2 Qodob oo Faransiiska looga guuleysan karo ciyaarta Koobka Adduunka

Messi iyo Mbappe

Ka hor inta uusan bilaaban tartanka Koobka Adduunka ee ka socda dalka Qadar, waxaa si weyn loo hadal hayay in saddex kooxood mid ay ku guuleysan karto Koobka, kuwaasoo kala ah Brazil, Argentina iyo Faransiiska. Saadaashaas ayaa noqotay mid run ah.

Xulalka Faransiiska iyo Argentina ayaa isku wajahaya ciyaarta kama dambeysta ah ee loo ballansan yahay maalinta Axadda ah, halka Sabtida oo kasoo horreysa ay ciyaar kaalinta saddexaad loogu tartamayo dhex mari doonto Morocco iyo Croatia, taasoo rajo kale gelineysa taageerayaasha la safnaa waddanka ka socda Afrika.

Hase yeeshee hadal-heyntu waxay diiradda ku saran tahay fiinaalka ay isku hor fadhiyaan qaar ka mid ah ciyaartoydii wacdaraha ugu badan ka dhigay tartanka.

Gool dhaliyeyaashii ugu fiicnaa tartanka

Saddexda ciyaartoy ee goolasha ugu badan dhaliyay tan iyo markii uu bilowday Koobka Adduunka ayaa ku kala jira labada kooxood.

Kylian Mbappe iyo Lionel Messi oo kasoo kala jeeda Faransiiska iyo Argentina ayaa ah isla heysta gool dhaliyaha tirade ugu badan ka dhaliyay tartankan, mid walbana waxa uu shabaqa dhex dhigay shan gool.

Weerar yahanka Faransiiska Olivier Giroud ayaa dhaliyay afar gool halka laacibka Khadka dhexe ee kooxdan, Antoine Griezmann uu heysto saddex gool.

Xulka Faransiiska

Marka ay isku saf ku jiraan Mbappe, Giroud iyo Griezmann aad bey u adag tahay in difaacyada Argentina ay hor istaagaan. Laakiin dhanka Faransiiska xitaa waxaa jira meelo ay ka jilicsan yihiin, iyadoo aan og nahay in Linel Messi uu mar walba sameeyo mucjisooyin u suurtageliya ujeeddada uu leeyahay.

Labo qodob oo ay Faransiiska ku waayi karaan Koobka

Si guud, run ahaantii wey adag tahay in farta lagu fiiqo daciifnimo ka muuqata kooxda Faransiiska ee rajeyneysa in markii labaad oo isku xigta ay hanato Koobka Adduunka oo ah abaalmarinta ugu weyn ee lagu helo Kubbadda Cagta.

Balse haddii aad si hoose u eegto waxyaabihii dhacay ciyaarihii lasoo dhaafay, waxaad dareemi kartaa in Faransiiska ay heysato labo dhibaato.

Lixdii jeer ee ay horay u soo ciyaareen Koobka Adduunka ee Qadar, dhammaan kooxihii ay la kulmeen, marka laga reebo Morocco, waxay goolal ka dhaliyeen Faransiiska. Australia, Denmark, Tunisia, Poland iyo England wey u wada suurtagashay in ay kubbadda taabsiiyaan shabaqa uu waardiyaha ka yahay Gool-Haye Hugo Lloris.

Morocco qudheeda marar badan ayey ku sigatay in ay wax ka badan hal gool ka dhaliso Faransiiska. Taasi waxay astaan u tahay in ay sahlan tahay sida gool looga dhalin karo kooxdan ka soo jeedda Yurub ee difaacaneysa Koobka dhinacyada looga wada dhagganaa.

Dhanka kale, Argentina wax gool ah lagama dhalin saddex ciyaar oo ka mid ah lixdii kulan ee hore.

Mexico, Poland iyo Croatia dhammaantood wey ku guul darreysteen in ay soo taabtaan shabaqa Argentina. Tani waxay Argentina caawin kartaa ciyaarta kama dambeysta ah, maadaama ay shaqo adag tahay in gool laga helo kooxdan kasoo hartay xulalkii wada tunka weynaa ee ka socday Latin America.

Argentina

Qodob kale oo daciifnimo weyn ku ah Faransiiska waa in aysan heysan ciyaartoy Khadka dhexe ah oo khibrad ku filan u leh kulanka ugu dambeeya ee ka dhiman hanashada Koobka.

Guushii ay Faransiisku kasoo hoyiyeen fiinaalkii 2018 waxaa kaalin weyn ku lahaa ciyaartoyda Khadka dhexe xoreystay ee kala ah Paul Pogba, Kante iyo Blaise, kuwaasoo dhammaantood hadda ka wada maqan.

Ciyaartoyda hadda lagu halleynayo Khadka dhexe ee Faransiiska waxaa ka mid ah Arelian Tchomini iyo Eduardo Kamavinga waxayna laf dhabar u yihiin kooxda Real Madrid. Sidoo kale waxaan la dafiri Karin in Youssef Fofana iyo Griezmann ay si fiican u ciyaareen ilaa hadda.

Hase yeeshee waxa uusan muran ka taagneyn in aysan u awood badneyn sida khadkii dhexe ee Faransiiska u ciyaarayay 2018.

Argentina waxaa hoggaanka u haya Messi oo ay ka go’an tahay in uu ka faa’iideysto fursaddiisii ugu dambeysay ee u uku qaadi karo Koobka Adduunka oo uusan weligiis ku guuleysan.

Dhanka kalena Faransiiska waxay ku dadaaleen ilaa haddana ku adkeysanayaan in Koobka Adduunka uusan gacantooda ka bixin, markii labaad oo xiriir ahna u qaataan waddankooda.