Writen by Qaran News |

 Taariikhda cudurradii safmarka ahaa ee saameeyay cibaadada bisha Ramadaan

.

Muslimiinta sannadkan wuxuu Ramadaankan u yahay mid ka duwan kuwii hore maadama lagu soo rogay xayiraado saameyn ku yeelatay cibaadooda si looga hortaggo fiditaanka feyraska Korona, balse waxaa dunida soo maray cudurro kale oo safmar ahaa oo saameyn ku yeeshay muslimiinta xilliga bisha Ramadaan.

Cudurrada safamarka ee soo maray sida ku xusan taariikhda waxaa ka mid ah cudurka daacuunka, shuban biyoodka, busbus, baras, duumada iyo cudurro kale, waxayna ahaayeen kuwo soo noq noqda qarniyaal badan oo ku baahay dhulka muslimiinta oo ay dad badan u dhinteen.

Caddeymo kooban

Haddii aan dib ugu laabano taariikhda islaamka gaar ahaan sida muslimiinta ay u soomi jireen xilliyada dhulkooda uu ka dilaaco cudur safmar ah, waxaana inoo soo baxeysa in taariikhynadu ay wax ka og yihiin dhibataada cudurrada faafa ay ku reebeen cibaadada balse caddeymo buuxo uma hayaan sida ay u saameeyeen soonka.

Balse waxaa cad in ay horseedeen in nolosha ay ku adkaato bukaannada iyo dhakhaatiirta, sida ay xustay Nükhet Varlık oo bare ka ah jaamacadda Rutgers ee ku taalla gobolka South Carolina ee dalka Mareykanka.

Nükhet Varlık waxay ku takhasustay taariikhda dowladdii Cusmaaniyiinta, daraasaddeedu waxay diiradda saareysaa taariikhda cudurrada safmarka ah iyo qaabkii ay muslimiinta isku daweyn jireen xilliggaas. Waxay qortay buug ka hadlayo cudurradii safmarka ee halakeeyay dowladdii cusmaaniniyiinta, waxay su’aalaha ay BBC-da weydisay uga jawaabtay qaab Email ah.

Daacuun iyo Ramadaan: Waa cadow qaddiimi ah

Waxaan halkan idiin kugu soo gudbineynaa qaar ka mid ah cudurradii safmarka ahaa ee saameeyay muslimiinta xilliga bisha Ramadaan sida ku xusan taariilkhada, waxaana sharraxeysaa Nükhet Varlık.

  • Daacuunkii madoobaa, wuxuu dhacay bartimihii qarnigii 14-aad, waxaana lagu tilmaamaa in uu ka mid ahaa cuduradii dhaliyay dhimashadii ugu badneyd dunida. Taariikhda waxay sheegeysaa in cudurkan uu si daran u sameeyay muslimiinta xilli bisha Ramadaan lagu jiray, wuxuu xilliggaas ku baahay dalalka Suuriya iyo Masar halkaas oo kumanaan qof uu ku dilay. Taariikhyahankii weynaa ee dunida safarka ku maray Ibnu Batuuta wuxuu maray dhulka Shaam, wuxuu wax ka qoray saameynta daacuunka uu ku yeeshay dhaqamada islaamka gaar ahaan cibaadada iyo soonka, wuxuu arrintaas uga gollahaa wacyigelinta ku aadan ka hortagga fiditaanka cudurada safmarka ah.
  • Daacuunkii sannadkii 1420, wuxuu cagta mariyay dalal badan oo muslim ay degan yihiin, wuxuu si aan kala go’ laheyn ugu baahay dalal badan, waxaana u dhintay kumanaan kun oo qof. Sannadkii 1422 wuxuu cudurka ku faafay magaalada barakeysan ee Makah oo xitaa salaadihii jamaacada lagu tukan waayay, waxaana haweenka muslimiinta lagu soo rogay xayiraad ah in aysan tegi karin qabuuraha gaar ahaan magaalada Qaahira.
  • Sannadihii ugu dambeeyay ee qarnigii 16-aad, wuxuu dacuunka saameyn ballaaran ku yeeshay cibaabada, Farlik waxay soo xigtay buugag uu qoray Olay Jalbi oo ah taariikhyahaan ka soo jeeday Cusmaaniyiinta kaas oo sheegay in daacuunka uu baahay ramadaankii sannadkii 1567, xilliggii Suldaankii Saliim 11, wuxuu safmaka maalin kasta halkaas ku dilayay 3 kun oo qof, waxay arrintani horseeday in suldaankii cusmaaniyiinta uu walaac ka muujiyo dhibaatada cudurka, wuxuu amarka ku bixiyay in saaladaha aanan lagu tukan maasaajidka habeennadii ugu dambeeyay Ramadaanka.
.
  • Bishii Ramadaan sannadkii 1579, wuxuu daacuuka ku faafay dalal badan oo muslim ah, waxay arrintaas horseeday in la joojiyo safarka xujeydii ka imaan jiray Masar, waxaana xayiraad kale lagu soo rogay magaalada Basra ee Ciraaq. Sannadkaas, taariikhyanadu waxay soo weriyeen in cudurka uu horseeday in xitaa la uruurin waayo canshuurtii laga qaaday shacabka maadama dad badan ay u geeryoodeen xanuunka.
  • Sannadkii 1592, wuxuu cudur safmar ah mar kale ku baahay gudaha magaalada Istanbul ee Turkiga, halkaas oo uu ku nagaaday muddo bilooyin ah, suldaankii ka arriminayay magaalada wuxuu ku amray shacabka in Alle ay baryaan, dadka saboolka ah ay caawiyaan iyo in lasii daayo maxaabiista si Alle uu uga saaro cudurka.
  • Ramadaankii sannadkii 1780, cudur ayaa ku faafay gudamaha magaalooyinka Makah iyo Madiina, waxaana la rumeysan yahay in halkaas uu ku dilay 12,000 qof.
  • Intii u dhexeysay 1811 iyo 1812, Istanbul waxay la kulantay daacuun faro ba’an ku hayay shacabka kaas oo socday illaa bisha Ramadaan, dadka magaalada waxay ku sugnaayeen guryahooda marka laga reebo inay u baxaan adeegyada aasaasiga ah.
  • Dabayaaqadii qarnigii 19-aad, cudurka daacuunka wuxuu saameeyay xajka, gaar ahaan markii la furay kanaalka Suez kaas oo horseeday in cudurka uu ku faafo dekedaha iyo tareennada. Xujeyda waxaa lagu amray inay galaan 15 maalmood ah oo karantiil ah ka hor inta aysan usoo ruqaansan dhulka Xijaaz, balse kumanaan qof ayaa la isugu geeyay xarumaha karantiilka waaggaa.

Taariikhda cudurrada safmarka ah

Nükhet Varlık waxay koox kala shaqeyneysaa sidii lagu hergin lahaa nidaam digital ah oo lagu keydinayo taariikhda ku saabsan ‘daacuunkii madoobaa’ ee hareeyay dunida muslimka, waxayna hayaan ilo wareedyo kala duwan oo aan ku ekeyn buugaagta taariikhda.

Marka laga soo tego daraasadda ay ka sameysay sida cudurrada safmarka ah ay u saameeyeen dhaqamada dadka muslimiinta ah, waxay Varlık sheegtay inay daneyneyso inay wax ka qorto raadka ay ka tegeen dhakhaatiirta muslimiinta markii ay la dagaalamayeen cudurada faafa iyo raadinta dawada.

.

Isticmaalka Liinta, khalka iyo in la yareeyo galmada

Varlık waxay sheegtay in dhakhaatiirta ay dadka kula talinayeen in guryahooda ay ku buufiyaan khalka oo ah waxyaabo laga dhaliyay maaddooyin la qamiiriyay iyo aashito ama aasid, waxay sidoo kale dadka ka codsadeen inay iska yareeyaan cuntada, dhaqdhaqaaqa iyo la yareeyo galmada.

Waxaa shacabka lagula taliyay in aysan qubeysan xilliga cudurka safmarka isla markaana aysan welwelin.

Sida ay sheegeyso Varlık , dhakhaatiirta dadka waxay kula talin jireen inay cunaan miraha dhanaan sida Liinta, Rumaanka, dawooyinka la siin jiray waxaa kamid ahaa dawo dhireed, macddan iyo nafaqada xoolaha.

Soonka wuxuu gaashaan u ahaa cudurka

Varlık waxay sidoo kale sheegtay in dadka ay isku uruursan jireen kooxo kooxo si ay u cibaadeystaan, xilliga soonka, akhrinta Qur’aanka, caawinta dadka saboolka ah iyo siideynta maxaabiista ayaa sidoo kale jiray.

Sida uu sheegayo taariikhyahankii u dhashay Ruushka Tasbakrizadeh, waxay muslimiinta cibaadeysan jireen 10ka dambe ee soonka, waxay rumeysan yihiin in Qur’aanka uu dawo yahay iyo xuska Alle si looga gaashanto cudurrada faafa, waxaana dadka lagula talin jiray in bukaannada ay siiyaan biyo laga soo hooriyay warqad lagu qoray aayado Qur’aan ah.

.