Writen by Qaran News |

Qarax Culus oo lala eegtay Ciidamada kenya +Halkuu ka dhacay & Khasaaraha

 

Faahfaahin dheeraada ayaa ka soo baxaysa gaadhi ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda Kenya oo qarax miino lagula  eegtay Gobolka Lamuu ee dalkaas.

Gaadhi ay wateen Ciidanka Milateriga Kenya ayaa waxaa uu qaraxu ku haleelay, xili ay socdaal ku marayeen xuduudka dhinaca Gobolka xeebta ee Lamu, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Ugu yaraan hal ruux oo ahaa darawalkii waday gaadhiga ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday qaraxaas, halka ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen Askar ka tirsan Ciidanka ee la socday gaadhiga.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay Gobolka xeebta ee Lamu, iyagoo sheegay inay ku dileen Darawalkii gaadhiga waday, isla markaana ay jiraan dhaawacyo soo gaadhay askar kale.