Sacuudiga ma wuxuu taageersan yahay Mareykanka mise Ruushka?

Biden iyo Maxamed Bin Salmaan

Ururka ay ku mideysan yihiin dalalka soo saara shidaalka ee magaciisa loo soo gaabiyo OPEC ayaa shaaciyay in hoos loo dhigay wax soo saarka shidaalka, dalalka xubnaha ka ahna waxay Arbacadii sheegeen in maalin kasta ay dhimayaan 2 malyan oo fuusto. Go’aankan ayaa kasoo baxay kulan ay dalalkan ku yeesheen caasimadda waddanka Austria ee Vienna.

OPEC ayaa sheegtay in go’aanka lagu dhimayo wax soo saarka shidaalka ceyriinka ah looga golleeyahay in lagula socdo qiimaha shidaalka adduunka iyadoo halista hoos u dhaca ku yimid shidaalka caalamka ay sii korortay xilli qiimaha shidaalkana uu hoos u dhacay bilihii la soo dhaafay.

Waa dhimistii ugu weyneyd ee wax soo saarka shidaalka ceyriinka ah ee maalinlaha ah ee dalalka xubnaha ka ah OPEC iyo xulufadooda ay ku dhawaaqaan tan iyo sanadkii 2020.

Waxay u muuqataa in marka la yareeyo wax soo saarka shidaalka ceyriinka ah, uu gabaabis ku imaan doono qulqulka shidaalka dunida, waxaana suurtogal ah in uu kordho qiimaha shidaalka, maalmaha soo socda.

Dadaallada Mareykanka uu ku guul-dareystay

Dadka falaanqeeya arrimaha gobolka ayaa rumeysan in go’aanka dalalka soo saara shidaalka ee OPEC aan loo arkin oo kaliya in isbaddal uu ku yimid shidaalka ceyriinka ah, oo ay tahay in loo arko in go’aanka ay daba socoto arrin siyaasadeed.

Go’aankan ayaa sidoo kale dhabarjab ku ah madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, kaasoo isku dayay inuu hoos u dhigo qiimaha shidaalka dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay. Sidoo kale go’aanka wuxuu soo badhigay sida ay u fashilantay diblamaasiyadda maamulka Biden ee ku aaddan dalalka Khaliijka, gaar ahaan Sacuudiga.

Tallaabadan ay ku dhawaaqeen OPEC ayaa loo arkaa mid muhiim ah sababtoo ah tamarta, sida shidaalka iyo gaaska, ayaa la sheegay inay door weyn ka qaataan dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Go’aanka ayaa faahfaahin ka bixinayaa sida adag ee uu Biden u wajahayo siyaasaddiisa arrimaha dibadda iyo dhaqaalaha.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa bishii July booqasho ku tegay dalka Sacuudiga, waxaana ujeedka ugu weyn ee socdaalkaas uu ahaa sidii uu Sacuudiga uga dhaadhicin lahaa inuu sare u qaado wax soo saarkiisa shidaalka.

Biden wuxuu Sacuudiga ka codsaday in ay sare u qaadaan wax soo saarka shidaalka balse go’aanka ay soo saareen dalalka OPEC ee uu horkacayay Sacuudiga ayaa muujinaya in booqashada Biden aysan saameyn ku yeelan go’aannada Sacuudiga.

Booqashadii uu Biden ku tagey Sucuudiga
Booqashadii uu Biden ku tagey Sucuudiga

Dhibaatooyinka heysta Biden

Hay’adda cilmi-baarista ee fadhigeedu yahay Maraykanka ee Carnegie Endowment for International Peace ayaa bishii August ee sanadkan daabacday daraasad ay si faahfaahsan uga hadashay muhiimadda iyo booqashadii degdegga aheyd ee Joe Biden uu ku tagay Sacuudiga.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in markii Mareykanka uu cunaqabateyn ku soo rogay Ruushka ay sii xoogeysatay saameynta ay gobolka ku leeyihiin dalalka Khaliijka. Cunaqabateynta uu Mareykanka kusoo rogay Ruushka waxay horseedday in uu cirka isku shareero qiimaha shidaalka ee loo diro waddamada Yurub iyo Mareykanka.

Bilihii lasoo dhaafay, Biden wuxuu xiriir la sameeyay dalka Venezuela, wuxuuna booqday Sacuudiga isagoo halkaa kula kulmay dhaxal sugaha, Maxamed Bin Salmaan, xilli uu Biden raadinayay tallaabo kale oo dhanka shidaalka ah.

Maxamed Bin Salmaan waxaa lagu eedeeyay in uu soo maleegay dilkii weriyihii Sacuudiga u dhashay, Jamaal Khaashuqji, waxaana la dhaleeceeyay kulanka Biden ee Maxamed Bin Salmaan.

Biden wuxuu sidoo kale Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Maxamed Bin Zayed, kala hadlay sidii uu sare ugu qaadi lahaa wax soo saarkiisa shidaalka balse Mareykanka ma uusan helin wax jawaab ah oo ku aaddan arrintaas.

Waxay taasi muujineysaa in Biden uu maamuli waayay qiimaha shidaalka dalkiisa.

Wax soo saarka shidaalka adduunka
Wax soo saarka shidaalka adduunka

Sida Mareykanka uu u maamulo qiimaha shidaalka

Kaddib go’aanka ay soo saareen dalalka soo saara shidaalka ee OPEC, Aqalka Cad wuxuu Arbacadii sheegay in madaxweyne Joe Biden uu ka codsaday mamulkiisa iyo aqalka Koongareeska inay qiimeyn ku sameeyaan qaababka lagu kordhinayo wax soo saarka shidaalka isla markaana lagu dabcin lahaa maamulidda shidaalka ee ururka OPEC.

Jack Sullivan oo ah la taliyaha qaran ee arrimaha amniga ee Mareykanka ayaa sheegay in madaxweynaha uu ka niyad jabsan yahay go’aanka ay soo saareen dalalka ka tirsan ururka OPEC xilli uu dhaqaalaha dunida sii xumaanayo kaddib dhibaatada ka dhalatay dagaalka uu Putin ku qaaday Ukraine.

Telefishinka Al-Jazeera oo soo xiganaya shirkadda caanka ah ee qaabilsan dhaqdhaqaaqyada suuqyada ee JP Morgan Chase ayaa sheegay in laga yaabo in Maraykanka uu isku dayayo in uu xakameeyo qiimaha shidaalka ee sare u kacay iyada oo loo marayo siyaasad “looga hortagayo in shidaalka loo adeegsado hub ahaan”.

Maxamed Bin Salmaan iyo Putin
Maxamed Bin Salmaan iyo Putin

Sucuudiga ma wuxuu taageersan yahay Ruushka?

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in shirkii ay yeesheen dalalka OPEC ee ka dhacay Vienna uu ka jawaabay halka ay dalalka Carabta ka taagan yihiin dagaalka Ukraine iyo Ruushka.

Ruushka wuxuu kamid ahaa dalalkii hoggaaminayay shirka, ma qarsoona xiriirka Ruushka iyo Iran, oo xubin ka ah dalalka adduunka ee soo saara shidaalka.

Dagaalka Ukraine
Dagaalka Ukraine

Dhawaan ayay aheyd markii Iran ay ka iibisay Ruushka diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee Drones-ka, waxaa diyaaradahaas loo adeegsadaa dagaalka Ukraine.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ruushka, Alexander Novak ayaa xiriir joogto ah la leh waddamada soo saara shidaalka. Mareykanka wuxuu si joogto ah isugu dayayaa sidii uu ku joojin lahaa dhakhliga Ruushka kasoo gala dhinaca shidaalka.

Go’aankii ugu dambeeyay ee OPEC ayaa muujinaya in Mareykanka uu u muqdo mid ku guuldareysanaya dadaallada uu ku xakameynayo qiimaha shidaalka ee Ruushka.