Dal Carbeed oo fasaxay Beerida Daroogada Xashiishka

Beeraha xashiishka
Beeraha xashiishka

Dowladda Morocco ayaa 10 shati siisay beeraleyda si ay u beertaan xashiishka si markii ugu horreysay dalkaas looga dhoofiyo.

Beeraleyda ku sugan gobollada al-Hoceima, Chefchaouen iyo Taounate ayaa loo ogolaaday inay beertaan xashiishka si loo xoojiyo wax soo saarka xashiishka loona iibiyo iyadoo loo isticmaalayo qaab dawo ah, waxaana laga iibin doonaa warshadaha iyo shirkadaha soo saara dawooyinka, sida ku xusan sharci ay anisiyeen baarlamaanka Morocco sanadkii lasoo dhaafay.

Laanta dowladda u qaabilsan maamulka Xashiishka oo beeraleyda fasaxa siisay ayaa sheegay in beeraleyda lagu dhiirigelinayo inay sare u qaadaan wax soo saarka Xashiishka si ay u dabboolaan baahida ka jirta suuqyada.

Morocco waxay in muddo ah kamid aheyd dalalka soo saara xashiishka sharci darrada ka ah dunida.

Waxaana xashiishka lagu beera dhulka buuraleyda ah ay ku nool yihiin dadka saboolka ah ee la marsiiyo dadka sida sharci darrada ah ugu gudbayo Yurub.

Dowladda waxay tallaabadan uga golleedahay inay sare u qaado nolosha beeraleyda saboolka ah si ay dhaqaale uga helaan.