Sidee bay CIA-da ku ogaadeen halka uu ku dhuumanayay Al-Zawahiri

d
Guriga la rumeysan yahay inuu ku sugnaa Al Zawaahiri

Hoggaamiyihii Al Qaacida, Ayman Al Zawaahiri ayaa lagu dilay duqeyn, ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee CIA-da, ka fuliyeen dalka Afgaanistan maalintii Axadda, waana dharbaaxadii ugu weyneyd ee soo gaarta kooxda, tan iyo  markii la dilay Usaama Bin Laadin, 2011-kii.

Hay’adaha sirdoonka, ayaa si hagar la’aan ah qeyb uga ahaa baadigoobka Al-Zawahiri illaa iyo maamulkii hore ee Madaxweyne, George W Bush, sida uu sheegay Madaxweynaha Mareykanka, ee haatan, Joe Biden.

Haddaba, sidee bay sirdoonka Mareykanka ku ogaadeen halka uu ku sugnaa ninkan ay baadigoobayeen muddo 20 sano.

 Waabargii Axadda, Al-Zawahiri, ayaa wuxuu usoo baxay balakoonka qeybta lagu qaato hawada gurigii uu daganaa, kaasoo ku yaalla magaalada caasimadda u ah dalka Afghanistan.

Aad ayuu ugu raagay, sida ay sheegtay hey’adda sirdoonka Mareykanka CIA-da, taasoo marar badan uu usoo bixi jiray.

Joogitaanka Ayman Al-Zawahiri ee dalka Afghanistan gaar ahaan magaalada Kabul, ayay in muddo ah ka shaki qabtay hey’adda sirdoonka ee CIA-da.

Saraakiisha CIA-da, ayaa horraantii sanadkan ogaaday in xaaska Al-Zawahiri iyo xubno kale oo qoyskiisa ay dhawaan usoo guureen guri ammaankiisa aad loo adkeeyey, kaasoo ku yaalla magaalada Kabul.

Al-Zawahiri ayaa isla markiiba raacay qoyskiisa, si uu ula midoobo, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.

Sargaal sare oo katirsan dowladda Mareykanka, ayaa u sheegay warfidiyeennada iney muddo ku daba jireen shabakad la shaqeysa Al-Zawahiri.

Laakiin, sanadkan ayey ogaadeen sirdoonka Mareykanka, in Al Al-Zawahiri qoyskiisu ay u guureen caasimadda dalka Afghanistan ee magaalada Kabul.

Bishii April, saraakiil ka tirsan sirdoonka Mareykanka, ayaa Madaxweyne Biden waxey ogeysiiyeen Al Al-Zawahiri uu kusugan yahay guri ku yaalla Kabul.

Waxaa la xaqiijiyey joogitaanka Kabul ee gabadha uu dhalay iyo carruurteeda.

Xaaska Al-Zawahiri ayaa isticmaali jirtay indho shareer, iyadoo iska ilaalin jirtay inaanu ruux daba galin, lana ogaan halka ay ka timid, iyo goobta ay u noqoneysaba.

fd

Qoyska Al Al-Zawahiri aad bay u taxadareen, sida uu sheegay sarkaal ka socda sirdoonka, iyadoo qoysku uu isticmaalay xeeladaha argagaxisada oo soo jireen ah, si ay uga hortagaan cid kasta oo ku raad joogta hoggaamiyaha Al Qaacida.

Dabadeed, ayaa waxaa la isla jeex jeexay xeelad qaarajin ah, iyadoo maskaxda lagu hayo in dadka dhismaha ku jira aanan wax loo dhimin.

1-dii bishii Luulyo, Biden, ayaa wuxuu la kulmay saraakiil amniga qaranka Mareykanka ee muhiim ah sida aggaasimaha hey’adda sirdoonka CIA-da, Bill Burns, aggaasima sirdoonka qaranka, Avril Haines, la taliyaha amniga qaranka, Jake Sullian, iyo ku xigeenkiisa, Joe Finer, iyo la taliyaha amniga gudaha, Liz Sherwood Randall, si ay uga wada hadlaan sidii hawlgalka horey loogu dhaqaajin lahaa.

25-kii bishii dhamaatay ee Luulyo, ayaa madaxweyne Biden oo ku jiray karantiil cudurka Covid19 oo ku dhacay awgiis, wuxuu dhageystay tafaasiil dheeraad ah, oo ay ku jirto qaabka uu u dhisan yahay guriga uu ku sugan yahay Al-Zawahiri sida hawlgal uu u saameyn karo xubnaha qoyska, iyo xulasho kasta oo kale oo yareyn karta dhibaato soo gaarta dadka rayidka ah.

Kadib Biden waxa uu ogolaaday duqeyn bartilmaameedkeedu cad yahay, oo lagu qaarijiyo  Al-Zawahiri oo kali ah. Maraykanka ayaa waxa uu isticmaalay gantaalka Macabre Hellfire R9X, oo aan madax lahayn oo la rumeysan yahay inuu ku rakiban yahay lix xabo oo mandiil ah oo kale oo  aan qarxin, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP. Sarkaal Mareykan ah, ayaa u sheegay warfidiyeenka in subaxnimadii 31-kii bishii July,  Al-Zawahiri uu kaligiis soo istaagay qeybta nasashada ee “Balcony”-ga loo yaqaano, hoyga uu ka dagan yahay Kabul, markaasoo diyaarad aan duuliyaha wadin ee Mareykanka, ay ku dhufatay laba gantaal, taasoo lagu qaarajiyey Al-Zawahiri.

Sawirro muujinaya muuqaalka guriga, ayaa waxaa la arki karayaa daaqadaha guriga hal dabaq oo kamid ah oo daatay, iyadoo daaqadaha qeybaha kale ee dhismaha ay sidoodii ugu yaallaan halkoodii.