Turkiga, Qadar & UAE oo isku haysta Garoon diyaaradeed oo dal kale ku yaalla

Garoonka Kabul

Waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa in uu saxiixo heshiis uu kula wareegayo maamulka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Kabul iyo dhowr garoon oo kale oo ku yaalla waddankaas.

Warkan ayaa laga soo xigtay ilo ku dhow wadaxaajoodka u dhaxeeya mas’uuliyiinta Taliban iyo saraakiil ka socda Imaaraadka.

Dhowr isbuuc gudahood ayaa la shaacin doonaa natiijada wadahadalkan, haddii heshiis lagu gaaro.

Dowladda ay dhiseen Taliban oo aan caalamka laga aqoonsanayn ayaa wadahadal la xiriira ciddii garoonka maamulkiisa lagu wareejin lahaa kula jirta awoodaha waaweyn ee gobolka, sida Turkiga iyo Qadar.

Ankara oo kaashanaysa Qadar ayaa markii hore ku tajo waynayd in gacanta loo geliyo howlaha garoonkan go’doonsan oo lagu magacaabo Hamid Karzai.

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa tebisay in sidoo kale laga wadahadlay heshiis ay Turkiga, Qadar iyo Imaaraadka si wadajir ah ugu maamuli karaan garoonka ugu wayn waddanka Afghanistan.

Hase yeeshee Taliban ayaa isu diyaarinaysa in ay howsha oo idil u dhiibto Imaaraadka Carabta, oo ah waddankii horay u maamuli jiray garoomada Afghanistan.

Garoonka diyaaradaha ee Kabul

Haddii heshiis laga gaaro arrinta garoonka waxaa la filayaa in maamulka Taliban ay helaan waddo ay go’aanka uga bixiyaan dalka Afghanistan.

Abaaro baahsan, gaajo iyo xasarado dhaqaale ayaa gilgilay waddankan oo caalamka uu kasoo horjeestay markii ay xukunkiisa la wareegeen kooxda Islaamiyiinta ah.

Dhanka kale, Imaaraadka ayaa haddii lagu wareejiyo garoonkan guul kasoo hoyinaya dagaalka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Qadar, oo ay isku hayaan saamaynta gobolka.

Saraakiisha Taliban ayaa bishii May heshiis la saxiixday shirkadda GAAC oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Qodobbada la isku afgartay waxaa ka mid ah in haddii Imaaraadka lagu wareejiyo garoonka ay shaqo siiyaan dadka reer Afghanistan, kuwaasoo loo qorayo shaqooyinka ay xitaa ka mid tahay sugidda amniga.

Shirkaddan ayaa gacanta ku haysay garoonka ka hor inta aysan Taliban xukunka qabsanin bartamihii sanadkii lasoo dhaafay.

Gegida diyaaradaha ee Kabul

Ilo wareedyo aan la magacaabin oo ay soo xigatay BBC-da laanteeda af Turkiga ayaa sheegay inay burbureen wadahadallo ay Turkiga iyo Qadar si wadajir ah ula lahaayeen mas’uuliyiinta Taliban.

Hase yeeshee wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saddexda dowladood ee ku loollamaya la wareegista garoonka Kabul.

Qadar oo saldhig u ah qaar ka mid ah madaxda Taliban ayaa la aaminsanaa in ay heshiiska hesho, waxaana ay garoonkan gacanta ku haystay tan iyo markii ay burburtay dowladdii uu Mareykanka taageerayay.

Afhayeen u hadlay shirkadda GAAC ayaa Reuters u sheegay in shirkaddooda loo ansixiyay inay sii waddo howlaha ay ka qaban jirtay garoonka.