Writen by Qaran News |

Hogaanka Xisbiga Waddani oo kulan la yeeshay Wefti ka socda Midowga Yurub

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay wehelinayaan xubno ka tirsan Hoggaanka Sare ee Xisbiga ayaa kulan la qaatay Wafdi sare oo ka socda Beesha Caalamka oo ay hoggaaminayso Safiiradda Cusub ee Midowga Yurub u soo magacaabeen  Somalia Marwo Tiina Intelman.
Kulanka Hoggaanka Xisbiga WADDANI iyo Wefdiga Midowga Yurub ayaa lagaga wada hadlay isla markaana lagu lafo-guray arrimo ay ka mid yihiin u diyaar garowga iyo taageerada doorashooyinka soo socda ee 2022-ka, kuwaas oo ay Midowga reer Yurub ballan-qaadeen in gacan weyn ka geysan doonaan.