91 jir saaxib la ah Putin oo shaaciyey inuu dartii Xabad isugu dhigi karo

Bernie Ecclestone iyo Vladimir Putin

Madaxii hore ciyaaraha tartanka baabuurta Bernie Ecclestone ayaa sheegay in uu taageeraya Putin oo ay saaxibo yihiin.

91-jirkan, oo xilka madaxa fulinta laga xayuubiyay markii kooxda Mareykanka ee Liberty Media ay iibsatay F1 sannadkii 2017-kii, waxa uu intaa ku daray in dagaalka madaxweynaha Ruushka ee Ukraine uusan ahayn mid ula kac ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Lewis Hamilton ay ahayd in uu ” dhinac iska dhigo” hadalada cunsuriyadda ah.

“Faallooyinka uu sameeyay Bernie Ecclestone waa aragtidiisa gaarka ah waxayna aad uga duwan yihiin booska qiyamka casriga ah ee ciyaaraha,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay F1.

Ecclestone wuxuu Putin saaxib la noqday markii ay aas aaseen Grand Prix ee Ruushka, kaas oo kulankoodii ​​ugu horreeyay ka soo muuqday goobta loo dalxiis tago ee Badda Madow ee Sochi sannadkii 2014-kii.

Sannadkii 2016-kii, Ecclestone waxaa lagu dhaleeceeyay inuu yiri Putin waa “ninkii Yurub maamuli lahaa”, wuxuuna caan ku noqday hadallo kicin ah oo ku saabsan arrimaha bulshada iyo siyaasadda.

Dhowr xubnood oo sarsare oo ka tirsan F1 ayaa u sheegay BBC Sport inay rumeysan yihiin in Ecclestone uu fulinayo nooc ka mid ah doorka la-talinta aan rasmiga ahayn ee madaxweynaha FIA – guddiga maamulka motorsport – Mohammed ben Sulayem.

Wareysiga uu siiyay telefishinka ITV’s Good Morning ee Britain, Ecclestone wuxuu ku yiri: “Waxa Putin sameynayo waa wax uu aaminsan yahay inay tahay arrin sax ah oo uu u sameynayo Ruushka.”

Markii loo sheegay in uusan qiil u heli karin falalka Putin iyo dhimashada kumanaanka qof, waxa uu ku jawaabay: “Maya. Ma ahayn mid ula kac ah.”

Wareysiga uu telefshinka siiyay ayuu ku sheegay in Putin uu naftiisa u huri karo oo xitaa uu xabad isugu dhigi karo isaga dartii.

Waxa uu sheegay in uusan la hadlin madaxweynaha Ruushka tan iyo markii duulaanka uu ku qaaday Ukraine bishii Febraayo, laakiin wuxuu raaciyay: “Waxaan hubaa inuu hadda jeclaan lahaa inuusan bilaabin weerarkan.”

Ecclestone ayaa sidoo kale dhaleeceeyay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, isagoo sheegay inuu joojin karay dagaalka haddii uu la xaajoon lahaa Putin.

Putin ayaa amar ku bixiyay in la weeraro Ukraine bishii February, waxaana falkaas si weyn u cambaareeyay beesha caalamka. Tartano badan oo Isboorti ah ayaa mamnuucay ka qaybgalka Ruushka, F1-na waxay Meesha ka saartay qandaraaskii GP-ga Ruushka.