Writen by Qaran News |

Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa shaaca ka qaaday in xaaska madaxweyne Donald Trump la seexshay Cusbitaal sababo la xidhiidha qalliin looga sameeyay kelli in dhawaalaba ay ka cabaneysay.

Melania Trump ayaa iminka caafimaadkeedu yahay mid wanaagsan sida Aqalka Cad uu sheegay, mana jiraan cabashooin ay sheeganeyso.

Afhayeenad u hadashay Melania oo lagu magacaabo Stephanie Grisham ayaa sheegtay in ay Cusbitaalka ku sii jireyso mudo Usbuuc ah, si looga war hayo xaaladeeda caafimaad.

Waxa ay sheegtay afhayeenada in xilligii uu qalliinka Melina socday ama dhacay uusan goob-joog aheyn madaxweyne Trump, balse la filayo in uu Cusbitaalka ku booqdo.

Si kastaba muddooyinkii dambe xaaska Trump ayaa ku yareyd hadal-haynteeda warbaahinta, waxaana dhowr-jeer laga waayay saaxadda xilli la rabay in ay ninkeeda garab-taagnaato.