Safiirka Maraykanka oo war cusub ka soo saaray siyaasadda Hal Soomaaliya “Somalia Single Policy”

 Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa mar kale xaqiijiyey in Washington ay joogteeneyso siyaasaddeeda halka ah ee ku wajahn Soomaaliya, ayna aqoonsan tahay xuduudaha Soomaaliya ee la aas-aasay xilligii xoriyadda.

Safiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad Jimcihii ka dhacday magaalada Minneapolis oo qeyb ka aheyd dabaal-degga toddobaadka xoriyadda Soomaaliya.

“Siyaasaddeena waa sideedii 62-kii sano ee lasoo dhaafay, taasi oo ah Soomaaliyada taariikhiga ah, oo leh xuduudaheeda taarikhiga ah tan iyo markii Somaliland-tii British-ka ay dooratay inay ku biirito Somaliland-tii Italia, ee ay aas-aaseen dalka,” ayuu yiri danjire Andre.

Safiirka Mareykanka ayaa sheegay in aqoonsi madax-banaani ama wada-hadal ku saabsan ay tahay inay go’aan ka gaaraan Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxa uu intaas ku daray in Mareykanka uu beddeli doono siyaasaddiisa ah Hal Soomaaliya haddii labada dhinac ay isku raaci karaa in wax laga beddelo maqaamka.

Dhinaca kale, safiirka Mareykanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto waqti aad u xiiso badan balse waxa uu qiray in ololihi doorashada ee daba dheeraaday uu ahaa mid niyadjab leh.

“Waxaad arki kartaa in dib usoo noolaanshaha Soomaaliya ay dhaqaaqeyso, waa laba tallaabo oo horey loo qaadayo iyo tallaabo dib loo qaadayo, balse taas waa dhaqanka bani’aadamka ee meel kasta. Ma jiri doono horumar joogto ah,” ayuu yiri.

Hadalka safiirka ayaa imanaya ayada oo Somaliland ay dadaal ugu jirto inay Mareykanka ka dhaadhiciso inuu ula macaamilo si gaar ah, oo ka madax-banaan dowladda federaalka.

Guddiga xiriirka arrimaha dibedda Mareykanka ee Aqalka Senate-ka ayaa 10-kii June 2022 meel-mariyey Sharci muhiim ah oo aas-aasi kara xiriir toos ah oo dhex-mara dowladda Mareykanka iyo Somaliland.

Senatorada kala ah Chris Van Hollen (D-Md), Jim Risch (R-Idaho) iyo Mike Rounds (R-SD.) oo ka tirsan guddiga xiriirka arrimaha dibedda ee Senate-ka ayaa soo saaray sharcigan loogu magac daray Somaliland Partnership Act (Xeerka Saaxiibtinimada Somaliland), kaasi oo Waaxad Arrimaha Dibedda Mareykana ku amraya inay Congress-ka warbixin ka siiso la-macaamilka Somaliland

Sharcigaas ayaa la filayaa inuu u gudbo qalka Senate-ka Mareykanka oo dhameystiran, si cod loogu qaado. Haddii uu ansixiyo, wuxuu sidoo kale u baahnaan doonaa inuu soo ansixiyo Aqalka Wakiilada kadibna uu saxiixo madaxweyne Joe Biden, si uu u dhaqan galo.