Madaxweynaha Taiwan oo Qaabishsy Dr. Edna Aadan
Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha waddanka Taiwan Tsai Ing-Wen, ayaa xafiiskeeda ku qaabishay Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo ay wehelinayeenku-guulaystayaashii kale ee ku guulaystay Abaalmarinta “26th Fervent Global Love of Lives Awards” oo ay bixiso Chou Ta-Kuan Cultural and Education Foundation.
War kooban oo qoraal ah oo kulankaas laga soo saaray ayaa lagu sheegay in daryeelka caafimaadku uu ka gudbay xudduudaha caalamiga ah isla markaana uu si wada jir ah u bedeli doono masiirka kuwa sida wanaagsan wax u wada.
Waxaa kale oo kulankaas ka qayb galay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Ambassador Maxamed Xaaji.