Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI oo Boiqday Golaha Guurtida oo uu Xubin Sharaf ka Yahay
Hargeysa(Qaran news)- Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa booqday golaha Guurtidda Somaliland.
Murrashax Cirro oo warbaahintu waydiisay sababta uu u soo booqday xarunta Baarlamaanka, ayaa sheegay inuu yahay xubin sgaraf ka tirsan Golaha Guurtidda, sidaas darteedna uu kala soo qaybgalay fadhigiida caadiga ah.
Murrashax Cirro waa markii kowaad ee uu yimaado kana soo xaadiro fadhiga golahaas, tan iyo markii uu iska casilay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dabayaaqadii sannadkii 2016kii xiligaas oo isku sharraxay doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday dalka 2017kii.