Writen by Qaran News |

21-kii 1969 Oktoobar

“Gu’yaal iyo gu’yaal bay rarteen gocorro shaydaane
Iyadoon goblamin baa haddana Giiro loo hadhay”.

Jaalle Maxamed Siyaad Barre isagaa dumiyey intii uu dhisay.

Jacaylkiisii xad-dhaafka ahaa ee uu kursiga u qabey ku sii amar-ku-taaglayntiisa iyo is cajebintiisii kelitalusnimo ma aanay jisciman intii uu dhisay oo keli ah ee waxa galaafatay ummad dhan iyo qarannimadeedii.

Gaashaanle Sare Maxamed Siyaad Barre iyo 24-kii sarkaal ee 21 Oktoobar 1969 Afgembiga talada dalka ku qabsaday waxa ay horqabateeyeen nidaamkii curdinka ahaa siyaasadeed ee qunyar socodka ahaa ee talada waddanku ay ku tibbanaysey sagaalkii sano ee dawladihii rayadka ahaa ee taagta darnaa.

Ayax teg, eel na reeb.

Iniintii uu aasay waa taa weli aan aagna looga gudbi kari waayey: kelitalisnimo iyo is cajebin, jujuub iyo cagjugleyn, aniga iyo anaaniyad, danni iyo is waa’ iwm.

Manifesto Group, kooxdii Cali Mahdi, ayaa ahaa ukuntii koowaad ee qaraxda isla 1991, ilaa maantana weli aagna loogama gudbin oo waa taas kolba miinada iyo mililku meel ka fadkudinataan ama qarxayaan.

Tabnaan VS Tognaan (– 20 + 10).

Tabnaantu marka ay tognaanta ka tan badiso daalac ma la yeeshaa, mise deyn baa kugu go’aya oo kugu soo baxa?

Wax kale, Taliskii Maxamed Siyaad, lagu xusuusan maayo aan ahayn toddoba sannadood (Okt 1969 – Juy 1976) oo horumar ruqaansi togan ah iyo 15 sannadood (July 1976 -Jan 1991) oo tabnaan, burbur, kala daadasho, kala aamin bax, is diiddo, iska hor imaadyo iyo kala haad; kala haab ah; qalbiyo wadajirey oo kala boodey, dani iyo is waa’ ah iyo birta iska asal iyo is gumaad ah iwm.

Bisiddaa dhasheeda cunta, Kacaankii Oktoobar 1969 isagaa intii uu dhisay dib u cunay, dhiidhii na ku darsaday oo mas’uul N0: Kow (1) ka ahaa wixii dumey.

Ka warran jabhadihii dawladda la dagaallamay ee burburka horseeday?!

Iyagu waxa ay ahaayeen falcelin ka dhalay isaga (Maxamed Siyaad maamulkiisii iyo ficiladiisii ama danuubtiisii). Waxa horseed u noqday ardaydiisii, iyana wax badan dhaami waaye macallinkooda, mas’uuliyadda burburkana badhkooda ayay leeyihiin; in ay dhisi kari waayeen “qaran dhaama kii dumey”. Waa taas cilladdu.

Hadda Maxamed Siyaad Barre waxa uu ka mid ahaa “raggii garanuugta celin jirey; marka uu gabraarashada u baxo ninkii gumeysiga ahaa ee dalka haysan jirey”. Kaas baa isna macallin u ahaa; Faashiyaddii Benito Mussolini!

Mingiste Xayle Maryan iyo derbigiisii waxa ay garteen isla sannadkaas 1991 intii Siyaad Barre iyo Jaalleyaashiisii garan waayeen.

Qolada Itoobiya kelitalisnimada ku haystey waxa kala doorteen Ubixii Cusbaa (New Flower); Addis Ababa, oo burburta iyo kursiga iyo talada oo ay ka hulleelaan markii xoogaggii hubaysnaa caasha soo saareen, waxa aanay doorteen in ay iyagu ka hadaafaan.

Taas bay garteen oo damacoodii in kursiga ku dagaallamaan waa ay ka tanaasuleen. Waa ta keentay kala duwanaanta Muqdusho iyo Addis Ababa ee maanta ama Itoobiya iyo Soomaaliya.

In maanta Kacaankii iyo kelitalisnimada la gocdo ama hiloobo, oo naf iyo bakhti afuuf laga dhigtaa waxa u sabab ah, si kasta ha la isu dhaamee, kala qaarranaanta ama kala gantoobnaanteenna iyo in aan weli meelna “haakah” si buuxda looga odhan waayey ee wax kale iyo wanaag Maxamed Siyaad Barre laga dhaxlay oo uu ka tegey ma aha!

“In kastoo guddoonkii burburay loo gudcuro joogey
*in kastoo geyigu waa xormee gaadhka lagu meershey
*in kastoo go’aankii dulliga geesinnimo diiddey
*in kastoo gaggaabkii cuslaa garangar duul duulay
*in kastaan garaad lagala hadhin galabba sheeggeeda
*sida ay u kala geysan tahay way gun dheer tahaye
*inta maanku gaajeysan yahay guuli waa weli”.

Maxamed Bashe X Xasan mohamedbashe@hotmail.com