanay yeelan caqliga madax dhaqameed ka oo kale, waa in laga xakameeyo siyaasada salaadiinta iyo cuqaasha waana in talaabooyin kan la qaado:
1- waa in la soo saaraa xeer lagu maamulo madax dhaqameedka, lagu kala saaro salaadiinta iyo cuqaasha, laguna cadeeyo awoodahooda, iyo shaqadooda.
2- in la mabnuuco shir beeleedyada oo ah halka ugu weyn ee ay ka abuuranto qabyaaladu waana halka ay awooda ka soo qaataan madaxda dhaqanku.
3- in xukuumadu aanay ku dhex milmin oo aanay eexaysan hababka noocan ah si looga guuro.
Sadexdan qodob waxa aan u arkaa xalka kaliya ee ku celin kara madaxda dhaqanka shaqadoodii asalka ahayd.
