Writen by Qaran News |

 Imaaraatka Carabta oo qalabkoodii ciidan & Tababaradaba kala baxay magaalada Muqdisho

 

Maalin ka dib markii ay Dawlada Imaaraatka Carabtu ku dhawaaqday in ay joojisay tababaradii iyo taageeradii Milateri ee ay siin jirtay dawladda Faderaalka iyo Saldhigyada Milateri ee kuyaala Koonfurta dalka ayay la baxaysaa qalabkii iyo Agabyadii Milateri ee kayaalay Dugsiga Jen.Gordan ee magaalada Muqdisho.

Baabuur xambaarsan Kunteero ay ku jiraan qalabka Milateriga oo iskugu jira noocyo kala duwan ayaa ka dhoofaya maanta magaalada Muqdisho, waxaana la geyn doonaa dalka Iskutaga Imaaraatka Carabta oo markii horeba laga keenay.

Dawladda Faderaalka, gaar ahaana Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay 11-kii bishan in ay kala wareegaan dawladda Imaaratka Carabta ciidamadii ay tababartay, sidaas oo kalena Dugsiga Jen.Gordan ay hadda ka dib ku shaqeyn doonto wasaaradda gaashandhigu.

Xidhitaanka Dugsiga Tababarada ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ee Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho ayaa ahayd halka ugu badan ee lagu hayo ciidamada ugu carbisan ee ku sugnaa caasimada, waxaana tababarada siinayey khuburo Ajnabi ah oo u dhalatay dalka Imaaraatka Carabta.

Dawladda Faderaalku waxay ku dhawaaqday in ay joojisay heshiiskii kala dhaxeeyey Imaaraatka Carabta ee dhinaca Iskaashiga Ammaanka & dibu dhiska ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, taas oo ahayd bar bilow aan diblumaasiyadda gabi ahaanba waxba sal ah ku laheyn.

Wakaalada Wararka ee dalka Imaaraatka Carabta waxay baahisay in ay Xukuumadda ABU DHABI joojisay mushaarka, agabyada ciidan & Tababarada ay ku bixiso labo saldhig ciidan oo ku yaala Koonfurta Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay in ay ku kala yaalaan Muqdisho iyo Kismaayo oo hadda uun la dhisay.