Writen by Qaran News |

Mas’uul Soomaali ah oo ku dhawaaqay in ku biirayo furrinta hore ee dagaalka Itoobiya

Injineer Maxamed Shaale Isxaaq oo ah madaxa xisbiga haya talada Itoobiya ee u qaabilsan Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa shaaciyay in uu ku biirayo jiidda dagaalka xilli qaar ah mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ay ku dhawaaqeen inay ka qeybgalayaan dagaalka ka dhanka ah jabhadda Tigray.

“Waxaan diyaar u ahay in aan tego jiidda hore ee dagaalka, waxaana u hoggaansamayaa baaqa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed” ayuu yiri Maxamed Shaale Isxaaq, sida lagu baahiyay bogga Facebook, xisbiga Prosperity Party.