Wasiirkii Kenyan ah oo ay hadda ka hor Muslimiinta isugu dhaceen Gabadh Soomaali ah darteed oo geeriyooday

Magoha iyo hoggaamiyeyaasha Muslimiinta

Wasiirkii hore ee waxbarashada Kenya, George Magoha ayaa geeriyooday isagoo ay da’diisu ahayd 71 sano. Waxa uu ahaa ruug caddaa ka tagay dhaxal aqooneed oo ballaaran inkastoo aysan taariikhdiisa ka marneyn dhacdooyin muran dhaliyay.

Magoha ayaa Talaadadii ku dhintay isbitaalka Nairobi ka dib markii uu kusoo booday wadne xanuun.

Maalmo ka hor geeridiisa degdegga ku timid ayuu amar ku bixiyay in la qoro taariikhdiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo, sida uu qoray wargeyska Daily Nation oo sidoo kale tebiyay in aad loola yaabay qaabka ay isugu beegmeen dhimashadiisa iyo diyaarinta buugga taariikh nololeedkiisa.

Waxyaabaha sida weyn loogu xasuusto waxaa ka mid ah inuu goob jog u ahaa isbedello adag oo lagu sameeyay hannaankii hore ee waxbarashada Kenya muddo tobaneeyo sanao ah.

Magoha oo ahaan jiray dhakhtar qalliin ayaa kusoo shaac baxay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Uhuru Kenyatta.

Shaqooyinka uu dhaxal ahaanta uga tagay waxaa ka mid ah sida uu waxbarashada Kenya u hoggaamiyay xilligii uu jiray fayraska corona.

Geerida Magoha waxa ay qoyskiisa ku noqotay musiibo laba jibbaarantay maadaama ay markii horeba isku diyaarinayeen aaska walaalkiis oo dhawaan ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Xurguftii dhex martay Magoha iyo Muslimiinta Kenya

Bishii July ee sanadkii 2022 ayey madaxda Muslimiinta Kenya ku baaqeen in xilka laga qaado Magoha oo xilligaas ahaa Wasiirka Waxbarashada ka dib markii lagu eedeeyay in uu hadal gef ah ku yiri gabadh Muslim ah oo Soomaali ah oo u shaqeysa telefishinka NTV ee laga leeyahay Kenya.

Ruqiya Buulle
Ruqiya Buulle

Muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa laga arkayay wasiirka oo weydiinaya gabadha weriyaha ah qofka ay tahay ka hor inta uusan ka jawaabin su’aal ay weydiisay.

“Marka hore halkeed ka timid? Yaad mataleysaa? Maxaa yeelay haddii aad Al-Shabaab ka socoto, kama jawaabi doono su’aashaada,” ayuu yiri Mogoha.

Wuxuu markaas ku sugnaa iskuul lagu magacaabo Pumwani Boys oo ku yaalla meel u dhaw xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Dadka sida weyn uga carooday arrintaas waxaa ka mid ahaa Aadan Ducaale oo xilligaas ahaa xildhibaan balse hadda ah wasiirka Difaaca ee Kenya.

“Ma ahaan kartid wasiir Waxbarasho. Maxaad u dooneysaa in carruurteennu ay kugu daydaan adiga oo aabbe ahaan kuugu daydaan adigoo doonaya inaad u heyb soocdo saxafiyad da‘ yar oo lagu magacaabo Ruqiya sababo la xiriira bulshadeeda iyo diinteeda,” ayuu yiri Ducaale.

Magoha ayaa markii dambe raalligelin ka bixiyay dhacdadaas, isagoo hadlkii uu ku yiri gabadha wariyaha ah ku tilmaamay kaftan.

Kumuu ahaa George Magoha?

George Magoha

Shakhsi ahaan waxaa lagu tilmaami jiray nin cod kar ah oo aan qaadan waxyaabaha mcno darrada ah, hadalkiisana aan la gabban.

Intii uu ahaa wasiirka waxbarashada waxa uu fuliyay qorshe looga hortagayay qishka lagu sameeyo imtixaannada qaran.

George Albert Omore Magoha waxa uu dhashay sanadkii 1952.

Magaciisu wuxuu soo ifbaxay markii uu noqday ku xigeenka madaxa Jaamacadda Nairobi, waxa uuna xilkaas hayay intii u dhaxeysay 2005 ilaa 2015.

Markii uu ka tagay Jaamacadda Nairobi waxaa loo magacaabay madaxa Guddiga Imtixaanaadka Qaran oo uu hoggaaminayay intii u dhaxeysay 2016 ilaa 2019-kii.

Kowdii bishii March ee sanadkii 2019 ayuu madaxweynihii xilligaas ee Kenya, Uhuru Kenyatta, u magacaabay xilka wasiirka waxbarashada.

Waxa uu jagadaas kala wareegay Aamina Maxamed oo loo baddalay in ay noqoto Wasiirka Ciyaaraha.