10 Xildhibaano golaha deegaanka Gabiillay ah oo ku biiray xisbigaWADDANI
Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaan Cabdi Xirsi, oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley ayaa sheegay inay Toban xildhibaan oo ka tirsan Golaha deegaanka magaaladaasi ay ku biireen Xisbiga WADDANI.
Xildhibaan Cabdi Cali wuxuu sheegay inay ku hungoobeen xisbiga KULMIYE oo aan waxba u qaban.
Xildhibaan Cabdi Cali wuxuu ugu baaqay madaxweynaha inay dalka ka qabtaan doorashooyinka isa saarka ah ee madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda ee muddaysan 13ka November 2024ka.
Wuxuu naqdiyay dadka ku dooda in dalku dagaal ku jiro, wuxuuna sheegay in danta dalku ay xidhan tahay doorashooyinkaas oo la qabto.