9 Arrimood oo dhacay markii ugu horreysay Dunida sannadkan 2022

.
Heerarka bacriminta sare ee waddamada qaar ayaa gacan ka geystay kor u qaadista tirada dadka adduunka in ka badan siddeed bilyan oo qof

Sannadka 2022 waxaa uu ku suntanaan doonaa dhacdooyin kala duwan oo aan hore inoo soo marin – kuwaas oo aan dhammaantoodna ka wada dhicin meeraheena! Laga soo bilaabo “diiwaanka isku dhufashada” ilaa socdaalkii qotoda dheeraa ee aan ku aadnay waayihii hore, waa kuwan qaar ka mid ah marxaladihii muhiimka ahaa ee indhaheenna soo jiitay.

Nasa oo u leexatay dhanka dhagxaantan cirka-kaso-dhaca ah ‘asteroid’

Hay’adda hawada sare ee Maraykanka ayaa si guul ah u beddeshay dariiqa ay soo raacaan dhagxaana cirka ka soo dhaca ee loo yaqaan asteroid ka dib markii ay si ula kac ah loogu dhuftay dawgoodii dayax-gacmeed 28kii Sebtembar.

Isku dhacaas waxaa loogu talagalay in lagu tijaabiyo in dhagaxyada hawada sare ee laga yaabo in ay khatar ku yihiin Dhulka si ammaan ah looga leexiyo jidkaas.

Walxo yaryar oo caag ah oo laga helay jidhka aadamaha

.

Daraasad lagu daabacay joornaalka Environment International bishii Maarso ee la soo dhaafay ayaa lagu baahiyey baadhis lagu sameeyey unugyada yaryar ee jidhkeenna, oo laga helay microplastics, gaadhsiisan in laga helay dhiigga 80% dadkii la baadhay. Microplastics-ku waa balaastiig yaryar oo dhererkoodu ka yar yahay 5mm – waxay abuurmaan marka qaybo waaweyn oo caag ah ay ku jabaan ciidda ama badda dhexdeeda oo ay wasakheeyaan deegaanka. Saamaynta microplastics-ka ee jidhka lama yaqaan, laakiin cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in natiijooyinka cusubi ay khuseeyaan iyo in microplastics-ku ay dhaawici karaan unugyada aadanaha.

Koobkii Adduunka ee ay ku badnayd weedha ah ‘ u horreeyey’

.

Koobka Adduunka ragga ee Fifa 2022 waxa uu taariikhda geli doonaa guulo aan hore loo arag.

Bilawgii, waxa uu ahaa koobkii ugu horeeyay ee uu qabto wadan Carab ama Muslim ah – Qatar.

Sido kale waxaa markii ugu horeeyay kulan garsoore ka noqotay haweeneyd, taas oosuurtagashay markii Stephanie Frappart oo u dhalatay France ay dhex dhexaadisay ciyaartii wareega guruubyada ee Germany iyo Costa Rica.

Runtii, Frappart’s ayaa kabtan u ahayd koox dumar ah ooo dhammaantood garsoorayaal kala duwan ka ahaa ciyaartaas, xilli sidoo kale ka soo muuqdeen caawiyayaasha garsoorayaasha.

Waxaa sida oo kale jirtay in markiiugu horreysay Morocco oo si cajiib ah ugu soo baxday semi-finalka, natiijadii abid ugu fiicneyd ee Afrikaan (iyo Carab). Tan iyo markii aan ka hadlayno marxaladaha muhiimka ah, Qatar 2022 waxay ahayd marxaladii ugu dambeyntii la arkay Lionel Messi oo kor u qaaday koobka adduunka markii ugu horeysay shan isku day ka dib!

Gaadhiddii mujtamaca adduunka ee 8 bilyan xili weli tiradu socoto

.

15 Noofambar 2022. Waa taariikhda markii dadka dunidu ay kor u dhaafeen siddeed bilyan oo qof markii ugu horreysay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

“Kobacan aan horay loo arag waxaa sabab u ah kororka tartiib tartiibta ah ee nolosha bini’aadamka taas oo ay ugu wacan tahay horumarinta caafimaadka bulshada, nafaqeynta, nadaafadda shakhsi ahaaneed, iyo daawada. Sidoo kale waa natiijada heerarka sare ee bacriminta ee dalalka qaarkood,” ayay hay’addu ku tiri. hadal.

Si kastaba ha ahaatee, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in iyadoo dadka caalamku ay ku qaadatay 12 sano inay ka koraan toddobo ilaa siddeed bilyan, ay ku qaadan doonto ugu yaraan 15 si ay u gaaraan bilyanka soo socda, maadaama heerarka dhalmada wadajirka ah ay u muuqdaan inay hoos u dhacayaan.

Tallaal-kii isbeddelka horkacayey

.

Saynis yahanada jaamacadda Oxford ayaa bishii Sebtembar ku dhawaaqay in ay sameeyeen tallaalka duumada oo leh awood “isbedal oo weyn”. Tallaalka cusub ee la filayo in la soo saaro sanadka soo socda, ayaa tijaabooyin lagu ogaaday in 80% uu waxtar u leeyahay cudurkaas dilaaga ah, kaasoo dila ku dhawaad 400,000 oo qof sanadkii.

Saynis yahanadu waxa kale oo ay sheegeen in talaalkoodu uu jaban yahay.

Duumadu waa mid ka mid ah sababaha ugu horreeya ee keena dhimashada carruurta iyo soo saarista tallaalka ka hortagga waa mid aad u adag, maadaama dulin-biyoodku sababa duumada uu yahay mid adag oo aan la ogaan karin. Waa bartilmaameed joogto ahaa, oo foomamka isbeddelaya ee jidhka dhexdiisa ah, taas oo adkeynaysay in laga tallaalo qofka xanuunkaas, se hadda waxa ay u muuqataa in tabtii lagu suulin lahaa la helay.

La yaabkii u dhigay teleskoobkii James Web

.

Telescope-ka lagu magacaabo James Webb ayaa iyana hal mar la wareegay cinwaannada 2022 – tan iyo markii la howlgalayey bishii Luulyo, waxa uu soo saaray sawirro yaab leh oo caalamka ah. Mid ka mid ah ayaa ahaa sawirka ugu qoto dheer ee koonkan ilaa hadda, oo ay ku jiraan JADES-GS-z13-0, galaxy da’diisu ka weyn tahay 13 bilyan oo sano oo xiriirinaysa “maalmihii hore” ee ka dambeeyay waxa loo yaqaan Big Bang. Waxa u muuqda oogada dhulka iyo meerayaal kale oo daciif ah, waa “galaxy-ga ugu fog” ilaa hadda lagu xaqiijiyay cabbirkaas.

Markii ugu horreysay ee qof aan caddaan ahayni u guuray aqalka 10 Dawning Street

.

Boqortooyada Midowday (UK) waxay dejisay tiro rikoor ah oo aaddan ra’iisul wasaarayaasha 2022: Liz Truss 45 maalmood oo keliya oo ay xukunka haysay waxay ahayd muddadii ugu gaabanayd abid ee ra’iisul wasaare xilkaas hayo. Halka qofkii xilkaa kala wareegay Rishi Sunak uu noqday qofkii ugu horreeyay ee aan caddaan ahayn ee qabta jagadaas 25 Oktoobar.

Waxaynu aragnay bakteeriya innago aan qalab adeegsnayn

.

Saynis yahano ayaa bishii June ku dhawaaqay daahfurka bakteeriyada ugu wayn aduunka. Uma baahnid mikroskoob si aad u aragto Thiomargarita magnifica: noolaha cusub ee la helay waxa uu la mid yahay cabbirka iyo qaabka iisha bini’aadamka. Dhererkiisa oo ah qiyaastii 1cm, ayaa qiyaastii 50 jeer ka weyn dhammaan bakteeriyada kale ee weyn ee la yaqaan iyo tan ugu horreysa ee lagu arki karo indhaha caadiga ah..