Garoowe
Ciidamada Danab ee uu hoggaamiyo Gen.Jimcaale Takar ayaa markii u horreysey ka hadlay dagaalkii shalay, iyaga mas’uuliyaddiisa ku eedeeyey dowladda: “Mar kale wuxuu Deni qorshaynayaa weerar kale isaga oo aan dheg jalaq u siinayn xabbad-joojintii isimmada.” – Ayaa lagu warsaxaafadeedka.
Hayeeshee Guddoomiyaha Gobolka Nugaal waxa uu goordhaweyd sheegey in aanu dhinacooda ka jirin wax dhaqdhaqaaq ah, dadkuna ay is dejiyaan.

