Ciidamada Ammaanka Somalia oo sheegtay in lasoo afjaray weerarkii Hotel Xayaat

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeysay soo geba-gebeeyey haysashadii kooxda Al-Shabaab ee Hotelka Xayaat ee agagaarka KM4 ee Muqdisho oo qaadatay 30 saac, sida uu sheegay taliye sare.

“Ciidamada ammaanka waa ay soo afjareen howlgalka, dhammaan dableydana waa ay dhinteen, wax xabad ah naguma soo dhaceyn saacaddii tagtay,” ayuu yiri taliye la hadlay wakaaladda wararka AFP, kaasi oo codsaday inaan la magacaabin.

Caasimada Online si madax-banaan uma xaqiijin karto sheegashadan.

Sarkaalka ma sheegin tirada khasaaraha weerarka Hotel Xayaat iyo tirada maleeshiyada Al-Shabaab ee la dilay, balse waxa uu sheegay inay saaka oo Axad ah ay qaban doonaan shir jaraa’id oo ay ku faahfaahinayaan weerarka.

Inta badan hoteelka ayaa waxaa burburiyey madaafiic ay ku garaaceen ciidamada ammaanka si ay u ciribtiraan maleeshiyada Al-Shabaab ee halkaas laga saari waayey, iyo sidoo kale qaraxyo ay adeegsadeen Shabaabka.

“Qeybo ka mid ah hoteelka dab ayaa ka kacay, ugu yaraan laba qarax oo waa weyn iyo kuwa kale oo yar yar oo badan ayaa dhacay,” ayuu yiri Salaad oo dabaq sare oo uu degan yahay ka daawanayey sida ay wax u socdeen.

Hoteelka ayaa waxaa laga soo badbaadiyey tobaneeyo qof oo ay ku jiraan haween iyo caruur. 

Weerarkan ayaa noqday kii ugu muddada dheeraa ee Al-Shabaab ay ku qabsadaan hotel ama xarun kale, wuxuuna qaatay muddo 30 saac ah. 

Waa wareerkii ugu horreeyey ee Al-Shabaab ay ku gasho hotel ku yaalla Muqdisho tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh dib loo doortay 15-kii May 2022.

Xasan Sheekh ayaa ahmiyaddiisa koowaad ka dhigtay in laga adkaado kooxda Al-Shabaab, hase yeeshee dowladda weli ma qaadin wax tallaabo ah oo ka dhan ah kooxdan, mana soo bandhigin qorshaha dagaal ee ay ku wajaheyso.