10-ka Magaalo ee ugu waxbarashada fiican Adduunka

Magaalo

London ayaa mar kale hoggaanka u heysa meelaha ugu fiican ee ardayda caalamka ay waxbarasho u doonan karaan, sida laga soo xigtay qiimeyntii ugu dambeysay ee shirkadda la talinta ee Britain ee QS ay ka sameysay Magaalooyinka Ardayda ee ugu Wanaagsan 2023.

Buenos Aires ayaa noqotay magaalada ugu horreysa ee Latin America waxayna qiimeynta uga jirtaa 23.

Waxaa intaa dheer, sanadkan waxaa ku jira saddex magaalo oo Latin America ku yaalla oo markii ugu horreysay liiska soo galay.

Waxaa xusid mudan in magaalo walba ay ku nool yihiin in ka badan 250,000 oo qof waxaana ku yaalla ugu yaraan labo jaamacad oo hore ugu jiray qiimeynta jaamacadaha oo ay isla shirkadda sameysay.

Waxyaabaha kale ee qiimeynta lagu daray waxaa ka mid ah inta arday ee magaaladaas ku nool, inta qof ee caalamka kale ka timid, iyo sida ay magaaladu u qaabisho dadyowga kala duwan.

Sidoo kale haddii ay magaaladu ammaan tahay, maciishaddu haddii ay fiican tahay oo ay ku filan tahay ardayda, iyo sidoo kale fursadaha shaqo ee laga helayo.

Caasimadda UK ayaa ugu sarreysa liiska iyadoo loo xushay inay tahay “mid ay dadyow kala duwna ku nool yihiin ayna ardayda siineyso wax walba sida madxafyo waaweyn iyo cunnooyin kala duwan.

Waxaa ku yaalla xarumaha waxbarasho ee ugu waaweyn uguna sarreeya caalamka sida King’s College London iyo UCL (University College London).

Haddaba waa kuwee magaalooyinka kale ee liiska ku jira?

Tobanka magaalo ee ugu fiican waxbarashada

1.     London, United Kingdom)

2.     Munich, Jarmalka

3.     Seoul, Kuuriyada Koofureed

4.     Zürich (Switzerland)

5.     Melbourne (Australia)

6.     Berlin Jarmalka

7.     Tokyo Japan)

8.     Paris Faransiiska

9.     Sydney (Australia)

10.  Edinburgh (UK)

M

Magaalooyinka Latin America

Qiimeynta waxaa ku jira 10 magaalo oo Latin America ku yaalla, inkastoo aysan kaalmo fiican soo gelin.

Buenos Aires ayaa liiska magaalooyinkaas Latin America ugu horreysa sanadkii afaraad oo isku xiga, inkastoo ay lumisay dhibco ayna soo gashay kalainta 23-aad, iyadoo hal dhibic ka hoos martay.

Waxaa qiimeynta lagu sheegay ij caasimadda Arjantiin ay tahay magaalo casri ah oo soo koreysa ayna tahay magaalada ugu fiican ee ay waxbarasho ka heli karaan ardayda ku hadasha afka Spanish-ka.

La yaab malaha in Buenos Aires ay hoy u tahay 10 jaamacad oo ka mid ah kuwa ugu fiican caalamka, sida laga soo xigtay qiimeyn ay isla shirkadda sameysay. Waxaa kale oo xusid mudan in dadka ka qalin jebiyay jaamacadahan ay sumcad fiican ku dhex leeyihiin shirkadaha wax shaqaaleysiiya.

Inkastoo ay tilmaameen in weli ay jiraan meelo u baahan horumarin, oo ay ka mid tahay ku noolaanshaha magaalada.

Kaalinta 60-aad waxaa soo gashay magaalo kale oo Latin America ku taalla, waana Santiago oo caasimadda Chile ah. Qiimeynta waxaa lagu sheegay inay magaalada ku nool yihiin arday yar oo caalamka ka timid.

Magaalada Mexico ayaa iyadana kaalinta 68-aad soo gashay. Inkastoo magaalada ay caan ku tahay cunnooyinka waddooyinka lagu iibiyo, goobaha taariikhiga ah iyo caweyska habeenkii, haddana waxaa ku badan wasakhowga hawada iyo dembiyada.

Magaalooyinka kale waxaa ka mid ah Sao Paolo (Brazil ) oo kaalinta 86-aad gashay.