Writen by Qaran News |

Asalaamu Calaykum,

Bishu waa 29 september 2009, waxaan ku suganaa Dubai. Insha Allah berrit oo kale ayaan ku beegmahay Nederland. Maxamuud, Musatafe, axmed iyo Caliyow wxaaan halkan idiin ku soo dirayaa duruufihii qalafsanaa iyo khatarahii cabsida badan huwanaa ee habeenkii jimcihii ina soo dhaafay Dul Hoganaayey caasimada Hargeysa.

Wasiirada xukuumada Rayaale , ee ka soo jeeda beesha Garxajis ayaa kulan gaar ah habeenimadii jimcihii kula jeeshay guddoomiyaha xisbiga UCID ,wax yar kadib markii ay hoggaamiyeyaasha labad xisbi mucaarid ku baaqeen guluf culus oo lagaga hortegayo qorshaha muddo-kordhinta aan laysku waafaqsanayn ee Golaha Guurtidu u balansanaa subaxda jimcaha. Kulankaas oo u jeeddadiisa lagu sheegay mid la xidhiidha sidii ay guddoomiyaha Ucid ugu qancin lahaanyeen inuu ka noqdo aabaabulka labada xisbi ee mucaarid ku dhawaaqeen cawayskii jimcaha, ayaa ku dhammaaday guuldaroo, kadib markii uu hoggaamiyaha UCID kooxda wasiirada beeshiisa ee ergada ugu yimi u caddeeyay in aanu ka noqonayn mowqifka u la qaatay dhigiisa xisbiga Kulmiye, isla markaana ka codsaday inay fasaxaan si uu ugu tago Axmed Silaanyo oo ka sugayay kulan xisbiyada mucaadku ku dhisayaan dawlad cusub oo lagu dhawaaqi doono haddii Guurtidu ku tallaabsato muddo-kordhin qarsoodi ah oo loo sameeyo Rayaale.

Inta kadib xubnaha wasiirada Garxajis oo ka madluunsan hungada ay kala kulmeen kulankii guddoomiyaha Ucid ayaa si toos ah isugu shubay xilli saqdhexe ah xarunta madaxtooyada oo marki horeba laga soo diray, halkaas oo ay Rayaale ugu gudbiyeen farriimo dhiilo leh oo ku saabsan xiisaddii kululayd ee habeenka ka aloosanayd Hargeysa iyo guud ahaan dalka oo dhan. Waxaanay Wasiiradu si cad ugu sheegeen Rayaale in xaaladu taagan tahay meel aad u adad oo aan si sahlan loga hortagi karin, sida awgeed loo baahan yahay talo iyo go’aan qaadasho deg-deg si laga hortago dhibaata culus ee xukammadooda so foodsaartay.

Wassirka arimaha gudaha oo aan haeenkaas mar qudha kabaha bixin, hurdana u hunguroon ayaa daqiiqad-daqiiqad Rayaale oo qudhiisu heegan ku ahaa xafiiskisa ugu gudbinayay warbixino xaalada guud iyo hadba waxa ka soo kordha aabaabuladii mucaaridku hoggaaminayeen. Inkasto Rayaale laftiisu si weyn u dareensanaa khataraha soo fool leh, haddana sida la sheegay waxa bac iyo babiso ku riday warbixinadii xaqiiqda ku qotomay ee Ciro u gudbinayay oo ku saabsanaa inuu habeenkaas jiray abaabul hub-urusi xoogan oo Hargeysa ka bilaabmay saqdii dhexe iyo saraakishii hore ee SMN oo ku labisna dirayska tuuta ah isuna diyaariay hogaaminta hawlgal loo xabbad lagaga hortago haddi mar kale boolisku rasaas kala horyimaadaan dadweynaha xisbiyada mucaaridku bannaanbaxyada ugu baaqeen.( Mar wal oon soo xasuusto dhacdooyinkan waan jidhka i dubaaxiya, idhuhuna way ilmeeyaan, maxamuudow waad i fahamtay). Labada xisbi mucaarid ayaa iyagu gadhwadeen ka ahaa hawlgaladii cabsida lahaa ee habeenka dalka gilgilay, waxayna ilaa waaberigii jimce ku hawlanayeen hub-urursi qarsoodi ah iyo kicin dadweyne oo salka ku hayay in xataa xabad iyo dhiig daata lagaga hortago muddo-kordhinta Guurtidu iyo xukuummadu u balansanaayeen in khasab subaxa jimcaha lagu meelmariyo.
Abaabullada iyo duulaankan mucaaridku kiciyeen oo dadweynaha si gaar ah u cabsi geliyay ayaa noqday mid batrool ku sii shubay baqdinihii laga qabay halka uu saldhigan doono khilaafka siyaasadeen ee muddoda dheer soo jiitamayay. Badi dadweynaha ku dhaqan Hargeysa ayaan jimcihii hurdo dhabanka dhigin, kuna dhamaystay soo-jeed iyo werwer xoog leh oo ay ka qabeen xaalkii cabsida huwanaa ee habeenkaas dagaalka la isugu hub urursanayay. Shacabka reer Hargeysa , gaar ahaan waayeelka wuxuu habeenkaassi u ahaa mid gama’a u diiday oo waagu ugu baryay baqdin la xidhiidha sida xaal noqon doono, halka dhalinyaradu aanay iyagu badi u hurdo tegin guryahooda. Waxana magaalada laga dareemayay dhadhaqaaayada bogollaal dhalinyaro ah oo isu diyaarinayay inay ka qaybqataan abaabulladii mudoharaadyada iyo hub urursiga ahaa ee loogu jiray sidii xoog logaga hortegi lahaa qorshihii Rayaale ku doonayay in Guurtidu sannad kale xilka ugu kordhiso. Sidoo kale waxa goobo qarsoon oon ka dheerayn Baarlamanka lagu diyaariyay ciidan xoog u hubaysan oo logu talagalay inay tageeraan dadweynaha iyo madaxda mucaaridka oo qorshahoodu ahaa in xoog ku galaan xarunta golaha Guurtida.
Dhacdooyinkii xasaasiga ahaa ee habeenkass hadheeyay casimadda Hargeysa waxa kalo ka mid ahaa cabsi xoog leh oo soo foodsaartay mudanayaashii Golaha Guurtida ee lugta ku lahaa qorshihii muddo-kordhinta. Waxana la sheegay qaar badan oo ka mid ahaa 53 kii xildhibaan ee saxeexay dalabkii madaxtooyada ee muddo-kordhinta in ay ka seexan waayeen hanjabaado isdabajoog ah oo uga imanaayay dadweyne dhallinyaro u badan, iyadoo arrintaas sababtay in xildhibaanada qaarkood cabsi uga qaxaan guryahoogii, halka kuwo kalena samaysteen ilaalo isugu jira boolis iyo eheladooda oo hubaysan. Sidoo kale waxa habeenka gubtay guri u deggan yahay xildhibaan ka soo jeeda Gobolka Sool, halka xildhibaanada aan ehel badan ku lahayn Hargeysa laga daadgureeyay guryahoodi lana dejiyay guriga Rayaale ee ka dambeeya xurunta Baarlamaanka.
Warbixinta xasaasiga ah iyo khataraha cabsida lee ee wasiirka Arrimaha Gudaha u gudbiyey Madaxweynaha saacadihii dambe iyo badheedhihii farriinta wasiraada Garxajis ayaa sii xoojihay wer wer iyo walaac weyn oo habeenkaas dul hoganayay Rayaale, waxana soo afjarmay rajadii uu ka qabay muddo-kordhin sannad ah. Waxa la sheegay in ay arrimaha kor ku xusan door muhiim ah ka qaateen go’aankii geesinimada lahaa ee Rayaale saacadihii dambe ee habeenkii jimcihi kaga noqday kordhintii u damacsanaa in Guurtidu sannad jujuub ah ugu kordhiso xilka.
Xaaladdii cakirmayd ayaa mar qudha dhinaca wanaagsan isu rogtay markii fadhidhigii Golaha Guurtida ee subaxnimadii jimce oo dhiilo colaadeed kulaalayeen uu ka soo baxay go’aan cadhadii taagnayd u rogay farxad iyo dammaashaad, kadib markii mudanayaasha Guurtidu aqlabiyad buuxda ku ayideen go’aamadii Beesha Caalamku kaga talabixiyeen murrankii siyaasadeed ee muddoba dalka ka taagnaa. Go’aankii Guurtidu waxa lagu tilmaami karaa in uu dalka ka badbaadiyay balaayadii malintaa aloosnayd iyo masiibadii cuslayd ee ilaahay inaguma keene u horseedi lahayd burbur mar kale ku dhaca dalka.Ugu dambeyntii, farxadii iyo damaashaadkii subaaxa Jimce waxey murugo badan ku rideen cadowgii Somaliland ee rajeynayey in Dhiig sokeeye mar kale ku daato degeenka Jamhuuriyada Barakeysan ee Somaliland.

Wabilaahi Towfiiq.
Mahmoud-Yaasin Abdillahi Ali
Dubai. UAE