Writen by Qaran News |

 

Kooxo hubeysan ayaa siyaabo kala duwan ugu dilay Muqdisho sarkaal boolis iyo Macallin Jaamacadeed.

Dilka hore ayaa caawa fiidkii ka dhacay degmada Yaaqshiid, halkaasoo kooxo bastoolado ku hubeysan ay dileen Sarkaal Boolis oo lagu magacaabi jiray Xasan Dheere oo ka tirsanaa Laanta Dambi Baarista ee CID.

Kooxdii dilka ka dambeysay ayaa baxsaday, waxaana mar dambe gaadhay goobta Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, kuwaasoo baaritaano sameeyay, hase yeeshee uma suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan kooxdii dilka ka dambeysay.

 

 

Sidoo kale dil kale ayaa caawa ka dhacay Xaafada Oodweyne ee degmada Dayniile, halkaasoo kooxo hubeysan ay Macalin jaamacadeed ku dileen.

Macalinka Jaamacadeed ayaa magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Caddow, waxaana uu wax ka dhigayay Jaamacadda Soomaaliya, gaar ahaan Kulliyada Shareecada.

Lama oga sababaha loo dilay, hase ahaatee waxaa ay qeyb ka tahay dilalka ujeedo badanka ee siyaabaha kala duwan uga dhacayay Muqdisho sanadihii u dambeeyay.