5 ka mida madaxda hay’adaha sirdoonka ugu awoodda badan Dunida & Qaabka lagu soo xulay

hay'adda sirdoonka Mareykanka ee CIA
hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA

Khubarada dhanka ammaanka marka ay ka hadlayaan sugidda ammaanka dal ayaa waxa ugu horeeya ee ay ku taliyaan waxay tahay helidda hay’ad sirdoon oo awood leh. Sababtaas ayay dalalka dunida dhaqaalaha ugu badan ugu bixiyaan casriyenta iyo horumarinta awoodahooda sirdoon iyo xog-helid.

Sirdoonka waxaa uu ka mid yahay waxyabaha udub dhaxaadka u ah dal walba islamarkaasna xogaha dibadda iyo gudaha ee ay keenaan ayaa lagu saleeyaa danaha qaranka iyo sugidda amniga.

Hay’adda sirdoonka qaranka waa difaaca ugu horeeya ee qaran uu leeyahay, waana hay’adda u qaabilsan helista xogaha qarsoon, iyo hagarmaadooyinka loo maleygayo dal, laakiin dalalka oo dhan ma noqon karaan isku-awood dhaqaale iyo sirdoon. Haddaba, waxaan warbixintan si gaar ah ugu eegeynaa shan hay’adood oo ka mid ah kuwa ugu awooda badan iyo qabka madaxdooda lagu soo xulo.

Marka madaxwaynayaasha ay soo xulayaan madaxda sirdoonka qaranka ayaa waxay tixgaliyaan waxyaabo badan oo ay ka mid tahay khibradda qofka iyo waliba kalsooni iyo wada shaqeyn horey uga dhaxeysay madaxwaynaha iyo ciddauu magacaabayo.

William Burns,
William Burns,

Agaasimaha hay’adda CIA Mareykanka

Agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA waqti xaadirkan xilka haya ayaa lagu magacaabaa William Burns, .

Mr Burns ayaa ka hor inta aan xilka loo magacaabin bishii January 2021 waxaa uu ahaa mudddo 30 ah dublamaasi ka soo shaqeeyay wadamo badan.

Mr Burns waxaa uu ahaa dublamaasigii hogaaminayay wadahadaladii lala galay Iran xilligii Obama markaasi oo la gaaray heshiiskii taariikhiga ahaa ee Niyukleerka Iran sanaddii 2015.

Mr Burns ayaa la sheegay in muddo dheer ay soo wada shaqeynayeen madaxwayne Biden taasi oo loo aaneynayo magacaabidiisa.

Waxaa ay labada masuul aad u wada shaqeeyeen markii uu Mr Biden ahaa madaxwaynaha ku xigeenkii Obama iyo waliba mar uu ka tirsanaa guddiga aqalka sanetka u qaabilsan xiriirka arrimaha dibadda.

Mr Burns waxa uu soo noqday ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda xilligii madaxweynihii hore ee Barack Obama, safiirka Ruushka iyo Urdun, iyo kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee arrimaha bariga.

 

Ken McCallum
Ken McCallum

Agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka MI5 ee UK

Ken McCallum waa agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka Britain ee MI5 waxaa uuna xilka hayay muddo sanooyiin ah.

waaa agaasimihii 18 ee hay’ada MI5 soo mara tan iyo intii la asaasay sanaddii 1909.

Ken McCallum waxaa uu hay’adda sirdoonka ee Britain ka tirsanaa muddo ka badan 20 sano taasi oo micnaheedu yahay in uu khibrad buuxda u leeyahay arrimaha sirdoonka.

Waxaa uu ka mid ahaa saraakiishi loo xilsaaray falalkii argagxisada ee waqooyiga Irland iyo waliba baaritaankii weerarkii 2012 lagu qaaday ciyaarihii Olambikada ee ka socday London.

Sanaddii 2018, McCallum waxaa uu hormuud ka ahaa baaritaanadii jawaabtii ay hay’adda sirdoonka ee MI5 ka bixisay isku daygii dil ee Sergei Skripal.

Alexander Bortnikov,
Alexander Bortnikov,

Madaxa sirdoonka Ruushka FSB

Alexander Bortnikov, ayaa imika haya xilka madaxa hay’adda sirdoonka Ruushka ee loo yaqaano FSB.

Bortnikov waxaa uu muddo dheer ka soo shaqeynayay sirdoonka dalka Ruushka isaga oo xilal kala duwan soo qabtay.

Ninkan ayaa waxaa uu ka mid yahay dadka sida aadka ah ugu dhaw madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin.

Waxaa uu sanaddii 1973-dii ka qalin jabiyay machadka Leningrad Institute of Railway Engineers isga oo bartay culuumta injineernimada.

Hay’addii sirdoonka ee midowgii Sofiyeet ee la oran jiray KGB ayaa ku biiray sanaddii 1975, waana meeshii uu ka soo bilaabay xirfadiisa sirdoonka.

Wararka ayaa sheegaya in isaga iyo Putin markii ugu horeysay ee ay kulmeen ay ahayd sanddihii todobaatameeyadii.

Hakan Fidan
Hakan Fidan

Madaxa sirdoonka Turkiga MIT

Hay’adda sirdoonka Turkiga ayaa waxaa imika hogaamiya Hakan Fidan oo ah nin ay si aad ah isugu dhaw yihiin madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Mr Fidan ayaa waxaa uu bartay culuumta siyasada isaga oo ka qalin jabiyay jaamacadda Maryland University College.

Waxaa uu sidoo kale ka mid ahaa saraakiisha hoose ee ciidamada Turkiga laga soo bilaabo sanaddii 1986 ila 2001 markaasi oo uu shaqada ka fariistay.

Hakan Fidan ayaa sanadihii 2003-dii ilaa 2007-dii waxaa uu ahaa madaxii hay’adda iskaashiga iyo hormarka Turkiga.

Hakan Fidan ayaa lagu tilmaamaa xilligan in uu yahay nin si aad ah u awood badan islamarkana ah nin gacanta midig u ah madaxwayne Erdogan.

Hay’adda sirdoonka Israa’iil Mossad

David Barnea, waa madaxa hay’adda aadka u awood badan ee sirdoonka Israa’iil ee Mossad loo yaqaano.

Barnea waxaa uu ka baxay kuliyadda militari oo ku taalla magaalada Tel Aviv,sanaddii 1983, isaga oo sidoo kale markii dambe waxbarasho u aaday dalka Mareykanka oo uu ka qalin jabiyay New York Institute of Technology.

David Barnea ayaa sanaddii 1996-dii waxaa uu ku biiray hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad halkaasi oo uu tababar ku qaatay.

David Barnea marka la eego xiiligii uu ku soo biiray sirdoonka Israa’iil waxaa muuqata in lagu soo xulay khibradda uu arrintan u leeyahay.