Writen by Qaran News |

Lix walaalo ah iyo Libaaxyadooda oo magaalo dhan argagax galiyay

Two of the brothers' lions
1px transparent line

Qoyska inkaarta qaba. Muddo sannado ah, ilaa laga soo gaaray xagaagii lasoo dhaafay, nimankan walaalaha ah waxay magaaladan yar ku daadinayeen dhiig faro badan, iyagoo xasuuqayay rag, dumar iyo carruurba si ay u maamulaan deegaanka awoodna ugu lahaadaan. Laakiin hadda dambiyadooda ayaa si tartiib tartiib ah bannaanka loo soo dhigayaa.

Muddo toddobo bilood ah, shaqaalaha caafimaadka ee xiran dharka cad ee kiimikada la isaga ilaaliyo waxay isaga daba noqonayeen magaalada yar ee ay beeraleyda daggan yihiin ee lagu magacaabo Tarhuna, oo masaafe dhan hal saac u jirta magaalada caasimadda u ah dalka Liibiya ee Tripoli.

Meelo ka mid ah magaalada ayey ka soo qufeen meydadka ilaa 120 qof, inkastoo meelo badan oo kale aysan wali tagin. Dharka kiimikada difaaca waxay u xiran yihiin si aysan waxyeello uga soo gaarin meydadka qurmay ee ay aruurinayaan.

“Mar walba oo aan meyd kasoosaarayo qabriga waxaan isku dayaa in aan si tartiib ah oo naxariis leh u qaado intii karaankeyga ah,” ayuu yidhi mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, oo lagu magacaabo Wadah al-Keesh. Wuxuu intaas sii raaciyay: “Waxaan aaminsan nahay in haddii aan laf ka jabinno qofka meydka ah ay naftiisa dareemeyso.”

Qaar ka mid ah meydadka waxay u muuqdaan dadaalyahanno dhalinyaro ah oo ku dhintay isku dhacyadii xagaagii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Tarhuna, markaasoo dagaalka sokeeye ee Liibiya ka socda uu marayay sanadkii sagaalaad.

Laakiin in badan oo ka mid ah meydadka shacabka – oo ay ku jiraan haween iyo carruur yaryar oo qaarkood ay shan sano jir yihiin – waxaa ka muuqda in jirkooda la jarjaray.

Qabuuro badan oo halkaas ku yaalla waxay astaan u yihiin ficilladii ay sameeyeen koox argagixisa bulshada, oo muddo siddeed sano ah magaaladaas ka geysaneysay tacaddiyo, waana qoys deegaanka kasoo jeeda oo loo yaqaanno “Kanis” iyo maleyshiyo ay abuureen.

Wadah al-Keesh
Wadah al-Keesh oo lagu sawiray qabuurihii uu qaarkood wax ka qufay

Saddex ka mid ah raggii walaalaha ahaa ee qoyska Kani uu ka billowday hadda way dhinteen, kuwii kalena waxaa bishii June ee sanadkii 2020-kii eryaday ciidamada daacadda u ah dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto ee GNA, laakiin ilaa hadda xitaa qaar badan oo ka mid ah dadka daggan magaalada Tarhuna waxay ka cabsanayaan in ay ka hadlaan dambiyadii ay raggaas geysteen. Qaarkood waxay sheegeen in wali ay hanjabaado usoo diraan dad taageersan qoyska Kani.

Ma sahlana in si buuxda loo helo sheekooyinka ku saabsan raggan walaalaha ah oo magacyadooda ay kala yihiin: Abdul-Khaliq, Mohammed, Muammar, Abdul-Rahim, Mohsen, Ali iyo Abdul-Adhim.

Balse xogta laga helayo dadkii yaqaannay ee lala sheekeystay waa mid argagax leh oo muujineysa sida ay qoys sabool ahaa uga faa’iideysteen qalalaasihii ka dhacay dalka Liibiya sanadkii 2011-kii, kaasoo daba socday kacdoonkii xilka looga tuuray kalitaliyihii dalkaas, Mucamar Al-Qadaafi. Kaddib waxay dadkii deegaankooda ku qabsadeen xukun argax darro ah.

“Walaalahaas toddobada ah waxay ahaayeen kuwo aad u akhlaaq daran. Dhaqankooda dhinaca bulshada wuxuu ahaa ebar,” ayuu yidhi Hamza Dila’ab, oo ah qareen tababaran oo sidoo kale u dooda xuquuqda bulshada, oo xasuusta in uu raggaas kula kulmi jiray aroosyada iyo aaska ka hor 2011-kii.

“Marka ay isla joogaan waxay u ekaayeen koox waraabeyaal ah. Way murmi jireen wayna isu dhaaran jireen. Xitaa ulo ayey isku garaaci jireen midba midka kale.”

Markii uu kacdoonka billowday, inta badan dadkii dagganaa magaalada Tarhuna waxay go’aansadeen in ay daacad usii ahaadaan xukunka Qadaafi. Ninka kalitaliska ah ayaa laga jeclaa magaaladaas, maadaama uu ragga kasoo jeeda qoysaska ugu waaweyn magaaladaas jagooyin fiican ka siin jiray laamihiisa amniga.

Qoyska Kani waxay ka mid ahaayeen dadka tirada yar ee taageersanaa kacdoonka looga soo horjeeday Qadaafi – inkastoo ujeeddada ay lahaayeen aysan ku saabsaneyn fikir balse ay salka ku heystay cadaawad kala dhaxeysay qoys ilma-adeerradood ah oo ay ilaa 30 saco col ahaayeen, kuwaasoo taageersanaa Qadaafi, sida uu sheegay Hamza Dila’ab.

Markii xukunka laga tuuray Qadaafi, raggii walaalaha ahaa waxay arkeen in ay fursaddooda bannaan tahay.

“Reer Kani waxay si tartiib tartiib ah hal hal ugu dileen qoyskii ay cadaawadda kala dhaxeysay,” ayuu yidhi Hamza Dila’ab.

Hase yeeshee taasi waxay sababtay in sanadkii 2012-kii aargoosi loo dilo mid ka mid ah walaalaha reer Kani, Ali, oo ahaa ninka ka weyn midka ugu yar.

“Ali wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo qurux badan oo ka mid ah walaalaha Kani, markii uu dhintayna, waxay ka dhigeen qof aad loo qaddariyo baroor diiq weyn loo sameeyay,” ayuu yidhi Jalel Harchaoui, oo ah Khabiir u dhashay dalka Liibiya oo cilmibaaris ku sameeyay qoyskan.

 

Ali
Boor lagu xusayo Ali al-Kani

“Walaalihiis waxay go’aansadeen in marka ay u aar gudayaan aysan raadinin dadkii dilay oo kaliya. Balse waxay ku dhaqaaqeen in ay xasuuqaan dhammaan qoysaska ay dadka dilka geystay kasoo jeedeen.”

Qoyska reer Kani waxay si tartiib tartiib ah ugu dambeyn ula wareegeen maamulka magaalada, waxayna halkaas abuureen ciidamo awood leh oo ilaa hadda jira, maleyshiyaadkooda u gaarka ahna waxay tiradooda gaarsiiyeen ilaa hal kun oo dagaallame. Sida maleyshiyaaka kale ee ka dhisan dalka Liibiya, waxay helayeen dhaqaalaha dowladda. Markii ay walaalkood u aar gudeenna, raggii kale waxay go’aansadeen in ay magaalada Tarhuna oo dhan maamulkeeda hoostooda keenaan.

“Ujeeddadoodu waxay ahayd in ay dadka argagax galiyaan si awooddooda looga cabsado. Sababtaas kaliya ayey dadka u leynayeen. Qof walba oo magaalada Tarhuna uga soo hor jeesta way dilayeen,” ayuu yidhi Hamza Dila’ab.

Hanan Abu-Kleish waxay joogtay gurigeeda markii 17-kii bishii April ee sanadkii 2017-kii ay usoo galeen koox ka tirsan maleyshiyada reer Kani.

“Mid ka mid ah ayaa qori madaxa iga saaray,” ayey tidhi. “Wuxuu i weydiiyay cidda joogta guriga waxaana u sheegay in aysan cidna joogin. Laakiin wuxuu ii jiiday qolkii aabbeheey uu ku jiray. Waxay ku dhaheen: ‘Marka hore adiga ayaan ku dileynaa.’ Sidaas ayeyna runtii sameeyeen. Wax walba oo aan uga celin karay waan sameeyay. Laakiin rasaas ayey qaarka hore uga dhufteen.”

Waxaa sidoo kale maalintaas la dilay saddex ka mid ah Hanan walaaleheeda wiilasha ah iyo labo ay habaryar u ahayd, oo da’doodu ay kala ahayd 14 iyo 16 sano.

Qaar kale oo ka mid ah qaraabadeeda ayaa la la’yahay, waxaana la aaminsan yahay in ay afduubteen maleyshiyada qoyska Kani.

Hanan waxay sheegtay in sababta kaliya ee qoyskeeda loo bartilmaameedsaday ay ahayd maadaama ay ahaayeen reer laga qaddariyo magaalada Tarhuna.

Hanan Abu-Kleish with photograph of one of her missing uncles
Hanan Abu-Kleish oo gacanta ku heysa sawirka mid ka mid ah adeerradeed oo la la’yahay
1px transparent line

Xilliga ay sidaas sameynayeen qoyska reer Kani waxay maamulayeen magaalada Tarhuna iyo nawaaxigeeda. Waxaa xitaa ka amar qaadanayay booliska labisan. Waxay heysteen ganacsi ballaaran, iyagoo canshuur ka qaadi jiray warshad shamiitada sameysa iyo meherado kale oo ganacsi oo magaalada ku yaallay.

Waxay lacago badan ka heli jireen kooxaha daroogada kala gudbiya oo ay amnigooda sugi jireen iyo dadka tahriibeyaasha ah oo ay lacago ka qaadan jireen marka ay u sii socdaan xeebta badda Mediterranean-ka.

Maamulkooda waxaa madax ka ahaa Mohammed al-Kani, oo ahaa ninka labaad ee ugu weynaa ragga walaalaha ah ee reer Kani. Waa kan kaliya ee xoogaa aqoonta yar soo bartay, intii uusan kacdoonka billaabaninna wuxuu darawal u ahaa shirkad shidaalka soo saarta.

Three of the brothers
Mohammed al-Kani (bidix), iyo labada kale ee dilalka ugu badan geystay, Mohsen iyo Abdul-Rahim

“Waa sida ay u dhaqmaan badanaa qoysaska burcadda ah in qof iyaga ka mid ah uusan sida kuwa kale dadka u cabsi galinin ama xitaa uu iska dhigo qof fiican,” ayuu yidhi Jalel Harchaoui. Meesha ugu sarreysa waxaa inta badan ku arkeysaa qofka wax fahmaya ee shaqada hirgalinaya. Shaqada Mohammed-na sidaas ayey ahayd.”

Isaga waxaa ka hoos shaqeynayay ninka madaxa xiiran, oo lagu magacaabo Abdul-Rahim, kaasoo mas’uul ka ahaa howlaha amniga gudaha” – wuxuu la tacaalayay qof walba oo lagu tuhmo in uu khiyaanayo iyaga, halka ninka wajiga dhuuban, oo lagu magacaabo Mohsen, uu isaguna ahaa “wasiirka gaashaandhigga”, madaxna ka ahaa maleyshiyaadka reer Kani.

“Abdul-Rahim, ayaa ahaa dilaaga koowaad ee ku xiga Mohsen,” ayuu yidhi Hamza Dila’ab.

Wuxuu sheegay in isaga iyo dad kale oo ka cararay magaalada Tarhuna ay dowladihii ka jiray Tripoli u sheegeen dambiyada ay reer Kani sameynayeen, “laakiin ay dhagaha ka fureysteen maadaama ay maleyshiyada Kani shaqo u heysay dowladahaas”.

An olive grove in Tarhuna
Dhulka guud ahaan magaalada Tarhuna iyo nawaaxigeeda waxaa ka baxa geedaha saliidda dhaliya

Sanadkii 2017-kii, ragga walaalaha ah waxay sameeyeen dhoollatus milatari oo ay kusoo bandhigeen hub aad u culus, ciidamo heerar kala duwan ah oo labisan iyo libaaxyo.

Libaaxyadu waxay ahaayeen kuwo ay qoyskan rabbaayadeysan jireen, waxaana la isla dhex marayaa in ay siin jireen hilibka dadka ay laayaan.

Kaddib, sanadkii 2019-kii, reer Kani waxay baddaleen garabkii ay ku taageersanaayeen kaalintooda dagaalka sokeeye ee Liibiya. Waxay xiriirka u jareen dowladda GNA ee ay xulafada ahaayeen, taasoo maamusha galbeedka dalka Liibiya. Waxay ku biireen cadowga ugu weyn ee ay leedahay dowladdaas oo ah Janaraal Khaliifa Xaftar, kaasoo ah ninka maamula dhinaca bari ee dalka Liibiya. Reer Kani waxay Janaraal Xaftar u oggolaadeen in uu magaaladooda u adeegsado saldhig uu ka weeraro caasimadda Tripoli.

Durbadiiba, magaalada yar ee Tarhuna waxay bartilmaameed u noqotay madaafiicda ay ciidanka dowladda isaga difaacayeen xoogagga weerarka kusoo qaaday.

Janaraal Khaliifa wuxuu taageero ka heystay dalalka Faransiiska, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Ruushka oo xitaa calooshood u shaqeystayaal ruush ah u diray si ay uga barbar dagaallamaan ciidanka ku sugan magaalada Tarhuna.

Turkiga ayaa isaguna hub ku harqinayay dowladda uu taageero ee ku sugnan magaalada Tripoli.

Diyaarad nooca uusan duuliyaha saarneyn ah, oo aad loogu maleynayo in uu Turkiga leeyahay, ayaa bishii September ee sanadkii 2019-kii duqeyn ku dishay Mohsen al-Kani iyo midkii ugu yaraa walaala, Abdul-Adhim, oo ay da’diisu ahayd 22 sano.

Geeridooda iyo guul darradii ay ku qabsan waayeen magaalada Tripoli ayaa horseedday in dhiiggii ugu badnaa abid uu ku daato magaalada Tarhuna.

“Dilalku waxay u dhici jireen si joogto ah, maadaama kooxdu ay ku guul darreysaneysay howlaheeda,” ayuu yidhi Jalel Harchaoui.

Wuxuu sheegay in ay dadka u diidayeen in ay ku fikiraan taageeridda dowladda Tripoli.

Mortar being fired by GNA forces towards Tarhuna in April 2020
Ciidamada daacadda u ah dowladda GNA oo madaafiic ku tuuraya magaalada Tarhuna bishii April 2020

Laakiin dilalka qaarkood waxay u muuqdeen kuwo ay kooxda reer Kani u geysaneysay si ay u helaan qalab ay dagaalka kusii wadaan.

Maalin ka mid ah bishii December ee sanadkii 2019-kii, Rabia Jaballah oo ah haweeney gurijoogto ah oo daggan magaalada Tarhuna waxay aragtay ina-adeerkeed Tareq oo ay maleyshiyaad reer Kani ah ku tooganayaan albaabkiisa hortiisa. Waxay halkaas ka qaateen gaarigiisa.

Maalintii xigtay, oo aaskiisa lagu guda jiray, boolis ayaa soo weeraray goobtii uu aaska ka socday, waxayna afduubteen 10 nin, oo uu ku jiro Rabiya ninkeeda.

Gaarigii Tareq waxay kooxdu durba ku xireen qori weyn. Isamarkiiba Rabiya way fahantay sababtii loo soo weeraray in ay ahayd si gaarigooda looga dhaco.

“Qoyskeenna Jaballah, waxaan nolosheenna ku dabbaenaa ganacsiga gawaarida, gaar ahaan kuwa awoodda leh ee afarta taayar xoogga ku leh. Sidaas darteed waxay noo soo waarareen si ay nooga helaan gawaari ay dagaalkooda u isticmaalaan.”

Ciidamada taageersan dowladda Tripoli ayaa ugu dambeyn qabsaday magaalada Tarhuna bishii June ee sanadkii 2020-kii, afartii walaalo ee kasoo haray reer Kani iyo maleyshiyaadkoodana waxay ciidamada Xaftar ula baxsadeen bariga Liibiya.

“Rajo aad u weyn ayaan qabnay habeenkii uu dagaalkaas socday, ma aannaan seexanin, carruurtu aad ayey u faraxsanaayeen,” ayey tidhi Rabia Jaballah.

Subaxdii dambe, iyada iyo dad kale oo xubno ka mid ah qoysaskooda ay maqanaayeen ayaa ku kala cararay xaruntii ay reer Gani xabiga ka dhigteen ee ay dadka ku heysan jireen. Laakiin waxaa naxdin ku noqotay in ay arkeen qolal xabsi ahaan loo dhisay oo cabirkoodu yahay 70cm oo xitaa uusan qofka fariisan karin.

A defaced mural of Mohsen, who served as "minister of defence", at the brothers' detention centre
Sawirka Mohsen, oo la halleeyay oo ku dhaggan xarunta xabsiga u ahayd Kani. Wuxuu ahaa wasiirkii Gaashaandhigga ee maamulka walaalaha

Dhar jeexjeexan ayaa halkaas yaallay, balse cidna ma aysan ku jirin xabsiga.

“Rajadeennii oo dhan halkaas ayey ku burburtay,” ayey tidhi Rabia. “Darbiyada xabsiga waxaa daboolay dhiig. Waan u dulqaadan waayay arrintaas. Aad baan u baroortay.”

Kamal Abubakr, oo madax ka ah laanta dowladda GNA u qaabilsan raadinta iyo aqoonsiga dadka maqan ayaa sheegay in la la’yahay dad ka badan 350 oo shacabkii Tarhuna ah.

Men in white protection suits digging up bodies of the dead

Laakiin dadka deegaanka qaarkood ayaa sheegaya in tirada runta ah ee dadka maqan ay ku dhawaaneyso 1,000 ruux.

Ilaa hadda dad yar ayaa laga aqoonsaday meydadka laga soo qufay xabaal wadareedyada. Hadda unbaana la billaabayaa in la adeegsado qalabka DNA-da ee lagu baaro dhalashada.

Laakiin Dr Abubakr wuxuu sheegay in qabuuraha la soo qufay ilaa hadda ay yihiin kuwo aad looga argagaxo oo ka daran kuwii laga helay dhammaan meelaha kale dalka Liibiya tan iyo markii uu dagaalka sokeeye billowday sanadkii 2011-kii.

One of the exhumed bodies is buried on 13 November 2020
Mid ka mid ah meydadkii qabuuraha laga soo qufay oo aas sax ah loo sameeyay 13 November 2020

Dowladda uu fadhigeedu yahay Tripoli ayaa sheegtay in ay sameyneyso baaritaanno lagu ogaanayo dadka iska leh mas’uuliyadda dilalka la geystay. Hase yeeshee Hanan Salah, oo ka mid ah dadka u dooda xuquuqda aadanaha ee Liibiya ayaa sheegtay in ilaa sanadkii 2015-kii aysan arkin baaritaanno la dhammeystiray.

Isku day ay BBC-da u sameysay in ay wareysi la yeelato madaxweynaha dowladda Liibiya ayaa u suurtagalin, ujeeddaduna waxay ahayd in uu ka jawaabo eedeymaha loo jeediyay dowladdiisa.

Dhanka kale, maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ayaa furtay baaritaan la xiriira dilalkii ka dhacay magaalada Tarhuna. Mohammed al-Kani waxaa lagu daray liiska dadka ay cunaqabateynta saartay dowladda Mareykanka.

Laakiin maadaama ay ku jiraan maganta Kahliifa Xaftar isaga iyo walaalihiisa noolba way adag tahay si ay caddaalad ku wajahaan.

Forces loyal to the GNA man a checkpoint in Tarhuna after the takeover in June 2020
Bar koontarool oo ay ciidamada dowladda GNA ka sameysteen magaalada Tarhuna

Magaalada Tarhuna lafteeda waxaa ka socda baaqyo la xiriira in aargoosi la sameeyo. Wadah al-Keesh, oo ah ninka dhalinyarada ah ee qabuuraha wax kasoo qufay, ayaa ka cabsi qaba in mustaqbalka magaalada uu mugdi sii galo.

“Dadka magaalada Tarhuna waxay ka baxeen gacanta maleyshiyo waxayna galeen gacanta maleyshiyo kale. Dowladdu waa wajiga kore uun, maleyshiyaadka ayaa maamulka gacanta ku haya,” ayuu yidhi. “Wax allaale waxa ay rabaan ayey iska sameeyaan, taas ayaana dadka argagax galineysa.”#