Writen by Qaran News |

Waxay dhacdaa dhinac beri ee qaarada Afrika, waxaanay ku tiirsan tahay dhaqaalaha xoolaha nool oo abaar daba dheeraatay ay kumanaan galaafatay, waxaay kaga tagtay dad badan caydh iyo barakac ay qaarkood weli la daalaa dhacayaan ha ugu sii darnaadaan dadka ku dhaqan gobolada beriga oo ay u ahayd abaar ku reebtay xusuus xanuun badan oo dhigtay xoolo la’aan iyo taakuladay filayeen oo aan dhicin, waxaana xidhan dhiifintii xoolaha oo dalka Sucuudigu xanibay.
Dhaqaalaha Somaliland hadda waxa u marayaa marxalad aad u liidata waxaan jira sicir barar baahsan oo wada gaadhay dalka oo idil taas oo ilaa iyo haatan aan wax muuqda laga qaban, waxaana sameysmay dabaqado nololeed oo kala tagay ama farqi weyn oo xaga nolosha ahi u dhaxeeyo tan ayaa sababtay dalal badan oo dunida ah in kacdoono ka bilaabmaan kuwan ayaana soo dedejiyey in xukunka laga tuuro kuwo awood isbaday oo aakhirkii ku danbeeyey in sharciga lala tiigsado, halka qaar kalena ay nafahooda galaafatay waana natiijada cabudhinta, dhaqaale xumada iyo cadaadiska oo soo dedejiya arimahaas iyo kuwo kale oo badan, waxaana jira haatan kuwo cusub oo kacdoono iyo debadbaxyo ka jiraan.
Xuquuqda qofka muwaadinka waxa qeyb ka ah caafimaadka oo sabab u ah jiritaanka qaran iyo ummad wax soo saar ah leh, taas oo u fikiraysa dhinaca saxda balse wakhtigan taasi ma muuqato waxaana maqan doorka dawlada in arintan oo ah in dawladu ay ka gaabisay waana adeeg lacag ah si qofku caafimaad u helo, waxaana u sii dheer in shirkado ajaanib ah oo ay dad wadaniyiin ahi ay dhaqaale ka sameeyaan dadka, waxaan intaas dheer in qalabka, iyo dawada intuba ay tayo ahaan yihiin kuwo hooseeya oo mararka qaar u sii horseeda caafimaad daro iyo dhibaatooyin kale oo badan.
Somaliland waxay hadda ku jirtaa xaalado is huwan oo dib dhac badani uu ka muuqdo, waxaana jira weli kala qeybsani badan oo bulshada dhexdeeda oo ay qeyb ka ahayd doorashadii dhacday, sicir bararka jira, iyo raadadkii abaartii kal hore oo weli sii muuqata iyo wax ka qabashadoodo weli aan muuqan.
Isku soo wada duub, Somaliland la wada leeyahay ayaa dan u ah dadka iyo dalkaba waxaanay meesha ka saaraysa nedaamka is kooxaysiga oo halis ku ah sii jiritaanka iyo faquuqida cid gaar ah oo la iska xigsiinayo dalka iyo talladiisa.
Mahadsanidiin.
Maxamuud Xeef