10 Sababood oo Caddaynanay in aanay Doorashada Ururradu Xal u Ahayn Muranka jira!
Sida maalmahan la isla dhex marayo, waxay u badan tahay in loo badinayo in doorashada ururrada la galo oo doorasha madaxtooyada dib loo dhigo. Hase ahaatee, waxa aad mooddaa in aan fikir badan iyo ka fiirsi la gelin oo si dhaafsiisan geed-kaga-kaca loogu arko inay xal tahay. Waxaa xaqiiqdu tahay in ay doorashada Madaxtooyadu tahay midda dalku kaga baxayo khilaafka siyaasaadeed ee halista ku ah nabadda iyo xasiloonida Somaliland iyo mandaqaddaba.
Haddaba, dhawr sababood ayaan halkan kusoo bandhigaynaa oo tilmaamaya in doorashada ururradi aanay xal u ahayn muranka jira, laakiinse ay ka dhalan karaan dhibaatooyin hor leh oo aan la saadaalin karin.
1. Waxaad kasoo qaaddaa in doorashada ururradu dhacday, 3da xisbi iyo 10 urur oo isku 13 ahi ku tartameen. Waxaad kasoo qaaddaa in dadka codeeyey tiradoodu gaadho ilaa hal milyan (1million). Waxaa xaqiiq ah in ay 10ka dhacaa ka cod badanayaan 3da soo baxda. Haddii 3da soo baxaa helaan ugu badnaan 30-40% codadka, ma odhan karnaa xisbiyada cusubi waxay ku fadhiyaan kalsoonida shacabka? Ma xaqbaa taasi?
2. Waxaad kasoo qaaddaa in doorashada ururradu dhacday, 3da xisbi iyo 10 urur oo isku 13 ahi ku tartameen. Waxaynu og nahay in 13ka tartamayaa ay taageero ka helayaan qabiilooyinka ay kasoo jeedaan ragga horjoogeyaasha ka ahi. Bal ka waran 10ka qabiil ee ururradoodu ama xisbiyadoodu dhacaan? Ku darsoo, iyadoo weliba kalsoonida dowladda maanta jirta aynu wada og nahay oo iyadiiba muddo-dhaaf tahay! Bal ka waran haddii ay qaboolooyinka dhacaa is garabsadaan? Bal ka waran haddi weliba beelaha darafyadu dhacaan oo beesha dhexe kaliya ku koobnaadaan kuwa soo baxaa?
3. Haddii doorashada ururrada maanta oo ay tii madaxtooyadu taagan tahay la qabto, iyada oo weliba midda madaxtooyadu xaq u lahayd inay dhacdo, 10 sano kedibna ma halkan oo kale ayaynu taagnaanaynaa oo madaxweynaha kursiga ku fadhiya ayaa fursad loo siinayaa in uu xisbiyadii jiray fursadda weydaariyo oo fursad u helo inuu iska reebo kuwa uu reebyo kuwo cusubna ku bedesho?
4. Adduunka ma jirto meel doorasho gaara loo qabto ururro ama xisbiyo lagu kala reebo, Somalilandna waxay ku noqonaysaa naadir. Caalamka xisbiyadu waxay ku abuurmaan kalsooni shacab oo ay ka helaan doorashooyinka baarlamaanka ama goleyaasha deegaanka. Ugub ayay Somaliland iyo caalamkaba ku tahay doorasho aan cid ummadda wakiil u ah la dooranaynin! Waxaa kasii daran, kharashka ku baxaaya oo u dhigma mid madaxtooyo.
5. Marna suurtogal ma aha, caqligana ma gasho, in doorashada ururrada iyo madaxtooyada loo dhaxaysiiyo dhawr bilood. Marka laga yimaaddo madaxweynaha talada dalka haya oo raba in uu doorashadiisa dib u riixo, ama mid iyo laba kamida ururrada cusub ee tobanka ah oo quud-darraynaya in uu xisbi noqdo, ma jirto wax dana oo dalka iyo dadka ugu jirto in laba doorasho oo bilo u dhexeeyaan dalka laga qabto oo dhaqaalaha iyo waqtiga intaas le’eg lagu lumiyo.
6. Doorashada ururradu waxba kama badalayso mana dhimayso muranka siyaasadeed ee dalka ka taagan. Laakiin doorashada madaxtooyadu waxa ay soo afjaraysaa muranka oo ama madaxweynaha hadda fadhiya ayaa kalsooni cusub helaya ama mid kale oo kalsoonida shacabka haysta ayaa mayalka u qabanaya.
7. Kalsoonida xukuumadda maanta jirta ee dhaawacan ee aan haysan mandate-ka buuxa ee caalamku deeqdii ka joojiyey waxba kama badalayso doorashada ururradu, xal siyaasadeed oo ku jiraana ma jiro, waa haddii weliba laga baaqsado dhibaato iyo khilaaf hor leh.
8. Doorashada ururradu waxay xaqiijinaysaa in madaxweynaha lagu muransan yahay kursiga sii fadhiyo 2 sano oo dambe, waayo ma jiraan wax ku kalifaya in uu ku degdego doorashada madaxtooyada
9. Maka fikirtay waxa dhacaaya haddii xisbiga Kulmiye dhaco! Madaxweyne bilaa xisbiya miyaa dalka ka talinaya? Tani waxay ku tusaysaa sida loogu baahi qabo in dastuurkeenna wax laga bedelo. Maanta, xaqiiqdii, marka la eego nidaamka dimuqraadiga ah, waxa ay ahayd in uu dalka ka taliyo xisbiga Waddani ee helay tirada ugu badan ee baarlamaankii la doortay 2021, oo uu isagu xukuumad soo dhiso, ama isaga iyo UCID oo haysta aqlabiyadda kalsoonida shacabka. Waa haddii nidaamkeenna siyaasiga ahi noqon lahaa mid ku fadhiya kalsoonida shacabka ee tirada baarlamaanka, nidaamka loo yaqaan Parliamentarian. Nidaamkeenna Awoodda Madaxweynaha leh, Presidential system loo yaqaan ayaa keenay in uu dalka ka taliyo xisbi aan haysan aqlabiyadda shacabka oo minority ah, halka labada xisbi mucaarad ka haystaan 52 xildhibaan oo u dhiganta 63%.
10. Doorashada ururradu ma laha wax xeera oo lagu qabto, ilaa la iska fahmona doorashadaasi ma dhici karto, haddii aanay dhicinna micnaheedu waa in Madaxweynaha lagu muransan yahay xilka sii haysto dalkuna sii kala furfurmo!
Cabdisalaan Germany