Hadaba si aan wax uga sii ogaano waxa ay yihiin wadahadalaan ayaan la xariirnay wasiirka arimaha dibada ee Somaliland Dr Ciise Kayd, balse waxa uu sheegay in aanay jirin wax wada hadal ah oo ay la leeyihiin Itoobiya.
“Arrintaan waxay ku saabsan tahay sheekadii hore ee 19%” ayuu yiri waiirka oo sheegay in arrintani mar hore ahayd, warkeediina hadda dhamaaday.
Heshiiskaas ayuu sheegay in Itoobiya ay ka soo bixi wayday shardigii laga rabay ee ay qaybta uga noqon laheed dekadda Berbera ee ay haatan gacanta ku hayso DP World.
“Itoobiya waa ay bixin wayday lacagtii laga rabay, sidaas ayayna ku wayday qaybtii ay rabtay,” ayuu wasiir kayd sii raaciyay hadalkiisa.
Dadka qaar ayaa walwal ka muujiyay in Itoobiya ay si walba ku qaadan doonto baddaha ku teedsan wadamada ay dariska yihiin, balse wasiir Kayd wuxuu leeyahay “Wax walwal ah ma qabno”.
Itoobiya waxay isticmaashaa dekadda dalka Djibouti, halkaas oo ay kala soo dagto 95% waxyaabaha ay dhoofiso iyo kuwa ay la soo dagto intaba. Balse wasiirka gaadiidka ee Itoobiya wuxuu sheegay in waddankiisu uu u baahan yahay takado kale oo ay u baxsan karaan, sidaas daraadeedna wadahadlo ku aadanaa inay isticmaalaan takadda Berbera ay socdaan meel wanaagsanna u marayaan, ayay wakaaldu ku dartay intaas,
Sidoo kale wakaaladda ayaa daabacday in wadahadalo u socdaan dawladda Kenya iyo dawladda Itoobiya, kuwaas oo ku aadan in Itoobiya ay isticmaasho dekadda Lamu, sida ay sheegtay wakaaladdu.
Horay ayaa waxaa u jirayheshiis saami qabeysi oo ay u galeen Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda laga leeyahay Imaaraatka ee DP World kaas oo dhigayay in 51% boqolkiiba ay takadda yeelaneyso DP World, $30 boqolkiiba ay yeelan doonto Somaliland, halka dowladda Itoobiya ay qaadan laheed boqolkiiba 19%, heshiiskaas ayaa la filayay inuu socondo muddo 30 sanadood ah.
Dawladda Soomaaliya xilligaas ma aysan taagerin heshiiskaas, balse waxay isku dayday inay hor istaagto, wasiirkii dekadaha iyo gaadiidka badda ee dowladda federaalka Soomaaliya ee xilligaas Marwo Maryan Aweys ayaa waxay 2-dii bisha March, 2018 dii soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegtay in heshiiskaas yahay mid sharci darro ah, islamarkaasna aanan la aqbali karin.
Sidoo kale ra’iisul wasaarihii xilligaas ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo madaxweynihii xilligaas Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, labaduba waxay sheegeen inay ka soo horjeedeen heshiiska.
Itoobiyo iyo damaceeda takadeed
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa marar badan sheegay sida jiritaanka Itoobiya ay muhiim ugu tahay inay bad helaan, maadaama dalkiisu yahay mid xeeb la’ aan ah.
Bishii aynu soo dhaafnay ayuu jeediyay hadal dood badan abuuray kadib markii uu sheegay in helitaanka bad, gaar ahaan badda cas ay tahay arrin muhiim u ah jiritaanka dalkiisa, hadalkaas oo ay dad badan u fasirteen inuu yahay colaad lala galo waddanka dariska la ah ee Eritrea.
Abiy ayaa hadalkaan ka yiri khudbad laga sii daayay talafshinka oo uu kula hadlay baarlamaanka dalkiisa.
“Bad cas iyo wabiga Niil ayaa qeexa Itoobiya; waxay asaas u yihiin horumarka Itoobiya,” ayuu Abiy u sheegay baarlamaanka isaga oo ku booriyay inay ka xishoon mawduucaan.
Hadalka Abiy ee ku saabsan badda ayaa dood iyo saadaalin ka dhex abuuray dadka Itoobiya ee ku xariira baraha bulshada taas oo la is weydiiyay halista uu u ku keeni karo heshiiskii ay wada gaareen Abiy iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afeworki oo ahaa in la soo afjaro colaadda daba dheeraatay ee u dhaxaysay labada waddan, Heshiiskaas ayaa dhacay sanadkii 2018 kii.
Ciidamada Eritrea ayaa ka barbar dagaalamay kuwa Itoobiya xilligii ay dagaalka kula jiree ciidamada Tigray kaas oo ka dhacay wuqooyiga dalka Itoobiya.
Itoobiya ayaa sidoo kale horaan sheegtay inay dhisaneyso ciidmadeeda badda.