Dadka Dunida oo sanadkan gaadhaya Tiradii ugu badneyd

Tirada dadka adduunka

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, waxaa la saadaalinayaa in bisha November ee 11-aad ee sanadkan 2022-ka, in tirada dadka kunool dunida ay gaarto sideed bilyan.

Sanadkan 2030-ka dadku wuxuu gaari doonaa sideed bilyan iyo shan boqol oo milyan, sidoo kale, sagaal bilyan iyo toddobo boqol oo milyan uu gaari doono tirada dadka sanadka 2050-ka, halka, 2080-ka ay tirada dadka gaari doonaan toban bilyan iyo afar boqol oo milyan.

Laakiin koboca dhanka tirada dadka, uma kordhaan sida waagii hore.

Qaramada Midoobay waxay ku doodday in heerka kororka tirada dadka haatan uu yahay kii ugu gaabis badnaa, tan iyo sanadkii 1950-kii ee qarnigii tagay.

Intaa waxaa dheer, dadka dunidu waxey usii fidihayaan, si aan isu dheeli tirneyn.

In ka badan kala bar kororka tirada dadka ee la arki doono soddonka sano ee soo socota, ayaa waxey ka iman doonaan sideed dal oo kaliya, kuwaasoo kala ah: Congro DR, Masar, Itoobiya, Hindiya, Niayjeeriya, Pakistan, Filibiin iyo Tanzania.